Magac :The book You wish Your parents Had read ( and your child will be Glad That you Did)
Buuga jeclaan laheyd inuu waalidka akhriyo
◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇
Horudhac
Buuggaan waa mid ka mid ah buugta ugu quruxda badan ee aan ka akhriyay mowduucyada ku saabsan barbaarinta iyo waalidnimada
Waxaa qoray Philippa Perry. Waxa buuggu uu ka koobanyahay 6 qeybood.
Qeybta 1aad: your Parenting Legacy
( Dhaxalka Barbaarintaada )
Qeybtaan waxa ay ku saabsantahay oo ay inoo sheegaysaa in waxkasta oo nala kusoo barbaariyay ay si uga soo muuqan doonaan dabeecadaheena marka aan kuu guda jirno barbaarinta caruurta. Macanaha dhaxalka aad ka soo qaadatay waalidkaaga mise dadkii ku soo barbaariyay waa ay kula soconeysaa oo xirfadaada barbaarinta qeyb ayeey ka ahaaneysaa.
Tusaale haddii dadka ku soo barbaariyay ay ahaayeen dad khalafsan oo si arxan daran ay kuula soo dhaqmeen adina wadadaas in aad qaado waa ay badan tahay haddii aadan badalin.
Waxa buuggaan uu na leeyahay sidii laguu soo barbaariyay waa in aad gadaal u eegtaa oo aad ogaataa. Haddii aadan garwaaqsan waxyaabihi ka khaldamay barbaarintaada waxa ay kugu kalifee in si ogaal la’aan ah aad wadadaas u qaado. Isku day in aad ogaato kadib na hagaaji. Qaabka laguula soo dhaqmay ee aad dhibsan jirtay ogaw kadibna hagaaji.
Midda kale ma jiraan wax waalid wanaagsan iyo waalid xun la dhaho. Shaqsiyadaha ayaa kalaa badalan. Waalidkuna waxa uu raacaa shaqsiyadiisa. Muhiim maahan in marwalba aad isku daydo in aad iska dhigto waalid wanaagsan. Waalid wanaagsan noqoshada maahan wax ay tahay in dusha sare lagu muujiyo laakiin waa wax haddii aad fuliso ay fac ka fac isku dhiibayaan. In waalid wanaagsan aad iska dhigto waxa ay kaa qarinee khaladkaaga.
Qeybta 2aad: Bey’ada Caruurtaada Ku Hareereysan
Muhiimada maahan qaab dhismeed qoyska laakiin waase sida xubnaha qoyska ay u wada dhaqmaan. Ilmahaaga dadka barbaarinaya waxaa ka mid ah qof kasta oo hareeraha jooga. Adigu iyo lamaanahaaga kaliya maahan waxa barbaairnta ka qeyb qaadanaya. Qof kasta oo bey’adaas wax ka joogo, ha ahaado ayeeyo, awoowe, abti, adeer, dumaashi, adeegaha mise adeegtada iyo nooc walba oo qof ah oo hareerta joogo.
Waxaa taas ka sii daran oo barbaarinta ka qeyb qaadanaysa ayaa ah sida dadkaas aad ula dhaqanto. Haddaad ilmahaaga u wanaagsantahay oo dadka kale ee hareerta jooga aad si xun ula dhaqmeyso ogaaw taasi ilmmahaaga waa ay saameynee. Sida aad waalidlkaaga ula dhaqanto iyo qofkasta oo kula jooga haddii ilmahaagu daawanayaan waa bis. Waxa aad baree sida ayagu adiga kuula dhaqmi lahaayeen.
Bey’adaan waxa ay qaabaynee shaqsiyadda iyo dadnimada ilmahaaga. Waxa ay go’aaminee caafimaadka maskaxeed ee ilmahaaga. Waxa ay go’aaminee sida ilmaahaga uu dibadda iyo iskuul ku noqon lahaa. Falal waxaa jiro ilmaha uu guriga ku arkay laakiin guriga aysan ku sameyn oo marka ay banaanka u baxaan ay sameeyaan.
Waxaa taas dheer, sida guriga looga doodo waa ay saameynee dabeecadda iyo xirirka uu ilmahu banaanka ku yeelanayo. In la doodo waa caadi laakiin in dood walba in ilmaha hortooda lagu sameeyo waxa ay baree ilmahaas luuqadda dooda, luuqad jireed iyo waxyaabo badan oo ilamahu uu adeegsan doono marka uu dood galayo.
