So koobida buuga Dab iyo dhagax
Hordhac
Dab iyo Dhagax: Aafada Gaaleysiinta Muslimiinta
Buugga dab iyo Dhagax: Aafada Gaaleysiinta Muslimiinta waxaa qoray Muxxamad Yuusuf. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 137 bog. Sida guud buugaan waxa uu ka hadlaya dhibaatada ay leedahay in qof muslim la gaaleysiiyo mise in la sahashado gaaaleysiinta muslimiinta. Bulshadeena aad ayeey ugu badantahay in shaqsiyaadka qaar ay ridaan xukun gaaleysiin ah.
Buugggaan waxaa ku dhex jira 5 cutub oo kale ah; Duminta Darbiga,Hoobad,Kalmadda; Laa ilahaillallaah,Tusbax Furtayiyo Oodo Dhacameed. Waxaan isku dayi doonnaa in cutubkasta aan kala soo baxno Ujeedka iyo doodda adag ee uu xambaarsanyahay.
1.Duminta Darbiga
Qeebtaan uu qoraagu ku magax daray Duminta Darbiga waxa ay ka hadleysa si guud sida diinta islaamka ay kusoo bilaabatay, xiligii Nabi Muxammad SCW lagu soo dajiyay nabinimada, sidii asxaabtu ay u soo dhaweysay, sidii mushrikiintu ay u dhibaateeyeen Nabiga SCW iyo saxaabada, hijrooyinkiii nabigu sameeyay, duullaannadii iyo hishiisyadii nabigu sameeyay, geeridii Nabiga SCW, iyo sidii saxaabadda khulaafada ay talda ugu kala horeeyeen.
Inta taariikhdaan uu qoraagu ku dhex jiray waxa uu iftiiminayay dadkii nabiga scw u dhawaa iyo sida saaxabada qaar ay maal iyo xoogba ugu horeen fidinta diinta. Tusaale ahaan, sida Cali uu uga qeyb qaatay markii nabiga iyo Abuu Bakar ay madiino u hijroonayeen, sida Abuu Bakar uu aga qeyb qaatay faafinta dacwada asagoo ku lugyeeshay islaamidda Subayr ibnul Cawaam, Cusmaan ibnu Cafaan, Dalxa ibnu Cubaydillaah, Sacad ibnu Abii Waqaas, iyo Cabdiraxmaan ibnu Cawf.
Waxaa taas sii dheer, kaalintii balaarneed ee Cusmaan qaatay. Markii Muhaajiriintiii ay Madiino tageen waxaa ku adkaatay in ay cabaan biyaha magaalada mana aysan awoodin in ay gataan biyaha ka imaada ceelka macaan. Cusmaan ayaa ceelkii iibiyay uguna dhigay waqaf. Sidoo kale, duulaan kii Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaariyo masjidka.
Waxaa taas sii dheer, in markii uu dhacayay duulaankii ugu danbeeya uu nabiga ka qeyb galay oo lagu aaday Tabuuk ay adkaatay in la aruuriyo dhaqaalo lagu taageero ciidanka, laakiin Cusmaan ayaa keenay 1000 diinaar oo ciidanka lagu diyaariyo.
Cusmaan waa saaxibga qabay Ruqiya Bintu rasuul. Waa xaaskii uu jirradeeda darteed ugu haray ka qeyb qaadashada dagaalka badar laakiiin rasuulka ayaa ku yiri Cusmaan waxaad leedahay ajarka iyo qaniimada qof ka qeyb qaatay Badar. Ruqiyo markii ay dhimatay Cusmaan waxaa loo guuriyay Ummu Kalthuum oo ah gabadha Nabiga. Waana sababta loogu baxshay Cusmaan “Dan Nuureyn.”
