Monday, June 23, 2025

Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

 

  Hordhac

Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir aan dhameystirnayn—mid ay ku dhex jirto riyo macaan, jacayl aan dhammaanayn, iyo nolol farxad ah. Buuggan “لم يخبرونا بهذا قبل أن نتزوج” wuxuu iftiiminayaa xaqiiqooyin iyo casharro muhiim ah oo aan badanaa laga sheegin ka hor inta aan la guursan.

Qoraaga, Kareem Al-Shadhli, wuxuu si toos ah u abbaarayaa qaladaadka, fahamka khaldan, iyo filashooyinka aan macquulka ahayn ee ay lammaanayaal badan la galaan guurka. Wuxuu buuggu tilmaamayaa in guurku yahay mas’uuliyad joogto ah, mid u baahan faham, sabir, wadahadal, iyo garasho.

Waa buug kuu furaya indhaha, kaa caawinaya inaad fahamto waxa dhabta ah ee xiriirka guurka ka jira, kuna dhiirrigelinaya inaad la timaaddo diyaargarow dhab ah, si aad u hesho guur farxad iyo degganaan leh.      Mawduucyada   Buugga waa kuwaan                                                                          1. أن الزواج ليس فقط (قسمة ونصيب)!

Sharaxaad: Dad badan waxay aaminsan yihiin in guurku yahay nasiib oo keliya, balse qoraagu wuxuu leeyahay in guurku yahay go’aan aad adigu qaadaneyso iyo mas’uuliyad aad u baahan tahay inaad diyaar u tahay. Waa inaad ka shaqeysaa guurkaaga sida shaqo kale oo muhiim ah.

2. أن الخطوبة للعقل لا للمشاعر!

Sharaxaad: Xilliga khatbada ama is-barashada lamaane waa fursad uu qofku ku qiimeeyo dabeecadda, fikradaha iyo qiyamka qofka kale. Jacayl iyo shucuur keliya laguma saleeyo go’aanka guur.

3. أن الزواج ليس مصحة نفسية!

Sharaxaad: Lama guursado si loola tacaalo dhaawacyada nafsiga ah ee hore u jiray. Lamaane kasta waa inuu iskiis u caafimaado si uu u heli karo xiriir caafimaad qaba.

4. أن الزواج ليس النهاية.

Sharaxaad: Dad badan waxay u arkaan guurka inuu yahay dhammaadka safar jacayl ah, balse dhab ahaantii waa bilow cusub oo ay ka bilaabmaan mas’uuliyado iyo imtixaano nololeed.

5. أن لشهر العسل مهام أخرى!

Sharaxaad: Bilaha hore ee guurka maaha oo keliya fasax iyo raaxo, balse waa waqtigii la dhisi lahaa faham, ixtiraam, iyo asaas adag oo xiriirka lagu saleynayo.

6. أن لعبة الزواج ليس فيها رابح وخاسر!

Sharaxaad: Guurka ma aha tartan. Labada qof waa hal koox, waxayna wadaagaan guulaha iyo guuldarrooyinka. Marka mid guuleysto labaduba way guuleysteen.

7. أن أفضل ما نعطيه للأبناء أن (نحب بعضنا).

Sharaxaad: Caruurta waxa ugu fiican ee la siin karo waa jawi ay ku arkaan waalid is-jecel oo ixtiraam iyo wada noolaansho ku dhisan.

8. عن خطورة فرق السرعات بيننا!

Sharaxaad: Marka lamaane kala heer ah yihiin — midka hal-abuur leh iyo midka gaabiya — waxay keentaa khilaaf iyo niyad-jab haddii aan loo fahmin si xikmad leh.

9. أن نتوجه بتفكيرنا إلى الخيارات.

Sharaxaad: Marka guur la qorsheynayo, waa in la qiimeeyaa ikhtiyaarada jira oo aan lagu degdegin jacayl indho la’aan ah.

10. أن المشكلات لا تقتل الحب.

Sharaxaad: Dhibaatooyinka iyo khilaafaadka lama huraan bay yihiin, laakiin haddii si sax ah loo maareeyo, waxay xoojin karaan xiriirka.

11. أن الحب لا يموت بالسكتة القلبية.

Sharaxaad: Jacaylka lama waayo hal mar ama si lama filaan ah, balse wuu libdhaa si tartiib ah haddii la dayaco. Sidaa darteed, jacaylku wuxuu u baahan yahay daryeel joogto ah iyo dareen la muujiyo.

12. أن طبائعنا الشخصية ستُعرِّي في “بيت”!

Sharaxaad: Marka la wada noolaado, qof walba dabeecaddiisa dhabta ah ayaa soo baxda. Sidaas darteed, waa muhiim in la aqbalo lana fahmo farqiga u dhexeeya dhaqanka hore iyo nolosha guriga.

