Dhiganahan waxa lo magac-dhadarey "Dheefsiga
Dhallinyaranimada”. oo dhammaantood taabanaya marxaladda
Dhallinyaranimada" wuxuu ka kooban yahay shan Meeris oo dhammantood
Taabanaya marxaladaha dhalliyaranimada iyo sida habboon ee mid walbo innaga mid
ahi u dheefsan karo.
*Cutubka
koowaad* wuxuu ka hadlayaa qiimaha waqtiga dhallinyaranimada, wixii
laga yidhi,
waxa uu xilliyada kale kaga duwan yahay, sida looga
faa'iideysan karo; qaybtiisa u dambaysaa waxay soo tebin sheekada labo qof oo
midkood dhintay midna nool yahay oo ku suntan ragg dhallinyaranimada sideedii u
dheefsaday.
Cutubka
labaad, wuxuu si waafi ah u so bandhigi Dhallinyarada iyo
doorkooda Nolosha, bulshada iyo diinta.
Cutubka saddexaad, wuxuu si
ballaaran usoo bandhigayaa qaar kamida hagardaamooyinka iyo sababaha
dhallinyarada ka hortaagan inay waqtigoodaa dheefsadaan.
Cutubka Afraad, wuxuu
xambaarsan yahay talooyin dhiirrigelinno ah oo dhallinyarada ka kaalmaynaya
inay sida u habboon maalgashadaan dhismaha aayatiinkooda dambe.
Cutubka Shanaad wuxuu si
gundheer ah isu dultaagayaa isbeddelka dhallinyarada laga doonayo nooca uu
yahay, halkuu ka bilaaban iyo tabaha aasaasiga ah ee hiillada ku siinaya sidii
ay ku gaadhi lahaayeen.
Hordhaca kowaad wuxu
is weydiinaya qoraagu waa Maxey
dhalinyaro?
"Dhallinyaranimadu waxay ku bilaabantaa da'da
qaangaadhka, meesha ay ku dhamaatana waa la'isku khilaafsan yahay. Culimo badan
baase qaba in ay ku ebyooto 40 sano❤️.
Waxaa laga yaabaa haddii aad qof waayeel ah wax ka weydiiso
waqtigiisii dhallinyaranimada in uu kuu sheego inuu ahaa waqti dahabi ah,
waxyaabo badan oo uu maanta garanayo uunan xilligaa garanayn; wax badan oo
waqtigaa in laqabto ay ahaydna uusan qabanin, arrimo bandanna uu ka
qoomamaynayo in uusan waqtigaa uga faa'idaysan siday ahayd.
Haddaba, buuggaani wuxuu la hadlayaa qofka dhallinyarada ah,
wuxuuna u sheegayaa inuu weli haysto kansho si uu uga faa'iideysto
dhallinyaranimadiisa. Cinwaanada aan la dhacey waxa ka mid ah Dhalinyaranimo la
Dheefsaday 2 qiso ku qoran 1.Qisada kowaad waa Wiil Dhalinyara ah
Qisadii
Bashaar Cabdillaahi (Bashaar- dheere) Waxa uu ku
dhashay isla-markaana ku ababay magaalada Muqdisho. halkaa nolol saboolnimo ah
kula noolaa hooyadii ayuu go'aansaday inuu reerka ka tago oo uu raadsado nolol
u dhaanta middii ay ku jireen ee uu qawaday.
Curad ayuu u ahaa xaafaddooda, sidaa awgeed ayey nafsaddiisu
dareentay masuuliyad ka mug weyn xaaladda caadiga ah ee uu dhex fadhiyo. Goortii ay u soo baxday inaan wax fursad ah
degelka u oollin, cid u maqanina aanay jirin ayey maankiisa ku dhalatay
fikradda ah inuu ka tago reerkooda;
dabadeed isagoo yar ayuu ka haajiray gurigoodii iyo baradii
qoyskiisa, halkaa oo uusan ka waayin gasiinka dhuuniga la mariyo maalintii
saddex jeer.