Caa’isha RC waxa ay tidhi: maalin ayaa Nebiga SCW oo guriga jooga dhinacna u jiifa (dengiiga), oo bawdadiisa ama dhudhunkiisa maradii ka faydantay, waxaa u yimid Abuu Bakar RC isaga oo sidiisi ah waana ay sheekaysteen, dabadeedna waxaa u yimid Cumar RC isaga oo sidiisi ah waana ay sheekaysteen. Ka dib waxaa u yimid Cusmaan RC, markaas ayaa uu Nebigu SCW fadhiistay maradiina hagaajistay. Markii laga wada tagay, ayaa ay Caa’isha weydiisay sababta uusan Abuu Bakar iyo Cumar dan uga galin e, uu Cusmaan isaga ururiyay. Nebigu SCW waxa uu ugu jawaabay: “Miyaanan ka xishoonayn nin malaa’igtu ka xishooto?!”
Cusmaan waxa uu ahaa saaxibaga inta uu nabigu noolaa dacwada islaamka qeyb lixaad leh ka qaatay. Ka dib marka uu nabigu Dhintayna, Waxaa taladii Muslimiinta qaaday Abuu Bakar RC. Isna waqti badan ma joogin waxaana ku xigsaday Cumar RC. Sannadkii 24H waa tii Cumar RC oo salaaddii ku jira la dhaawacay ee maalmo ka dibna uu geeriyooday.
Kadib, Cusmaan ayaa loo dhiibay taladii. Waxa uu Cusmaan khaliif ahaa 24H ilaa 35H markaas oo gurigiisa lagu dhex dilay. Cusmaan waxaa dilay rag aaminay oo iska dhaadhiciyay in uu san diinta si sax u heysan.
Waa ay gaaleysiiyeen Cusmaan, Ayagoo ku doodaya in Cusmaan ibnu Cafaan ku jiray raggii cararay maalintii Uxud, in uu ka maqnaa Beder oo uusan ka qaybgalin, iyo in uu ka haray Baycatur Ridwaan oo uusan goobjoog ka ahayn.
Waxa ay iska indho tireen in Alle ka cafiyay cararkii maalintii Uxud(eeg Aala Cimraan: 155), in ka maqnaashaha Beder ay sababtay jirradii gabadhii Rasuulka Alle SCW ee uu qabay oo uu Nebiga SCW ayaa ku yidhi waxa aad leedahay ajarka nin Beder ka qaybgalay iyo qaniimadiisi, iyo In Baycatur Ridwaan ay dhacday intii uu Makah ku maqnaa, Nebiga SCW ayaana gacantiisiimidig| 3yidhi waa gacantii Cusmaan oo ku dhuftay gacantiisii bidix isaga oo dhahaya: waa baycadii Cusmaan.
Qeybtaan uu qoraagu ku magac daray Dab iyo dhagax waa qeybta muujiinaysa halka ay kasoo bilaabatay gaaleysiinta qof Muslim ah. Dadkaas wax gaaleysiinaya waa dad aan heysan cilmi ku filan haddii aysan lahaayeen sidaas uma sahashaded xukun ka gaaleysiinta Cusmaan ayeey gaaleysiiyeen. Waa saxaabiga ka mid ah 10kii jannada loogu bishaareeyay, waa saxaabiga uu nabigu yirii malaa’igtaa ka xishooto.
Dadkii gaaleysiinayay waa dad ayagu waxa isku beegbeegtay, aan raadin xaqiiqo iskuna maleeyay in ayagu ay waddo sax ah hayaan. Cusmaan RC inta ay gaaleysiinayeen hal mar ma uusan galeysiin mana uusan ula dhaqmin qaabkii ay u dhaqmayeen.
Waa ay dileen, hantidiisana waa ay bilaqeysteen iyagoo leh gaal dhiigiisa uu xalaal noo yahay miyaa hantidiisu ay xaaraan naga noqee. SUBXAANALLAH.