Marka ka taxadar agagaarka waxa ka dhacaya ee ilmahaagu ay baranayaan. Waa laga yaabaa in aad aragto waalid ku dhahahaya ilmahiis “ waxaas yaa ku baray?” muhiimaddu maahan in la helo qof waxaas bara. Ilmaha waxa ay wax ka bartaan ficilada dhabta ah oo sida maalin laha ah loo sameeynayo. Talo bixinta muhiim maahan iyo wax u sheegidu. Ficilka adiga iyo dadka kugu hareereysan aad sameyneysiin iyo sida aad iskula dhaqmeysaan ayaa muhiim maahan.
Qaybta 3aad: Dareemadooda
Bini aadanku waxbey dareemaanka hor inta aysan fikirin caruurtuna waa sidaas oo kale. Inta badan waxa caruurta loo la dhaqmaa sidii in aysan dareen la hayn. Ayagu waa ay xanaaqaan, waa murugoodaan, waa ay farxaan, waa ay caajisaan, wax way dhibsadaan, waxbey jeclaadaan.
Macanaha wax kasta waa ay dareemaan.In dareemahooda la iska indho tiro waxa ay dhibaato ku tahay mustaqbalkooda, shaqsiyadooda iyo caafimaadka maskaxdooda. Haku caburin dareenka. U ogoloow in uu ooy. Maahan in ay tahay in aad ooyinta ku dhagaysato. Maslax ayaga
koolkooli, hab sii si tartiib ah u daji. Bar sida oo ka caawi sida ay dareenkooda u gudbisan karaan. Ilmaha qaar marka ay dhahaan waxaas ma rabo waxaa lagu dhahaa “ yaad amree? Waad ku qasban tahay in sidaas aad yeehso.” meesha amar ma yaalo. Laakiin maanta haddii ilmahaaga aad dareenka ku caburiso waligiis waxba kuuma sheeganayo sida dhabta ah ee uu dareemayana waa uu kaa qarin doonaa.
Aqbal dareemada kala duwan ee iimahaagu uu soo muujinayo. Markaasna bar qaab wanaagsan ee loo muujiyo.eybta 4aad: Sees dhigidda
Xaamilada marka uu qofku yahay waa marka 1aad ee ay ugu wanaagsan tahay in aad dib u milacsato xariirka aad la laheed waalidkaaga iyo sidoo kale in aad ka fikrito xiriirka mustaqbal ee aad la yeelan doonto caruurtaada.
Waa in aad barato hab kaaga barbaarinta. Ma regulator ayaad tahay mise facilitator. Waalid ka regulator ka ah waa mid mar walba ahmiyadda siiya waalidnimada. Oo marwalba cunugu muhiim saas ah loom asaaro rabitaankiisa.Laakiin waalidka ayaa go’aaminaya waxyaabaha maalin laha ah ee cunugu uu sameynayo. Tusaale, waalidkaan xilli cayiman ayeey ilamaha seexinayaan, xili cayimanne waa ay kicinayaan xitaa haddii ilamahu uu san dareemeyn in uu kaco oo wili uu hurdo sii rabo.
Waalidka facilitator(Isbedbedala) ka waa mid ilmaha xudunka ka dhiga oo ilmaha diirad saara. Walidkaan wax jadwal ah kuma qasbaan ilmaha laakiin waxa ay daawadaan sida ilmahu uu u dhaqmayo. Tusaale, ilmaha kuma qasabaan in ay seexiyaan mana ku qasbaan in ay kiciyaan oo hurdada ay ka jafaan.
Sidoo kale waa inaad ogaato attachment style kaaga. Attachment style waxaan dhihi karnaa waa habka uu qofku ula dhaqmo dadka kale macnaha uu qofka ugu muujiyo dadka kale cilaaqaadka dareen ahaan muhiimka ah. Waa sida ay dadku u raadiyaan una ilaaliyaan isu soo dhawaanshaha.
Waxaa jira afar qaab oo isku lifaaqaan mise isku sidiga u dhaca.
1. Secure attachment style
habkaani waa awoodda dadka kale lagula sameeysto xiriir taban, oo caafimaad qaba. Dadka leh isku sidigaan aaminka ah waxa ay istareex ku dareemaan in lagu tiirsanaado sidoo kale waa ay u fududahay ayaga in ay qof kale ku tiirsanaadaan. Waxay awoodaan inay aaminaan oo ay ku kalsoonaadaan kuwa kale, waxayna dareemeen in baahidooda la dabooli doono. Marwaba si togan ayeey uga fikiraan naftooda iyo xiriiradooda.
