Magaca buuga :Men Are From Mars, Women Are From Venus
Raggu waxay ka yimaadeen Mars, Dumarkuna waxay ka yimaadeen Venus
MARS :Mars waa meeraha afraad ee ka yimaada Qoraxda - waa duni boodh leh, qabow, oo saxare ah oo leh jawi aad u khafiif ah.
Venus: Venus waa meeraha labaad ee ugu dhow Qorraxda. ... Waa meeraha ugu kulul ee Nidaamka Qorraxda. ...
Qoraaga buuga : John Gray
Wadanka lagaso saarey :United States
Luuqada :English
Nooca : Non-fiction/ aan khayaali aheyn
Bogga. : 307
Gorfeynta Buuga :- Men are from mars, women are from venus.
Horudhac
W/Q :Nadira tissue
Bismillaah, ugu horeyn waxay mahad o idil u sugnaatay Alle SW oo ii suura galiyay akhrinta buugan hoose, waxaa qoray John Gray o ah qoraa u janjeedha ama wax ka qoray xidhiidhada dhex mara lamaanayasha, buugan waxa uu suuqa soo galay 1992 ilaa iminka na waxa uu ku jiraa buugta dhinacaa loogu jecel yahay waxaa la daabacay 15 Million o jeer iyadoo isla markaa na loo rogay afaf gaaraya 45.
◇ Fariinta uu buuga dirayo.
Buugu waxa uu ka kooban yahay 307 bog oo u qeybsan 13 cutub o runtii mid ba midka kale ka xiiso badan yahy, guud ahaan buugu waxa uu diirada saaraya kala duwanaanshaha u dhaxeeya RAGA iyo DUMARKA, qoraagu marba doc buu iska dul taagay farqiga, tan hore qoraagu waxa u sharaxayaa jaceyl ka iyo darfaha aynu ka kala taaganahay Rag iyo Dumar ba.
Halkan qoraagu waxa uu lee yahay Ragu waxa ay daremaan in jaceyl loo hayo marka la xuso abaal ka ay galaan, loo mahadceliyo ama aaminaad loo muujiyo, halka dumarku ay jaceyl dareeman marka loo muujiyo damqasho, daneyn, xushmad iyo dareen kooda o la fahmo. Ragu waxa ay xiiseyan walxaha sida dhisida buundo, soo saarida gaari cusub ama xalinta dhibaato jirta halka dumar ku ay aad uga fog yihiin. Iyagu wa dumar ke waxa ay daneeyan quruxda, xidhiidhada iyo dadka.
Qoraagu waxa u lee yahay halka kale e leysku maandhafsan yahay wa raga o ku foogan xalinta mushkiladaha, ha ahaato mid gurigiisa ka jirta ama mid guud ba, docda kale dumar ku sidaa maaha iyagu ma jecla isuma na hawlaan in ay ka hadlaan dhib heysata xalkeeda e dhibta lafteeda ayay ka hadlaan sidaas ayay na nafis ku dareeman,
tusaale :- Waxa dhici kareyso in xaas kaagu ay ku tiraahdo waxan aad ugu xiisay hooyadey, markiiba waxa laga yaaba inteena badan inan lasoo deg degno wayahee orod oo aad. Sidaa maaha hada ba raggow iyadu waxa ay cabireysaa kaliyah xiisaha mugga weyn ay u qabto hooyadeed, hadii aad si dareen leh uun kaliyah u dhageysato wax weyn ayay u noqon laheyd.
Hadii aynu u nimaadno walwalka la tacaalidiisa aad baan ugu kala duwanahy gabadhu waxa ay jeceshahay in ay ka hadasho walwalka laftiisa si ay isaga dulqaado culeyska heysta, halka nin ku aanu sida aheyn; Waxa uu jecel yahay inu isu kali yeelo dhibta soo food saarty ilaa uu xalkeeda helo, waxa dhici karta in ay xaas kaagu kugu celceliso in caruurtii ay ka go'een canaha ama kirada guriga ba wakhtigedii dhaaftay, ku cel-celintaa adigu wa kugu culeys halka iyadu nafis ku dareemeyso.
◇ Dumar ka iyo ragu wa kala af.
Qoraagu waxa uu halkan lee yahay "Martian and venusian languages had same words, but the way they were used gave different meanings"
Waxa aynu isku dayeynaa in aan halkan ku xusno ereyada qaar e laga yaabo in gabadh ama xaas kaagu ba ay malin ku tiri, macnaha uu noqon karo iyo macnaha sax da ah e aynu innagu u naqaan.
A. Dibada uma wada baxno "We never go out" waxa laga yabaa in markii ba aad lasoo boodo saw innagii wada baxnay bishii hore. Iyadu se waxa ay ula jedaa o qoraagu soo warinayaa "Gacaliye muddo meynan wada bixin waxan jeclan lahaa inan wakhti gaara isu helno"
B. Gurigu marley ba aad ayuu isugu dhex yaacsan yahy. "The house is always mess" Lkn mar waliba sidaa maaha inad dhahdo ayaa dhaceysa, iyadu se waxa ay ula jedaa macne kale o ah. "Hawsh guriga wan ku daalay waxan doonaya nasiino, ama waxaa dhici karta in ay markaa jeclan laheyd inad ka caawiso hawsha guriga.