UGU DANBEYN , Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalana kuuma geyso.”—Gaaleysiinta Muslimiintu dadkana waa ay kaa dhex saartaa, adduun iyo aakhirana waxba lagama dheefo aan dab iyo dhibaato ka ahayn. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka ashahaadanaya.
2.Hoobad
Qeybtaan waxa ay ku saabsantahay dhibaatadii bilaabatay markii Cusmaan la dilay sida ay u siii socotay iyo sida muslimiinta kala firirkooda oo usii joogtoobay.
Cusmaan dilkiisa ka dib Cali ayaa khaliif noqday. Muslimiintu waxa ay u kala jabeen qaar dhaha Cusmaan ayaan u aareyn iyo qaar diida. Shaam oo Mucaawiye RC ka talinayay ilaa xilligii Cumar RC, aad baa looga gubtay wixii dhacay, dadkiina dagaal baa lagu guubaabiyay. Oo waa ay diideen in ay ka amar qaataan Cali oo haa khaliifka.
Cali waxa uu goostay in uu Shaam iyo Mucawiyo ku duulo maadama ay ka amar diideen. Koox kale oo Caaisha ay hogaamineyso ayaa aaday Basra si ay ciidan u aruursadeen kuwa
Cusmaan dilay oo halkas joogana u laayaan.Cali RC waxa uu go’aansaday in uu Basrah u dhankeeda u leexo inta uusan Mucaawiya iyo Shaam aadin. Dagaal ba’an ayaa dhacay. Dhan waxaa hoggaaminaya Cali RC, dhanna hooyadii Mu’miniinta Caa’isha bint Abii Bakar RC oo ay weheliyaan Subayr RC iyo Dalxah RC.
Ugu dambayn Cali ayaa gacansarreeyay, Caishana gurigeeda ayaa loo soo celiyay. Cali RC iyo Caa’isha RC labaduba aad ayaa ay uga xumaadeen musiibada dhacday.
Fidnada bilowgeedu dadka waa uu indhatiraa waana dhegatiraa. Hadhow baa la wada dhahaa: maxaa nagu watay! Dalkeenna dagaalkii sokeeye ee ka dhacay, wixii dil, kufsi, dhac, burbur,… ka dhashay, cidna xisaabta kuma darsan markii Siyaad Barre beddela qorshuhu ahaa. Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yaman,…
Cali RC markii uu Ciraaq arrinteedii meel saaray, waxa uu sii watay qorshihii hore iyo in uu Mucaawiyah RC arrintiisa meel saaro. Dagaal ayaa la isugu soo baxay waxaana muddo la isku horfadhiyay Sifiin. waa la dagaallamay ilaa warammadii af beeleen, fallaadhihii dhammaadeen, seefihiina jajabeen.
Sifiin dadkii labada dhinac iskaga dileen waxaa lagu qiyaasay toddobaatan kun (70, 000)—45 kun oo reer Shaam ah iyo 25 kun oo reer Ciraaq ah. 77 maalmood baa la isjafayay!
Camr ibnul Caas RC ayaa ku la taliyay Mucaawiyah RC in Cali uu u diro musxaf uguna yeedho
kitaabka Alle. Cali waa uu oggolaaday in Kitaabka Alle loo xukuntamo.Waxaa lagu hishiiyay in Cali RC uu wakiisho qof ka masuul ah, Mucaawiyana sidoo kale. Labadaas qof ayaa ka fadhiisanaya go’aanna ka sameynayo wixii maslaxada Muslimiintu ku jirto.
Mucaawiyah RC waxa uu wakiil ka dhigtay Camr ibnul Caas RC, Calina RC waxa uu wakiil ka dhigtay Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC. Laakiin Cali waxaa ka diiday khawaarijtii Cusmaan dilay ee la socday, waxa ay dhaheen cid aan Abuu Muusaa al-Ashcari RC ahayn ma rabno.