Si uu isbeddel u
sameeyo, noloshiisana heer u gaadhsiiyo wuxuu yimiday caasimadda Keenya ee
Nayroobi oo ah meel uu u arkayey in uu ka helayo fursad kasta oo noloshiisa
dambe waxtar u ah. Nasiib-darro way adkaatay inuu helo jidiinki saddexda jeer
la quudan jirey, mana uu haysan dhaqaale uu wax ku barto. Isagoo ah kurey aanan
soo marin waxbarashadi dugsiga daraaddeed;
si kastaba, aad bay naftiisuu biyo-diidday inuu waqti hor leh
ku bixiyo aadista iskuulka-maadaama ooy waqti badan u tahay. Beddelkeed, wuxuu
qaatay go'aan geesinimo leh oo ah inuu si madax banaan isu dhiso.
Nasiib wanaag, Bashaar
oo dhex maquuranaya nolol qadaa-ma-dharge ah ayaa fursad ka helay wiil asxaab
ahaayeen oo si ku meel gaadh ah ugaga tegey shaqo uu ka hayey maqaaxi intarneet
oo u noqotay halkii uu khadkeeda ka bartay sida wax loo daabaco (Printing) iyo
iskaangaraynta waraaqaha iyo shahaadoo yinka (Scanning). Goor uu Bashaar ku
jiro nolol beryo-samaad ah, ayaa inankii booska lahaa dib u soo laabtay,
markuu damcay inuu
wiilka booskiisii ku wareejiyo islaantii maqaaxida lahayd ayaa tidhi ma
tageysid; waayo, waxaan ka helay hawlkarnimada iyo hufnaantaada shaqo.
Ugu dambayn, labadoodiiba waxay noqotay inay isla meheraddii
ka wada shaqeeyaan. Goobtu waxay noqotey Meel uu ka kororsadey iaqoon aanan
iskoolaadka loogu tegin, Wuxu sheegay inuu daawan jirey aflaam badan kuwa
maraykanka ah, halkaa oo uu ka qaadan jirey casharro la xiriiira dhawaqa
lahjadeed ee Maraykanka.
Sidoo kale, Bashaar wuxu meheradii ka dhex-bilaabay Cilad
saaridda iyo hagaajinta kumbuyuutarrada.
Dabadeed waxa isla Halkii kula kulmay rag ganacsata ah oo
isaga macamiil u ahaa, Kuwaa oo usheegay Adeeggiisaan oo kale inaaney ku haysan
Koonfurta Suudaan oo ay ka yimaadeen .
Ugu Dambayntii waxey ku qalqaaliyeen inuu halka ugu geeyo
Adeeggiisa oo aad looga Baahna. Ka Dib wuxu go’aansaday inuu Guursado oo xagga
iyo koonfurta Suudaan u wareego .
Saddex bilood ka dib Sidii ayuu yeelay Guur iyo guurid.
Shaqada maqaaxida Nairobi oo runtii Daba geddiday Geedi-Socodkii Nolshiisa
Halka ayuu kaga tegay isago ka bartey Afafaka ingiriiska iyo sawaxiliga iyo
farsamada kumbuyuutarka iyo cillad saarkiisa .Waxa intaa u dheer oo uu bashaar
tilmaamey shaaadaasi inay aheyd halkii u horresysay oo uu ku bartay Dad la
dhaqanka. Wuxu yiri markaan suudaan imiday waxaan bilaabey inaan alaabaha ka
soo qaado bakhaarada oon dadka guryahooda ugu geeyo.
Markaan arkay Baahida lo qabo bay dadka qaar igu dhaheen maad
shirkad u beddeshid .Ka dib wiilal badan hawshii wada bilownay Anngo shaqadii
noo socoto Ayaa dalkii waxa ka dhacey dagaal sokeeye . Dabadeed waxan ka shaqo
galey Haayada gargaarka biniiaadanimada ka shaqeysa .Mushaharkii ugu horeeyey
aan ka qaatana wuxu aha$90 intaas ka gadaal waxaan go’aansadey inaan bilaabo
shirkad aan ugu magac dhabay *SEASON* Hadda shirkada waxey ka shaqeysaa
Koonfurta suudaan ,UGANDA iyo meela badan
Maxaa Innaga hortaagan Dheefsiga Dhalinyaranimada
o Kalsooni
darro
o Cabsida Guuldarada
o Saaxibka
Fadhiidka ah
o Caajiska
o Qorshe laan
Iyo wixi la mid ah …
Gunaanad
Buggaan wax badan buu ka hadlaya Dhalinyaranimada waxaan Rajeenaya inaad so akhristaan inshllaah
W/Q Teacher Nadiira Tissue
No comments:
Post a Comment