Monday, June 26, 2023

Gorfeynta buugga: "Wax akhris miro dhal ah"












Bugaan waxa qorey suriyan ah oo magiciisa la dhaho DR Cabdilkariim bin Muxamed Al-Xasan Bakkar waxa uu ka mid yahay qorayaasha caanka ka ah dhinacyada waxbarashada iyo fakar. 

Dulucdan uso koobey , waxa aan ku soo koobay dhinacyada wax-akhriska ah ee kaa caawin kara in aad horumariso habkaaga wax-akhris-haddii aad hore wax u akhrinaysay-ama kaa caawin kara in aad wax-akhriska bilowdo.

Tiirarka akhriska 

Halkan, tiirarka wax-akhriska, waxa aan uga jeedaa waxa loo baahan yahay in la helo si loo faafiyo dhaqanka wax-akhris ee bulshadeenna, kuwaas oo kala ah.

1- Dhiirigelin

Haddii aad rabto inaad wax akhrido, raadso dhiirigelin aad ku akhrido. Si aanad jidka badhtankeeda ugu istaagin, oo aanad ka caajisin ama aanad u dareemin in wax akhriskaagu aanu qiimo lahayn.

2- Samaynta dhaqanka wax akhriska

Tani waa mas'uuliyadda waalidiinta, ka dibna xarumaha waxbarashada si ay u dhamaystiraan waxa waalidku bilaabay. Haddii aad doorbidayso inaad dhisato caado inaad wax akhrido, waxaan kugula talinayaa inaad hubiso buugga "Awoodda Caadada."

3- Bixinta kitaabka

Halkani waxa uu qoraagu ku diiday dooda dadka sheegaya in qiimaha buugaagta qaaliyoobay, isagoo sheegay in dhibtu aanay ahayn lacag la’aan, balse ay tahay wax damac ah oo ay ka qabaan shirkadda buuga, sida uu hadalka u dhigay. wuxuu raacay in uu soo bandhigay xalal qalafsan - sida uu tilmaamay - si uu u bixiyo buugaag.

4- Wakhti u lumin wax akhriska

Tani waa cudur daar kale oo loogu talagalay kuwa aan akhriyin, iyo xalka? Qoraagu wuxuu kugula talinayaa inaad heshid "saacadaha dahabiga ah" markaad ku jirto meesha ugu sarreysa ee hawshaada iyo inaad u isticmaasho akhriska.

5- Abuuridda jawi wax-akhris

Waxaad u abuuri kartaa jawi akhris sax ah adiga oo raacaya talooyinkan:

• Abaabulka iyo nadiifinta goobta wax-akhriska si xilliyo ah

• Meeshu ha noqoto mid hawo leh oo iftiin fiican leh

• Ka fogow buuqa iyo buuqa intii aad awooddo

Ku fadhiiso kursi raaxo leh; Waxay kugu dhiirigelinaysaa inaad sii waddo akhriska

Bixi agabka lagama maarmaanka u ah akhriska; sida tixraacyo iyo qaamuusyo

Meel dhig nasashada nasashada waqti ka waqti si aad uga fog

 Noocyada wax akhriska

1: Akhrinta daahfurka:

Tirada buugaagta ayaa si joogto ah u koraysa oo sii kordheysa. Tani waxay lagama maarmaan ka dhigaysaa inaan baranno xirfad noo suurtagelinaysa inaan dooranno buugga ku habboon. inaad doorato buugga kugu habboon:

1- In la akhriyo hordhaca buugga: si loo ogaado qaybta uu buuggu u adeegayo, iyo haddii uu sharraxayo ama ka hadlayo arrin gaar ah.

2- Akhrinta Tusaha Mawduuca: in la sameeyo dulmar guud oo buugga ka tarjumaysa isku xidhnaantiisa iyo midnimadiisa ujeeddada

2: Akhriska degdegga ah 

AKhriska degdega ah waa xirfad lagu kasbado hababka qaarkood oo kordhiya xawaaraha akhriska qofka ee qoraal weyn ama mid yar iyada oo la gaadhayo fahamka wakhtiga.

3. Akhris xul ah

Akhris xul ah: Waa akhrinta uu qofku si qoto dheer ugu dhuuxo mawduuc gaar ah, tusaale ahaan:

 akhrinta buug gaar ah si uu u raadiyo fikrad gaar ah, 

Markii halkaaan la jogo buugtu waxey ukla baxaan 2 nooc 

 Nooca 1 aad :

Buugaag goobta ku jira oo ka kooban mawduuca aad rabto inaad dhex gasho, tani waa isha koowaad ee raadintaada. 

Nooca 2aad :

Buugaag aan ka tirsanayn goobta uu ka kooban yahay mawduuca aad rabto in aad u dhex gasho, akhriska noocaan oo kale waxa uu la mid yahay in aad ka raadiso irbad caws ku jir

4 - Akhrinta gorfaynta:

MarKa aad heer sare ka gaadho akhriska, waxa aad ka faa’iidaysan kartaa buugga oo aad dul istaagi doontaa dhaliilaha uu leeyahey 

5 - Akhrinta muhimka ah:

Waa akhriska ujeeddadiisu tahay in la helo macluumaad, fikrado iyo fikrado la xidhiidha mawduuc gaar ah, sida uu sameeyo cilmi-baadhaha raba in uu wax ka qoro mawduuc.