Markii la damcay in qoro warqadda labada wakiil, waxaa dood ka dhalatay Cali waa amiirkii Mu’miniinta iyo haddii uu yahay miyaan la dagaallami lahayn! Cali ayaa yirii tirtira amiirul mu’miniin oo ku qora Cali ibnu Abii Daalib, isaga oo soo xusuustay heshiiskii Xudaybiyah.
Hishiiskaan Cali ayaa qoray oo Qureysh ayaa dhaheen Nabiga uma aqoonsanin nabi. Markaas ayuu Nabigu SCW uu yiri ku badal Muxammad ibnu Cabdullahi. Cali ayaa diiday oo yiri tirtiri maa laakiin Rasuulka ayaa yiri iii idhiib aniga ayaa tirtirayee.
Muhiimaddu waxa ay aheed in labada qaadi wax ku xukumi doonaan Kitaabka Alle, wixii ay xukunkiisa ka waayaanna ay sunnada Nebiga SCW ka eegi doonaan.
Ciidankii Cali rag ka mid ahaa ayaa ka horyimid arinkii iyaga oo leh sidee ayaa xukunka diinta Alle aad rag gacanta ugu galinaysaa? Waxa ay dhaheen Cid aan Alle ahayn wax ma kala xukumi karto.
Sidoo kale waxa ay Cali ku heysteen sababta uu uga taanaasulay daarajada amiirnimada, laakiin Cali waxa uu yiri: Rasuulka Alle waxaa idiin ku sugan ku dayasho wanaagsan—ciddii Alle iyo maalinta aakhiro rejaynaysa. Waayoo Rasuulka ayaa tan horay u sameeyay Xudeybiyah.
Cali waa ay gaaleysiiyeen oo asagoo khudbeynaya ayeey ku lahaayeen shirki ayaad waddaa oo Alle iyo rag baad diintii wadaajisay, xukunkana Alle keli ah ayaa iska leh.
Habeenkii dagaalka Khaybayrka horreeyay ayaa waxa ju Nebigu SCW yiri: “Berri calanka waxa aan siinayaa nin jecel Alle iyo Rasuulkiisa, Alle iyo Rasuulkiisuna ay jecel yihiin, isaga ayaana furaya Khaybar.” Cumar RC waxa uu yidhi: “Maalintaa oo keli ah ayaa aan jeclaystay madaxtinnimo.”
Kadib subaxdii ayaa uu Nebigu SCW calankii qaaday oo Cali RC ayuu u dhiibay, sidii ayaana Cali ku keenay guul oo qalcadihii Khaybar ee adkaa uu ku qabsaday. Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaariyo masjidka.
Caliga kawaarijtu ay gaaleysiinayaan waa Saaxaabigaas. Waa saxaabigu nabigu ku yiri: miyaadan raalli ka ahayn in aad ii joogtid halkii Haaruun u joogay Muuse—aan ka ahayn in aan nebi kale iga dambaynayn?
Cali marna ma gaaleysiin, shirki kuma eedayn, waxa uuna yidhi: masaajidda Alle idin ka hor istaagi mayno, dagaalna idin ku bilaabi mayno ilaa aad nagu bilowdaan.
Labo sano ka dib, sannadkii 40-aad bishii Ramadaan, habeen Jimce ah, ayaa ay ku sugeen masjidka dhexdiisa. Dadkii isaga oo salaaddii subax u toosinaya, ayaa ay weerareen.
Cabduraxmaan ibnu Muljim ayaa isagoo dhaahya hadalkii khawaarijta ee Alle mooyee cid kale xukunka ma laha, adiga Cali ah iyo saaxiibbadaana ma laha, waxa uu seeftii ku dhuftay Cali RC. 3 ayeey aheeyeen. Mid baa fakaday, midna waa dhintay, Cabduraxmaan ibnu Muljimna waa la qabtay.
Cali oo dhaawac ah ayaa yir hadaan dhinto dila, hadii aan noolaadana anaa aqaan waxaan ku sameyn. Markiii Cali dhintay waxaa lagu aasay daartii imaarada cabsi laga qabo in khawaarijtu ay la baxaan meydkiisa owgeed.
