Saturday, February 24, 2024













Dhiganahan waxa lo magac-dhadarey "Dheefsiga Dhallinyaranimada”. oo dhammaantood taabanaya marxaladda Dhallinyaranimada" wuxuu ka kooban yahay shan Meeris oo dhammantood Taabanaya marxaladaha dhalliyaranimada iyo sida habboon ee mid walbo innaga mid ahi u dheefsan karo.

*Cutubka koowaad* wuxuu ka hadlayaa qiimaha waqtiga dhallinyaranimada, wixii laga yidhi,

waxa uu xilliyada kale kaga duwan yahay, sida looga faa'iideysan karo; qaybtiisa u dambaysaa waxay soo tebin sheekada labo qof oo midkood dhintay midna nool yahay oo ku suntan ragg dhallinyaranimada sideedii u dheefsaday.

Cutubka labaad, wuxuu si waafi ah u so bandhigi Dhallinyarada iyo doorkooda Nolosha, bulshada iyo diinta.

Cutubka saddexaad, wuxuu si ballaaran usoo bandhigayaa qaar kamida hagardaamooyinka iyo sababaha dhallinyarada ka hortaagan inay waqtigoodaa dheefsadaan.

Cutubka Afraad, wuxuu xambaarsan yahay talooyin dhiirrigelinno ah oo dhallinyarada ka kaalmaynaya inay sida u habboon maalgashadaan dhismaha aayatiinkooda dambe.

Cutubka Shanaad wuxuu si gundheer ah isu dultaagayaa isbeddelka dhallinyarada laga doonayo nooca uu yahay, halkuu ka bilaaban iyo tabaha aasaasiga ah ee hiillada ku siinaya sidii ay ku gaadhi lahaayeen.

Hordhaca kowaad  wuxu is weydiinaya qoraagu waa Maxey dhalinyaro?

 

"Dhallinyaranimadu waxay ku bilaabantaa da'da qaangaadhka, meesha ay ku dhamaatana waa la'isku khilaafsan yahay. Culimo badan baase qaba in ay ku ebyooto 40 sano️.

Waxaa laga yaabaa haddii aad qof waayeel ah wax ka weydiiso waqtigiisii dhallinyaranimada in uu kuu sheego inuu ahaa waqti dahabi ah, waxyaabo badan oo uu maanta garanayo uunan xilligaa garanayn; wax badan oo waqtigaa in laqabto ay ahaydna uusan qabanin, arrimo bandanna uu ka qoomamaynayo in uusan waqtigaa uga faa'idaysan siday ahayd.

Haddaba, buuggaani wuxuu la hadlayaa qofka dhallinyarada ah, wuxuuna u sheegayaa inuu weli haysto kansho si uu uga faa'iideysto dhallinyaranimadiisa. Cinwaanada aan la dhacey waxa ka mid ah Dhalinyaranimo la Dheefsaday 2 qiso ku qoran 1.Qisada kowaad waa Wiil Dhalinyara ah

Qisadii Bashaar Cabdillaahi (Bashaar- dheere) Waxa uu ku dhashay isla-markaana ku ababay magaalada Muqdisho. halkaa nolol saboolnimo ah kula noolaa hooyadii ayuu go'aansaday inuu reerka ka tago oo uu raadsado nolol u dhaanta middii ay ku jireen ee uu qawaday. 

Curad ayuu u ahaa xaafaddooda, sidaa awgeed ayey nafsaddiisu dareentay masuuliyad ka mug weyn xaaladda caadiga ah ee uu dhex fadhiyo.  Goortii ay u soo baxday inaan wax fursad ah degelka u oollin, cid u maqanina aanay jirin ayey maankiisa ku dhalatay fikradda ah inuu ka tago reerkooda;

dabadeed isagoo yar ayuu ka haajiray gurigoodii iyo baradii qoyskiisa, halkaa oo uusan ka waayin gasiinka dhuuniga la mariyo maalintii saddex jeer.