13. أن الطلاق لا يعني الفشل الكامل!

Sharaxaad: Furriinku mararka qaar wuxuu noqon karaa badbaado, mana aha calaamad guuldarro. Qofku wuu kori karaa waayo-aragnimadaas kadib haddii uu si caafimaad leh uga gudbo.

14. أن الجنس ليس هوس الرجل الشرقي!

Sharaxaad: Dareenka galmada waa baahi dabiici ah, mana aha wax ceeb ah in laga hadlo. Wadahadal furan oo ku saabsan arrintan wuxuu xiriirka ka dhigi karaa mid caafimaad leh oo furan.

15. أن دورك كزوجة يعني دورك كامرأة!

Sharaxaad: Doorka xaaska waa muhiim, balse ma baabi’inayo dumarnimadaada. Waa muhiim in haweeneydu ay ilaaliso nafteeda, riyadeeda iyo kobaceeda shakhsiyadeed.

16. أن الآخر سيتغير بعد الزواج!

Sharaxaad: Waa fikrad khaldan in la sugo in qofku isbeddelo guurka kadib. Guurku ma beddelo dabeecadda qofka haddii uusan isagu rabin isbeddelka.


17. أن وراء كل تعيس أمرٌ لم يُروَ!

Sharaxaad: Marka qof uu murugaysan yahay ama guurkiisa uu dhaawac yahay, waxaa jira sheekooyin iyo xanuun aan la sheegin. Xiriir wanaagsan wuxuu u baahan yahay dhegeysi iyo garasho.

18. أن غسيل الأطباق من الحب!

Sharaxaad: Jacaylka lama tuso hadiyado kaliya, balse sidoo kale ficillo yar yar oo caawimaad ah sida dhaqidda weelka. Jacaylku waa fal, ma aha kaliya hadal.

19. أن الرجال يخطئون.

Sharaxaad: Raggu waxay leeyihiin qaladaad sida dumarka oo kale. Waxa muhiimka ah waa in qaladka la aqoonsado, la cafiyo, lana saxo si wadajir ah.

20. أننا لا نحسن التشجيع.

Sharaxaad: Dad badan kuma fiicna in ay lamaankooda ku dhiirrigeliyaan erayo wanaagsan. Tusaale yar oo taageero ah wuxuu ka dhigi karaa xiriirka mid xoog badan.

Khātimad (Gunaanad)

Guurka ma aha sheeko cajiib ah oo dhammaad farxad leh sida filimada; waa nolol dhab ah oo ay ka buuxaan imtixaano, is-faham, dadaal, iyo korriin joogto ah. Buuggan wuxuu akhristaha xasuusinayaa in guur farxad leh uusan iman si toos ah, balse uu yahay natiijo ka dhalata faham dhab ah, samir, is-ixtiraam iyo wadashaqeyn joogto ah.

Qoraagu wuxuu xoojinayaa in labada lamaane ay yihiin labo nafsadood oo kala duwan, balse haddii ay si furan isu fahmaan, qaladaadkooda aqbalaan, oo ay is-dhiirrigeliyaan, ay gaari karaan nolol guur oo qanaaco leh.

Ugu dambeyn, “waxaan ku guuleysaneynaa marka aan garowsano in guurku yahay safar, aan ahayn meel la gaaro.” Safarkaas waxaa lagu maraa is-garab taag, kalgacal ficil ah, iyo kalsooni la dhiso maalin walba.     .                       Nadiira Abdirisak


Sunday, June 8, 2025

Nuxurka Buuga لكنود ama Qofaan mahdin

 Hordhac Kooban oo Buugga “لكنود 2” – Dulmar 


Hordhac:

Buugga “لكنود 2” waa dhaxal nafeed iyo toosin ruuxi ah oo uu qoray Dr. Islaam Jamaal. Waa qaybta labaad ee taxane nafsaani ah oo xambaarsan fariin qoto dheer oo ku saabsan dib-u-fiirinta nafta, mahadnaqa nimcooyinka Eebbe, xiriirka Alle, iyo wacyigelinta qalbiga Muslimka. Erayga “لكنود” wuxuu Qur’aanka ku leeyahay macnaha “qof aan mahadin”, waxaana buugga lagu baraarujinayaa dhibaatada ka timaadda mahadnaqi la’aanta iyo guryaha quusta ku abuurma.


Buuggu wuxuu ka kooban yahay 18 cutub oo mid walba xambaarsan yahay fariin gaar ah, balse dhammaantood si isku xiran u tilmaamaya jidka hanuunka iyo nolosha Alle lagu raalli galiyo. Qoraalku waa mid qiiro leh, toos ah, isla markaana dhaxgalaya qalbiga akhristaha.