Cali waxa uu islaha ku didaal muslimiinta midnimadooda laakiin darbigii dumay dib uma dhismin.
3.KALMAD: LAA ILAAHA ILLALLAAH
Usaamah ibnu Sayd ibnu Xaarithah kama uusan qeyb galin dagaalkii uu Cali ku jiray asigoo dhahaya Caliyoow waan jeclaan lahaa in xitaa aan af libaax kaa daba galo si aan u wada dhimano lakiin arintaan socota kama qeyb qaadanayo.
Sababta Usaama uusan dagaalkaas ugu qeyb qaadan ayaa ah in Usaama uu dilay nin mushrik ahaa oo dhibaato badan ugeystay muslimiinta. Ninkaan markii la qabtay ayuu ashahaatay lakaiin Usaama muusan deyn ee waa uu dilay. Arinkii ayaa Nabiga SCW gaaray.
Markaas ayuu nabigu yiri ma asagoo ashahaadanaya ayaa dishay? Markaas ayaa Usaame dhahay rasuul Allow waaa uu ku gabanayay? Dhowr jeer ayaa nabigu ku celceliyay su’aashaas oo Usaame uu isku difaacayay jawaabtaas. Markaas ayaa rasuulku yiri maxaad qalbigiisa u jeexi weysay si aad u ogaato in ay run ka tahay iyo inkale? Sideed ka yeeli kalamadda laa ilaaha illaalaah?
Waa maalintaas marka Usaama uu ballanqaadka la galay Nebiga SCW. balanqaad kaasoo ah in uusan la dagaallamin cid dambe oo dhahaysa laa ilaaha illallaah. Waana sababta uu u diiday in uu Cali RC la safto, isaga oo ka fogaanaya in uu galo dagaal u dhexeeya Muslimiin, sababta uu doono ha lahaado e.
Waxaad halkaan ka fahmee in qof ashahaadanaya aadan xukmin karin oo aadan dhihi karin waa uu kuu qaraabanayaa. Waayoo adigu ma ogid waxa qabigiisa ku jira.
Qisa kale oo waxaa jirtay mar in muslimiintu ay dagaal galeen kadibna ay qabteen nin. Ninku muslim ayuu ahaa laakiin qaraabadiisa ayuu iska qarinayay. Markii uu arkay ciidnaka muslimiinta ayuu ashahaatay. laakiin waxaa dilay al-Miqdaad ibnul Aswad.
Kadib ayaa arinkii nabigu gaaray. Markaas ayaa nabigu SCW yiri Miqdaadoow ma waxa aad dishay nin dhahaya laa ilaaha illallaah? Sideed berri ka yeeli laa ilaaha illallaah?!
mar kale ayaa Miqdaad uu Nebiga SCW weydiiyay: —Rasuulkii Allow, haddii aan la kulmo gaal oo aan dagaallanno, oo inta uu gacanta seef igaga dhufto uu jaro, dabadeedna inta uu geed ku gabbaddo uu yidhaahdo waa aan islaamay, ma dilayaa ka dib marka uu intaa yidhi? Nebigu SCW waxa uu yidhi:
—Ha dilin.
—Rasuulkii Allow, gacmahaygii baa uu mid gooyay, ka dibna sidaas ayaa uu yidhi, ma dilayaa?
—Ha dilin. Haddii aad dishid, isagu waxa uu joogaa meeshii aad joogtay intii aadan dilin ka hor, adiguna waxa aad joogtaa meeshii uu joogay intii uusan weedhiisaa odhan.
Waxaa qeybtaan ku jira dhwor qiso oo mujinaya ixtirraamka qof ka ashahaadanay.