Dadka hab kaan leh marka ay yaraayeen waxaa lagu soo barbaarshay nolol waxkasta oo ay u baahdaan loo sameeyay ama loo sharaxay sababta aan loogu sameyn. Yacni waligood lama dareensiin in wax laga hagranayo. Marka ay ooyaan dhaqsi ayaa loo jawaabi jiray. Jacayl badan iyo u dhawaansho badan ayaa la siiyay. Taas ayaa keentay marka ay koreen in ay noqdaan dad aamina dadka kale.
2. Insecure attachment style
habkaan waa dadka leh dabeecad adag oo ku aadan in ay sameystaan xiriir togon oo caaifmaad qaba. Ayagu naftoodana kuma kalsoona naf kalana kuma kalsoon. Si ay u helaan waxa ay rabaan waa ay qeyliyaan oo ay xanaaqaan si loo maqlo.
Dadka noocaan ah marka ay yaraayeen looma sameyn jirin wax aay rabaan macanaha marwalba looma sameyn jirin. Haddii ay ooyaan marna waa loo jawaabi jiray marna looma jawaabi jirin. Macnaha baahiyahooda si joogta ah looma dabooli jirin.
3. Avoident attachment style
habkaan dadka leh wax ay ka fogaadaan in loo soo dhawaado oo asxaan loo sameeyo oo la jeclaado. Ma aragtaa qof iska gooni socod ah oo xitaa aan aminsaneyn in la jeclaan karo mise u maleeyo haddii la jeclaado in wax laga rabo. Dadkaan qofna ma aaminaan xitaa qofna caawimaad ma weydiistaan. Dareenkooda waa ay caburiyaan oo waa ay qariyaan.
Dadka noocaan ah waa dadka marka ay yaraayeen ooyinta lagu dhagaystay. Ilmaha sida ay u ooynayaan ayagu iska aamusa waa kuwa inta badan dabeecadaan lasoo baxo.
4 Dismissive attachment style
waa dadka inta badan isku dhawaanshaha iyo is laxawisga u arka daciifnimo. Dadka noocaan ah ooyinta iyo qiirada waay la tahay wax jileec ah oo daciifnimo ah. Ma ooyaan qof ooyayana uma adkeysan karaan.
Dadka dabeecdaan leh waa inta badan dadka caruurnimadoodii la iskugu daray dilka, cayda, dayaca iyo xadgudubyo kala duwan.
Marka aad ogaato habkaaga waxa ay kaa caawinee in aad ogaato qaab barbaairntaadii taasina waxa ay kaa saacidee in ilmahaaga aadan marsiin isla wadadii aad soo martay.
Q5aad: sharuudaha caafimaadka wanagsan ee maskaxda
Waxaa jiro waxyaabo yar yar ee aan sameyn karno taasoo ka caawineysa caruurteenna in ay yareeyaan dhibaatooyinka mise caafimaad darrada maskaxeed. Midda ugu horeysa ee ugu wanaagsan ayaa ah in caruurkaaga aad la sameyso dabar adag. Macnaha xirir dabar oo adag. In wada sheekeeysi feecan aad la sameyso caruurtaada iyo in aad la falgasho oo aad dhagaysato.
Waa laga yaabaa in aad ku mashquusho telkaaga laakiin taas waxa ay dhibaato ku tahay caruurtaada. Waxa ay ku abuuree caruurka marnaasho gudeed.
Ilmaha qaar waxaa laga yaabaa in ay isku dhajiyaan kaliya waalidkooda oo aysan dadka kale rabin. Taasi wax dhibaaato ah maahan waa wax feecan in ilmahu ay kugu dhagdhagaan. Waxaa tani muujinee in ay kugu faraxsanyihiin iyo in weli suurta gal ka tahay in ay xiriir wanaagsan kula sameystaan.
Inta badan ilmaha kaligood inta la seexiyo ayaa laga tagaa laakiin taasi uma wanaagsan caafimaad qabkooda. Meeshaan ay kaligood ku jiraan ayeey wax badan u fasiri karaan, waxa ay dareemi karaan cabsi oo waxa ay ku sii fikiri karaan in cabsidaan loo soo fogeeyay ama lagu ciqaabayo. Waad la seexan kartaa marka ay hurdaanne waad ka soo tagi kartaa.
Ciyaarta waa mid ka mid ah wadooyinka ugu wanaagsan ee ilmaha looga caawin karo in ay yeeshaan maskax caafimaad qabta. Ciyaartu waa shaqada caruurka. La ciyaar si uu u farxo. Qofkasta waxa ay xasuusan tahay qofkii sida feecan ula ciyaair jiray markii uu yaraa.