Marka ay xaas kaagu sida u cawato ama kuula hadasho hadii aad si dareen leh kaliyah u dhageysato, wax weyn ayaad u qabatay, taasi in badan ma dhaceyso o ragu waa "More solution oriented" kuwa mar waliba ku foogan xal raadin.
◇ Dumar ku waxyaabaha yar yar farqi weyn ayay u sameyaan "For a women little things make a big difference"
Qeybtan qoraagu waxa uu ku doodaya in dumar ku ay isku doc ka taagan yihiin wax yaabaha yar-yar iyo waxyaabha wa weyn.
Ninku waxa uu modaa inuu abaal gud fiican ka helayo xaaskiisa hadii uu u iibiyo gaari ama ba u kaxeeyo dalxiis, halka uu isle yahy abaalgud badan kuma heleysid xaas kaaga o aad laab galiso, ubax u keentid ama aad casho geysid, tusaale :- Gabdha waxa isugu mid ah kirada guriga o aad wakhtigeeda bixiso iyo inaad ubax u keento bishiiba mar, waxa xaqiiq ah in habluhu kala duruufo yihiin gabadha joogta Galbeed ka waxaa laga yabaa in ay wax weyn u aragto xaflad dhalasho ay dhigato ama ubax yaroo lo keeno halka tan joogta wadan kii laga yaabo in aysan macno buuran u yeelan arimahaa o idil.
Sameynta wax yaabaha yar yar wax weyn ayay dumar ku u tahay, ragu se ma fahamsana intooda badan tusaale :- gabadha jaceyl ka ay nin keeda u qabto waxa lagu tusaaleyn karaa taan-giga shidaal ka qaada e gaariga ku xeran o kale had ba halka aad gaari karto waxay ku xeran tahay sida aad u buuxiso taangiga, shidaal ka dhaqaajin dona qalbiga xaas kaga wuxuu noqon donaa waxyaabaha yar yar e aad u sameyso. Hadda ba raga qaar baa iswaydiinaya maxey noqon karaan wax yaabaha yaryar e dhaqaajin kara niyada gabadha,
aynu eegno tusaalle yaal uu ina siiyay qoraha, sida aan horey usoo sheegay ba waxaa dhici karta in waxyaabaha yaryar e aynu xusi doono qeyb ka mida aysan dumar keena jooga wadan ka aysan farqi u sameyn, balse waxa ay ku xeran tahay hadba baahida gabadha iyo deegan ka.
1) Marka aad shaqada kasoo rawaxdid e aad guriga timaadid, raadi o laab gali
2) Mar waliba dhageyso o si dareen leh u dhugo
3) Mar waliba xusuusnow tariikhaha agteeda qaali ku ah, sida aqalgalkiina ama dhalashadeeda
4) Mar waliba gacan kasii hawsha guriga
5) In badan o malin ka kamida ku dheh wan ku jecelahay o laab gali.
6) Xusuusnow waxyaabha ay ka hesho
7) Marka aad wada hadleysan u dhawaaw o gacmaha u saar gacmaha
8) Mac-macaan usoo iibi ama cadar
Intaa iyo ka badan ba hadii ay raggu sameyan xaasas koodu abaal bey uga heyn laheyeen. Ragu iyaga uma baahna waxaa oo daal ah, kaliyah waxa ay kaaga baahan yihiin waji furan iyo mahdcelin dabacsan.
◇ Ragu garaacasho ayay lee yihiin e garasho male.
Innagoo ku baraarugsan kala duwanaanshaha u dhaxeyaa raga iyo dumar ka waxa jirta gabadhu in ay aaminsan tahay hadii u qofkani jecel yahay looma baahna inad waydiiso waxaa iyo waxaa halka ragu aysan sidaa aheyn. Hadii aysan gabadhu waxba waydiin nin ku waxaa dhacda inuu aamino inaysan waxba qaldaneyn, hadii uu markaa nin ku fahmi waayo hadal ka waxa dhaceyso in ay gabadhu hadalka dadabto tasoo runtii xalada sii murjin karta, aynu wada eegno tusaale yaashan hoose iyo sida ay habluhu hadal ka u dadbaan.
A. Qudaarta gaariga ayay ku jirtaa wali, wa soo qaad anigu wan daalanahaye
B. Wakhti aan casho ku sameeyo ma hayo, markan waxay ula jedaa dibada casho ma innaga so siin kareysaa
C. Haanta xashiish ku way buuxda o xashiis kale ma qaadeyso, waxa ay ula jedaa haanta xashiish ka inoo soo baneey
Waxa laga yabaa in raga Soomalida iyo dumar kooda ba aysan halkan isla soo gaarin maadama aysan wax badan wadaagin marka la joogo hawsha guriga, hadii halkaa ba leysla soo gaaro qoruhu waxa uu ku talinayaa in ay habluhu hadal ka toosiyan o kalsooni hadlaan.
◇ Gabagebo
Buugu runtii wa mid intaan ka balaaran, waxanse isku dayay inan aragti guud ka baxsho, waxan kugula talin lahaa inaad buuga baadi goobto hadii nuxur ku kaa daadegay. Waxan kale o aan rabaa inan ka afeefto wixii gaf ah e iga dhacay, ha ahaato hab qoraal ka faalada ama qaladaad kale e naxwe.
Mahadsanid.
Nadiira Abdirisak jaama
https://youtu.be/ibfHhZh2FSM