Diintu waxa ay ina fartay in aynu dadka kula dhaqanno waxa ay muujiyaan ee la inama farin in aynu quluubtooda daalacanno. Qofka ashahaadanaya xurmadiisa meesha ay diintu ka joogtana waa aynu aragnaa. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka ashahaadanaya. Kuna dayo Nebiga SCW oo kalimatu tawxiidka xaqeeda sii, qofkii dalladdeeda hoos hadhsanayaana nabad iyo tixgalin ha kaa helo.
4.TUSBAX FURTAY
Dilkii cusmaan iyo Cali iyo gaaleysiintii indhaha la’ayd ee ay Khawaarijtu waday wixii ka dhashay ilaa maanta waa ay socdaan. Waa aynu soo aragnay wixii dhiig dareeray iyo sidii ummaddu u kala furfuratay ee u kala qaybsantay. Dilkii Cusmaan RC ayaa noqday bilawgii fidnada, hubkii Muslimiintu isu qaateen iyo dhiiggii dhexdooda ay iska daadinayeyn ayaan joogsan.
Muslim hub isku qaatay oo sidii ay rabeen wax u noqotay lama hayo, markii maalmo la nastaba mid kala furanta. Dilkii Cusmaan RC waxa uu nay marxalad kalawareeg. Wixii ka dambeeyayna ummaddu guud ahaan xilli fidno iyo kala qaybsanaan ayaa ay ku jirtay.
Xudayfah RC waxa uu leeyahay: dadku waxa ay Rasuulka wax ka weydiin jireen khayrka, aniguse waxa aan weydiin jiray sharka, aniga oo ka cabsanaya in uu i haleelo.
Waxa uu yidhi: Rasuulkii Allow, waxa aan ku jirnay jaahiliyo iyo shar, ka dibna khayrkan baa Alle noo keenay, ee khayrkan shar ma ka dambayn doonaa?
—Haa.
—Sharkaana khayr ma ka dambayn doonaa? —Haa, laakiin ma dhammaystirna oo waa uu kala dhantaalan yahay.
—Oo iintiisu maxay tahay?
—Dad aan ku socon hanuunkaygii, oo wax aad garato iyo wax kalaba wada.
—Khayrkaa shar ma ka dambeeyaa? —Haa, kuwo albaabbada Jahannama dadka ugu yeedhaya oo ciddii raacda ku tuuraya. —Rasuulkii Allow noo tilmaan.
—Waa kuwo innaga ah oo muuqeenna leh, afkeennana ku hadlaya.
—Maxaad i faraysaa haddii aan arko?
—Ku dedaal jamaacada Muslimiinta iyo hoggaamiyahooda .
—Haddii aysan jamaaco iyo hoggaamiye jirinna?
—Kooxahaas oo dhan ka fogow, xitaa haddii aad geed jirriddii qaniinsanaato ilaa adigoo sidaas ah geeridii kuu timaaddo.
Nebigu SCW waxa uu sheegay Xudayfa in khayr uu jiri doono laakiin kheyrkaad uu san sidii hore ahaan doonin. Laf jabtay sideedii ma noqoto, macnaha muslimiinta sidii ay iskugu xirnaayeen oo isku raacsanaayeen ma dhacayso. Kala dhantaalkaas waa in lagu xisaabtamaa.
Saxaabadii ayaa fidnada ka nabad qabi weyday oo dhexdooda ayaa dagaal ka dhacay marka dadka kale maxaa laga sugayaa?
Nebigu SCW bilowgii Islaamka waxa uu juhdi aad u badan galiyay sidii uu dadka diinta ugu sheegi lahaa, uguna qancin lahaa.
Caa’isha RC waxa ay leedahay: Qur’aankii ugu horreeyay ee soo degay waxa uu ahaa suurado gaagaaban oo ka hadlayay Jannada iyo Naarta, ilaa ay dadkii ka qaateen Islaamka, ka dibna waxaa soo degay aayadihii xalaasha iyo xaaraanta. Haddiise waxa ugu horreeya ee soo degaa uu ahaan lahaa: ‘ha cabbina khamriga,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tagi mayno khamriga.’ Haddii ay soo degi lahayd, ‘ha sinaysannina,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tagi mayno sinada’.