 Si uu isbeddel u sameeyo, noloshiisana heer u gaadhsiiyo wuxuu yimiday caasimadda Keenya ee Nayroobi oo ah meel uu u arkayey in uu ka helayo fursad kasta oo noloshiisa dambe waxtar u ah. Nasiib-darro way adkaatay inuu helo jidiinki saddexda jeer la quudan jirey, mana uu haysan dhaqaale uu wax ku barto. Isagoo ah kurey aanan soo marin waxbarashadi dugsiga daraaddeed;

si kastaba, aad bay naftiisuu biyo-diidday inuu waqti hor leh ku bixiyo aadista iskuulka-maadaama ooy waqti badan u tahay. Beddelkeed, wuxuu qaatay go'aan geesinimo leh oo ah inuu si madax banaan isu dhiso.

 Nasiib wanaag, Bashaar oo dhex maquuranaya nolol qadaa-ma-dharge ah ayaa fursad ka helay wiil asxaab ahaayeen oo si ku meel gaadh ah ugaga tegey shaqo uu ka hayey maqaaxi intarneet oo u noqotay halkii uu khadkeeda ka bartay sida wax loo daabaco (Printing) iyo iskaangaraynta waraaqaha iyo shahaadoo yinka (Scanning). Goor uu Bashaar ku jiro nolol beryo-samaad ah, ayaa inankii booska lahaa dib u soo laabtay,

 markuu damcay inuu wiilka booskiisii ku wareejiyo islaantii maqaaxida lahayd ayaa tidhi ma tageysid; waayo, waxaan ka helay hawlkarnimada iyo hufnaantaada shaqo.

 

Ugu dambayn, labadoodiiba waxay noqotay inay isla meheraddii ka wada shaqeeyaan. Goobtu waxay noqotey Meel uu ka kororsadey iaqoon aanan iskoolaadka loogu tegin, Wuxu sheegay inuu daawan jirey aflaam badan kuwa maraykanka ah, halkaa oo uu ka qaadan jirey casharro la xiriiira dhawaqa lahjadeed ee Maraykanka.

Sidoo kale, Bashaar wuxu meheradii ka dhex-bilaabay Cilad saaridda iyo hagaajinta kumbuyuutarrada.

Dabadeed waxa isla Halkii kula kulmay rag ganacsata ah oo isaga macamiil u ahaa, Kuwaa oo usheegay Adeeggiisaan oo kale inaaney ku haysan Koonfurta Suudaan oo ay ka yimaadeen .

Ugu Dambayntii waxey ku qalqaaliyeen inuu halka ugu geeyo Adeeggiisa oo aad looga Baahna. Ka Dib wuxu go’aansaday inuu Guursado oo xagga iyo koonfurta Suudaan u wareego .

Saddex bilood ka dib Sidii ayuu yeelay Guur iyo guurid. Shaqada maqaaxida Nairobi oo runtii Daba geddiday Geedi-Socodkii Nolshiisa Halka ayuu kaga tegay isago ka bartey Afafaka ingiriiska iyo sawaxiliga iyo farsamada kumbuyuutarka iyo cillad saarkiisa .Waxa intaa u dheer oo uu bashaar tilmaamey shaaadaasi inay aheyd halkii u horresysay oo uu ku bartay Dad la dhaqanka. Wuxu yiri markaan suudaan imiday waxaan bilaabey inaan alaabaha ka soo qaado bakhaarada oon dadka guryahooda ugu geeyo.

 

Markaan arkay Baahida lo qabo bay dadka qaar igu dhaheen maad shirkad u beddeshid .Ka dib wiilal badan hawshii wada bilownay Anngo shaqadii noo socoto Ayaa dalkii waxa ka dhacey dagaal sokeeye . Dabadeed waxan ka shaqo galey Haayada gargaarka biniiaadanimada ka shaqeysa .Mushaharkii ugu horeeyey aan ka qaatana wuxu aha$90 intaas ka gadaal waxaan go’aansadey inaan bilaabo shirkad aan ugu magac dhabay *SEASON* Hadda shirkada waxey ka shaqeysaa Koonfurta suudaan ,UGANDA iyo meela badan

Maxaa Innaga hortaagan  Dheefsiga Dhalinyaranimada

o    Kalsooni darro

o    Cabsida Guuldarada

o    Saaxibka Fadhiidka ah

o    Caajiska

o    Qorshe laan    Iyo wixi la mid ah …

Gunaanad

Buggaan wax badan buu ka hadlaya Dhalinyaranimada   waxaan Rajeenaya inaad so akhristaan  inshllaah

W/Q Teacher Nadiira Tissue

Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...