Dulmar Cutubyo Kooban:


  1. Farxadda I Taabatay – Qalbiga raalli noqda wuxuu helaa farxad Alle kasbatay iyo nolol degan.
  2. Kan Mahadin La’a – Lagu baraarujinayo khatarta mahadnaqi la’aanta iyo qiimaha shukriga.
  3. Cibaadada Farxadda – Farxadda dhabta ah waa natiijada xiriir adag oo Alle lala yeesho.
  4. Indhaha oo La Caadaystay – Nimcooyinka joogtada ah ayaa laga ilduufaa, waxaana loo baahan yahay in lagu xasuusto Eebbe.
  5. Hore Waan Maqli Jiray – Maqalka xaqa iyo dhegeysiga dhab ah ayaa horseeda isbeddel.
  6. Adigu Waad Xor Tahay – Xorriyadda doorashada waxay la imaanaysaa mas’uuliyad.
  7. Riyooyinka Ma Baahi Ayay Noqdeen? – Riyo aan dadaal lahayn waxay noqon kartaa hungo; waa in la hawl-galaa.
  8. Farxadda Caafimaadka – Caafimaadku waa nimco la hilmaamo ilaa laga waayo.
  9. Hoos U Dhigo Labadooda – Waalidka u naxariiso, maxaa yeelay raalli ahaanshahooda waa furaha jannada.
  10. Ma Rabtaa Waqti Firaaqo ah? – Firaaqadu waa fursad, haddii la dayaco waxay noqotaa khasaaro.
  11. Haddii Aad Ii Jawaabi Lahayd – Alle wuu sugaa qofka toobadda la laabanaya; qalbiga jabayna wuu aqbalaa.
  12. Saaxiibka Malaa’igta – Akhlaaqda wanaagsan waxay sare u qaaddaa ruuxa qofka.
  13. Isdeji – Deganaanta iyo sabrigu waa astaamo mu’minimo iyo xikmad.
  14. Wuxuu Guulaystay – Guusha dhabta ah waa mid ruuxi ah oo ka tarjumaysa iimaan iyo qalbi nadiif ah.
  15. Sayidka Rajada – Nabiga (NNKH) wuxuu ahaa tusaale rajo iyo yididiilo; rajadu waxay iftiimisaa nolol.
  16. Wararka Qur’aanka – Qur’aanku wuxuu xambaarsan yahay farriimo hagitaan iyo digniin ah.
  17. Alxamdu Lillaah ee Aashiiqka – Afka qofka jacaylka Alle haya kama go’aan mahadcelinta.
  18. Gunaanad – Waa wacyigelin ruuxi ah oo qofka ku baraarujinaysa in uu dib u eego naftiisa iyo noloshiisa.


Gunaanad:


Buugga “لكنود 2” ma aha buug keliya oo la akhriyo, balse waa mid qalbiga taabanaya, la dareemo, lana milma. Wuxuu qofka Muslimka ah ku baraarujinayaa xasuus joogto ah, mahadnaq, sabir, iyo toobad. Waa buug si qoto dheer u falanqeeya xiriirka ruuxa iyo Rabbigiisa, isagoo ka duulaya xaaladaha nolosha ee maalinlaha ah. Waa daawo nafeed iyo iftiin ruuxeed oo qof walba u baahan yahay si uu noloshiisa Alle ugu toosiyo.




Nadiira 


Monday, June 2, 2025

Nuxurka buugga Steal like an Artist


 Hordhac.                                                                                                        Steal Like an Artist waa buug dhiirrigelin leh oo uu qoray Austin Kleon, kaasoo ku baraya in hal-abuurku yahay wax la barto, la dhiso, lana kobciyo—ma aha wax kugu dhasha oo kaliya. Buuggu wuxuu ku tusayaa in la “xado” fikradaha wanaagsan (si sharaf leh), loo adeegsado si gaar ah, lagana abuuro wax cusub oo adiga kuu gaar ah. Waa farriin fudud oo xoog leh: ha sugin inaad noqoto qof gaar ah si aad wax u abuurto — bilow hadda!

Waxa uu dhiirrigeliyaa dadka in ay laabta u furaan hal-abuurkooda, in ay wax “xadaan” (dhinaca fikradaha wanaagsan), oo aysan cabsanin in ay la yimaadaan wax cusub oo ay ka heleen aragtiyaha dadka kale.  Waa kuwan 10-ka cutub ee buugga Steal Like an Artist ee uu qoray Austin Kleon,

Chapter 1: Steal Like an Artist

Fikradaha cusub badankood waxay ka yimaadaan wax hore u jiray. Hal-abuurku  waa isku-darid iyo dib-u-adeegsi fikrado hore. Waa muhiim inaad barato sida loo xado si xarrago leh oo sharaf leh.