Sidaas oo kale waa in bulsho kasta loo tarabiyeeaa oo diinta loogu kala fududeeyaa. Dagaal iyo gaaleysiin iyo qasab waxba kuma hagaagayaan mana ahan hadyigii Nabiga SCW. Bulshadu xumaan iyo wanaag waa ay falaan. Marka eeg wanaagga marka 1aad intii xumaanta aad si dagdag ah u xukmin laheed.
Si bulshada aad wanaag ugu hogaamisid waa in hubka aad meel dhigato, oo afka aad kula hadleyso aad dabcisid oo wanaajisid. Macnaha ha gaaleysiin, hana caayin. Xisaabtana ku darso bulshadii Nabiga scw oo kale marna arkimeysid ee isku day in kala dhantaalnaanta aad ku waddo.
Dib u milicso sidii Nabigu howsha uu ugu sameeyay heerar. Mid u soo bandhig, haddii ay kaa yeelaan midkale, ku wad si tartiib ah. Hal mar dadka laguna qasbo nolol iyo dhaqan aysan lahaan jirin. Waa in si taako ah loo baraa oo loo fahansiiyaa oo loola qabadsiiyaa oo waqti la siiyaa.
Qofku marka uu darermo macaanidda diinta isaga ayaaba qaadanaya amarada. Marka adiga kaalintaadu waa in aad jecleysiidaa oo aad ugu kaalmeysaa wanaagga.
Xitaa gaalada diinta ka baxday asxaabtu kama aysan quusan jirin, anaguna waxaan sumadeyheynaa qof muslim ah oo macsi kaliya ku dhacay.
Diintu caadifad iyo xammaasad waa ka balaarantahy kaliya waxaad dadka ku leedahy wax u sheeg, qofna qasab iyo habaar kuma lihid. Qof ka shacabka ah uma banaana in wax u sheegiisu uu gaaro hub iyo dagaal.
Waaniye iyo bishaareeye noqo intii aad iska dhigi lahayd qaadi maxkamad fadhiya. Alle ayaa dadka xisaabinaya ee adigu waani, oo wanaag iyo hanuun la jeclow — ka guuleyso iyo dood helid iyo foorjayn yaysan kaa noqon. Dad badan oo mawjad fidno ahi sidato ayaa jira ee ha ku sii riixine xadhig u tuur oo soo jiid. Intii aad dhihi lahayd ‘kaafiryahow’, ku dheh ‘waxani waa gaalnimo ee iska daa’.
5.Oodo Dhacameed
“Haddaad ka mid tahay dad safar ah oo habeen meel xeeb ah seexday, oo iyagoo hurda baddii ku soo dhawaatay, oo aad adigu ugu hor toostay, ha qaylin ee tartiib dadka u toosi. Qayladu inay ka nixiso oo ay badda ku yaacaan ayaa dhici karta. Haddaad isu qabto inaad adigu heshay hanuun diimeed oo dadku ka hurdaan, ama maanfurnaan iyo ilbaxnimo dadkii kale ka gaabiyeen, fadlan ha nagu qaylin. Inaan meel qaldan u boodno ayaa laga yaabaa ee bal wax na fahamsiiya. Xoogaa waa dhega nugul nahay, laakiin yaan afarta jiho nalooka qaylin.” —Cabdulqaadir Diiriye
—Cabdulqaadir Diiriye
Gaaleysiintu waa xukun ka qofka aan heysan xukunkii islaanimada. Qof kasta uma banaana in ay wax gaaleysiiso. Cid aan ahayn qaadi iyo culamada aqoonteedii leh kama xayuubi karaan qof islaanimadiisa. Qaadi sharci ah iyo guddi culamo kaliya ayaa go’aankaa loo dabo fadhiisan karaa.