Qeybta 6aad. Hab-dhaqannada dhan waa farriin gudbin
Hab-dhaqankeena ayaa ah waxa ugu horeeeya ee saameynta ku yeelan kara caruurteena. Saameyn togan iyo mid taban. Sida ilmahaagu uu u dhaqmo iyo sida aad u dhaqanto marnaba makala madax bannaana. Waxaa wada abuuray dhaqanka ka taagan bey’ada wada joogtaan. U fiirso sida ilmahagu uu ula dhaqmayo dadka kale, kadibna u fiirso sida aad adigu ula dhaqanto dadka kale. Waxaa dareemee in xiriir uu ka dhaxeeyo labada hab-dhaqan.
Ilmaha inta ay yaryihiin waxaad u tahay qof ay ku daydaan. Kaligaa maahan dadka dhan ee guriga jooga ayeey ku daydaan. Waa fiican in aad lahaato xirfada qaar tusaale ahaan sidoo loo xakameeyo xanaaqaaga, sida loo noqdo qof meeshii ka hor timaada la qabsan karta, qof dhibaatooyinka in ay xaliyo/xaliso awood u leh, iyo qof leh awoodda lagu arko oo lagu dareemo fikradaha dadka kale.
Haddaa afartaan xirfad aad leedahay oo marwalba aad hab-dhaqan ka dhigato waxaa jireyso in ilmahaagu ay kaaga daydaan.
Inta badan ilmahu qaabab kala duwan ayeey u dhaqmaan. Laakiin waxa laga yaabaa in hab-dhaqankoodaan aan fasirno. Fasiraadaha qaar ee aan ku sameyneyn habdhaqanka caruurka maahan wax wanaagsan, mana ahan waxa ilmaha ka caawinaya wax hormar ah.
Tusaale ahaan, waxaan dhahnaa “ cunugaan waxaas ayuu sameyaa si uu u helo attention, si uu noo isticmaalo anaga, waxa uu isku dayaa in uuna amro, cunugaan waxaa maanta ka khaldan.”
Waxyaabahaan maahan sharaaxdyo ilmaha u faa’iido ah.
Waalid kasta waa uu rabaa in uu ilmahiisa jiheeyo. Laakiin waxaa loo kala maraa habab kala duwan. Strict, Lax, iyo Collaborative
Waalidka qaar waa “strict” kaliya amar ayeey bixiyaan waxa ayna ka sugaan cunugooda in uu fuliyo. Kaliya waa adeeg iyo qasab. Hab ka kale ayaa ah “Lax waalid ka qaar si saa’id ah ayeey ugu dabacsanyahiin caruurtooda. Wax xeer ah uma yeelaan xaduudna uma sameeyaan. Tani waa laba afleey. Marna waa faa’iido marna waa khasaaro.
Waa ay u fiican tahay in ilmahaaga aadan wax badan ka filan oo howlo badan aadan ku xirin laakiin hadana ilmaha marka aan xeer loo sameyn ayaga ayaa xeer sameysta taasina dab kale ayeey shidi kartaa.
Hananaka 3aad ayaa ah collaborative. Waa marka adiga iyo cunugaada aad si wada jir ah go’aan u gaareysaan oo wax u wada xaleysaan. Dhibka jira hadaa ogaato u soo bandhig, ka wada hadla, is la fahma, xal isla keena. Laakiin adigu marnaba ha noqon in xal aad ku qasabto ilmahaaga iyo in aad faraha ka wada qaado ayaga dhan.
Inta badan waalidka qaar been ayeey u sheegaan caruurtooda ayagoo is leh wax ka qariya mise u diidaya caruurka in uu xaqiiqo jirto ogaado. In been la sheego waa in dareenkaada aad meel kale u leexiso. Taasi waxa ay baree caruurtaada in uu sidaas sameeyo. Asigoo la soo tumay ayaad dhahee maxaa kugu dhacay markaas ayuu dhahaa waxba iguma dhicin waan feecanahay.
Sidoo kale qof kasta xaduud in uu lahaado waa ay fiican tahay. Ilamahaaga jacayl sii sidoo kale xaduud u yeel. Wax ay ka hadli karaan ayaa jiro iyo wax aysan ka hadli karin.
Gababgabo
Buuggaan taloolinka ku jira badan kooda waa wada maqashay laakiin haddii aad waalid tahay waa ay fiican tahay in aad tilaabooyinkaa aad ficil u badasho oo aad ugu faa’iideyso ilmahaaga iyo kuwa kugu hareereysan.
The Book You Wish Your Parents Had Read by Philippa Perry | Goodreads
book summary
W/Q Nadiira tissue
No comments:
Post a Comment