Mahadsanidin.

Nadiira Abdirisak Jaamac









Saturday, June 10, 2023














Magaca Buuga:   80/20 Principle

Qoraaga: Richard koch (dhalashadiisa ingiriis)

Aragtida: Vilfredo Pareto (italian)


Xeerkan waxa lagu magacaba pareto law ama the princip
of at least effort.

Waxa uu pareto ogaaday xeerkan kadib markii 80% dhu
talyaaniga ee la beeranayay uu ogaaday in ay leeyihin 20%
dadka ku nool wadanka. kadib wuxuu tijaabiyay beer uu laha waxa uu arkay 20%  midhaha uu galiyo ay soo saaran 80% maxsuulka ka soo baxa

Aragtidan waxa aad u isticmaala ganacisayada iyo qayb
kale ee bulshada.

*Tusaaleyaal*
Pareto waxa uu ina leeyahay marka aynu dib ugu noqo

nolosheena caadiga ah waxyaabaha aynu ku guulaysano

80% waxa ay ka yimadeen 20% Waqtigii aynu galinay.

80% output kaaga waxa uu ka yimi 20% input kii aynu
galinay.

Ganacsiga hadii aynu u fiirsano 80% wax so saarka ka ama

Adeega  uu bixiyo shirkadu waxa iibsada 20% macaamiisha.

Dambiyada aduunka ka dhaca 20% dambiilayaal ah u
sababa 80% dambiyada.

■Sida caadiga ah dharkeena waxaynu xidhna 20% kami
halka 80% ka kale ay yaalaan.

Hadaba xeerkan waxa dib usii raacay Prof iyo dad cilmi
badhayaal ah. Waxa kamid aha.
●Prof George bare ka ahaa jamacada Harvard
Juran oo caalim reer japan ah


*Hadaba waa maxay Ahmiyada xeerka 80/20*

Qoraagu waxa uu ina leeyahay Sabab kasta waxaynu u
haysanaa in ahmiyad inoo leedahay

Waxaynu u haysanaa dhamaan in macaamiishaada

 ganacsigaaga   ku xidhan inoo leyihiin ahmiyad isku mid ah,

 Balse markasta waxa inoo muhiim ah 20% faa iidada kuso dara

 aytahayna in aynu xooga  saarno waxaynu u haysana in dham

n maxsulka ka aynu iibinayno , ahmiyad ino wada leyihin balse

 waxa muhiim ah inta yar ee Macaamisheena   aadka u iibsadaan in aynu badino.

■Waxa aynu u haysanaa in dhamaan shaqalaha  shirkada 

 muhiim inoo wada yihiin balse waxa muhiim ah in inta yar

ee maxsuulka shirkada  kor uqaada dhiiri galino.

In asbuuc  kasta bilkasta iyo sanad kasta aynu qabano

waxyaabo inoo wada muhiim ah balse taa badalkeeda

waynu mashquulsanhy lkn wax yar ayaa faa iido leh.

In dhamaan asxabtu faa iido inoo wada leyihin balse inyar

oo kamid ah ayaa nolosheena wax kuso kordhisa.

In dhamaan  wicitaanadu  aynu samayno ino wada muhiim yihin

balse 20% aya laga yabaa in shaqo ama hawl muhiim ah u


samaysay iyo qodobo kale.


*Hadaba qoraagu waxa uu ina leyahay xeerkan waxa uu
anfacacayaa in uu adeegsado*

qof kasta oo  caqli u saaxiib ah 

Qaybaha kala duwan ee bulshada waliba ganacsiyada.
Xeerkan waxa uu ku siinaya xoog saaris waxa uu yareenaya 
waqtiga.

III : Xeerkan waxa uu ku siinaya xog saarid  waxa uu yareenaya 
Waqtiga.

*Hadaba sidee u dabaqi karna*

Marka hore baadh waxa aad qabato nolol maalmeedkaaga 
Kadib  ahmiyada sii shayga kuugu muhiimsan.

Kadib ogow shaqada aad ka hesho faa iidada ugu badan
taasna  xoga saar  (Hadii lacagtaada ugu badan kaso gasho
Qaybta ugu yar dhaq dhaqaaqaga taas xooga saar )

Meesha ka saar waxyaabaha waqtiga badan galiso balse
aan faa iido badan lahyn.

Buugan waa buug sida guud ka hadlaya hal fikrad oo
ah 80/20 Principle 
lkn waa xeer aad ugu muhiim ah
nolosheena, Waxa uu inoo fududaynaya hadii aynu dabaqno

in Aynu meesha ka saarno waxyaabaha aynu waqtigeena

galino ee aan faa iidada ino lahay (Waxa laga yaabaa in aad

malinkii oo dhan mashquulsanthy balse hadii dib ugu

noqono aysan wax badan oo faa iido leh inosoo baxayn)


Buugu waxa uu ka kooban yahay 16 chapter lyo ku

dhawaad 300 oo page waxa uu taabanaya dhinacyo badan

sida aad dadaal yar u bixin lahay ee aad hadana natiijo fiican
u heli lahayd.

Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...