Qof hadii tuugnimo lagu eedeeyo waxaa loo baahanyahay qaadi xukun kaas rida, sidoo kale qofka sinada lagu eedeeyo iyo dadka hantida isku heysto, marwo iyo nin la kala furayo, iwm, dhamaantood waxa ay ubaahanyihiin qaadi xukunka rida. Sidaas oo kale ma banaana in qof dhiiggiisa la bannaysto xukun qaadi la’aantiis.
Dhiigga Muslinku miyuusan wax kasta ka xurmo badnayn? Kacbada duminteedu miyaysan ka fududayn in dhiig Muslin xaqdarro lagu daadiyo? Adduunka oo inta uu suulo la waayo gebi ahaantiisaba, miyaysan ka dhib yarayn in qof Muslin ah xaqdarro lagu dilo? Qofka miyaan loo oggolayn haddii la kala doorransiiyo in la dilo ama uu sino ku dhaco, in sinadaasi u bannaanaanayso si uu naftiisa u badbaadiyo? Miyaan loo oggolayba in uu gaalnimo ku kaco si uu naftiisa u badbaadiyo haddii la qasbo?
– Dab iyo Dhagax
Waxaa laga yaabaa in aad ku fikrto mise aad ku eedeyso in maamuladda Soomaaliya ay hareer mareen shareecada islaamka sababtoo ah waxa ay sameysteen Dastuur mana banaana in la isku xukmiyo wax aan shareecada islaamka aheyn. Waaa sax laakiin dastuurka Soomaaliya, Soomaaliland, iyo Puntland intuba waxa ay qorayaan in dalkaan diintiisa ay tahay islaam, diin ka baxsan tan islaamkana aan lagu faafiin karin gudaha deegaannadaas iyo in dastuurku uusan qabanayn qodob kasoo horjeed kitaabka Alle iyo sunnada.
In diinta ku dhaqankeeda laga gaabiyo iyo in laga hor imaado oo la dafiro gabi ahaanba waa kala labo. Maamulada Soomaaliya ka jira diinta ma dafirsana laakiin khalad waa ay sameeyaan oo waa dhacda si shareecada hareer marsan in ay u dhaqmaan taasina macnaheeda maahan in gaalo lagu tilmaamo markii ay gaf sameeyaan.
Maamul iyo qofna waa kala labo. Maamul shareecada ku dhaqma ayaa waxaa ku jiri kara qof shareecada aan oggolayn. Nebigu SCW waxaa salaadda la tukanayay oo jihaad la aadayay munaafiqiin aan diintaba aaminsanayn. Waxa la xukumayaa waa nidaamka ee qofka sidiisa ayaa loo abbaarayaa.
Haddii dowladu aysan fulin xaddi sharciyeedyada macnaheedu maahan in ay gaalo yihiin oo ay ogolaadeen in fasahaad dhaco. Xilliga nabiga waxaa dhacday dad soo sineystay oo nabi inta u yimi ku yira na dahir nabiguna yiri orodo iska baxa oo Alle danbi weydiista.
Sideedaba diintu maahan wax qof lagu dhibayo. Waxwalba waxa ay ku saleysan yihiin inta aad awoodo, iyo in aad ukala hormariso sida ay u kala qatar badanyihiin.
Wax aan Alle kugu adkayn la iskuma adkeeyo. Adiga oo helaya nidaam aad yoolkaaga ku gaadhi kartid, in aad dagaal iyo dhiig daata ka doorbiddid, waa caqli xumo iyo diin xumo.
Siyaasadda ummad lagu hoggaaminayaa waa in ay ku dhisan tahay sidii loo heli lahaa maslaxadda ugu badan, wixii dhib ahna loo yarayn lahaa, haddii aan la baabi’in karin. Waana qodobka ay shareecadu ku dhisan tahay.
No comments:
Post a Comment