Chapter 2: Don’t Wait Until You Know Who You Are to Get Started

Ha sugin inaad si buuxda naftaada u barato ka hor inta aadan bilaabin wax. Wax-soo-saar joogto ah ayaa kaa caawinaya inaad naftaada fahanto. Hal-abuurka wuxuu ku bilaabmaa ficil, ma aha suugaan.

Chapter 3: Write the Book You Want to Read

Abuur waxa adiga ku xiiso geliya—waxaad doonaysaa inaad akhrido, daawato, ama maqasho. Waxaad tahay dhagaystaha ugu horreeya ee shaqadaada. Ka dhig hal-abuurkaaga jawaab u ah waxa adiga kuu fiican.

Chapter 4: Use Your Hands 

Ka fogow kaliya inaad ku fikirto kombiyuutar; gacmahaaga isticmaal si fikradaha u noolaadaan. Qoraagu wuxuu dhiirrigelinayaa shaqada faraha lagu qabto. Tani waxay kobcisaa hal-abuur dhab ah.

Chapter 5: Side Projects and Hobbies Are Important

Mashruucyada yaryar iyo hiwaayadaha waxay dhaliyaan fikrado cusub. Waxaad ogaan kartaa waxa aad jeceshahay adigoo “isku mashquulinaya” hawlo aan rasmi ahayn. Mararka qaar shaqada ugu weyn waxay kasoo bilaabataa meel aan la filayn.

Chapter 6: The Secret: Do Good Work and Share It with People

Samee shaqo tayo leh oo si geesinimo leh ula wadaag dadka kale. Internet-ka wuxuu noqday goob muhiim ah oo lagu muujiyo hal-abuurka. Waxaad helaysaa fursado cusub markaad dadka tuso waxaad qabanayso.

Chapter 7: Geography Is No Longer Our Master

Meesha aad joogto hadda kuma xaddidayso hal-abuurkaaga. Internet-ku wuxuu kuu suurtagelinayaa inaad la xiriiro dad dunida dacaladeeda jooga. Adiga ayaa abuuri kara deegaanka kugu dhiirrigeliya hal-abuurka.

Chapter 8: Be Nice. (The World Is a Small Town.)

Noqo qof wanaagsan oo dadku ku jecel yihiin la shaqayntiisa. Hadalada xunxun ama kibirka waxay kaa xiraan fursado. Saaxiibtinimada iyo ixtiraamku waa tiirarka hal-abuurka guuleysta.

Chapter 9: Be Boring. (It’s the Only Way to Get Work Done.)

Nidaam, hurdo fiican, iyo nolol deggan ayaa ah saldhigga hal-abuur joogto ah. Nolosha caadiga ah waxay kuu ogolaanaysaa inaad diiradda saarto wax-soo-saarka. Hal-abuurka ugu fiican wuxuu yimaadaa markaad leedahay hab-raac

Chapter 10: Creativity Is Subtraction

Hal-abuurku ma aha wax kasta isku darkooda, waa waxa aad ka reebto. Xaddidaaduhu waxay kobciyaan hal-abuur, waxayna kaa dhigaan mid go’aan fiican leh. Diiradda saar waxa muhiimka ah oo ka tag waxyaabaha kale.


Gunaanadka 

Buugga Steal Like an Artist waa fariin kooban, toos ah, oo si hal-abuur leh u xambaarsan talooyin wax ku ool ah oo loogu talagalay qof kasta oo raba inuu hal-abuur noqdo ama shaqo abuurto. Austin Kleon wuxuu inoo muujinayaa in hal-abuurku uusan ahayn wax laga sugo dad gaar ah ama kuwa leh hibada gaar ah, balse uu yahay wax qof walba ku jiro haddii uu u fikiro si furan oo geesinimo leh.

Qoraagu wuxuu ku boorinayaa akhristaha inuu:

  • Si xikmad leh wax u “xado” (inspiration ka helo dadka kale),

  • Bilaabo wax-qabad xitaa haddii aanu si buuxda naftiisa u aqoon,

  • U sameeyo hal-abuurka naftiisa iyo waxa uu jecel yahay,

  • La wadaago shaqadiisa dadka kale,

  • Kana faa’iideysto xaddidaadaha nolosha iyo deegaanka.

Gunaanad ahaan, buuggan wuxuu qofka barayaa in hal-abuurka saxda ahi uu yahay is-dhexgalka waxyaabaha horey u jiray, fikradaha aad jeceshahay, iyo aragtidaada gaarka ah. Ma aha inaad sugto ogaal ama fursad gaar ah—waxaad hadda bilaabi kartaa. Buuggani waa farriin dhiirrigelin leh oo ku boorineysa in la bilaabo, la shaqeeyo, lana wadaago waxa aad qabato — xitaa markaad dareemayso in aadan wali diyaar ahayn.

Waa buug yar balse saameyn weyn leh oo qof walba ka dhigi kara hal-abuur.      W/Q:Nadiira Tissue



Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...