Hordhac
Buugaan Ego is The Enemy waa buug uu qoray Ryan
Holiday oo ka hadlaya siyaabaha uu Qabka dib inoogu celin karo noogana hor
istaagi karo inaan gaarno yoolkeenna iyo inaan ku noolaanno nolol
dhammaystiran. Fikradda ugu weyn ee buuggu waa in ego, ama qab wenida dareenka
ah ee nafteena ku jira, ay caqabad ku noqon karto koritaankeena iyo
guushayada.
Buuggu waxa uu ku
doodayaa in qabweynidu ay nagu keeni karto in aynu si xad dhaaf ah u eegno
nafteena, taas oo dhalineysaa kibir, wax kasta xaq-u-yeelasho, iyo is-hoosaysiin
la’aan. Waxa buuggaani uu soo jeedinayaa si’aan u gaarno guusha waxaan u
baahannahay inaan iska dhaafno qabka oo aan diiradda saarno waqti
xaadirka, iyo baahida dadka kale ay noo qabaan. Buuggu waxa kale oo uu ka
hadlayaa muhiimada ay leedahay is edebinta, dedaalka, iyo kartida ama awooda
aan wax uga baran karno guul-darrooyinkeena.
Rayan Holiday waxa uu
ku doodaa in dhibaatada na haysata aysan ka imaan banaanka mise arimaha
dibadda. Dhibaato kasta oo na soo abaarta waxa ay ka timaadaa gudaheena, ama
qabka gudaheena ku jiro
Buuggaan waxaa loo qeybiyay 3 qeybood oo kale
ah Hammi, Guul iyo iyo Guul Daro.
Qaybta I: Hami
Waxkastoo aa sameyn maagto cadawgaaga
ugu weyn adiga gudahaaga ayuu ku jiraa. Nolosha qof ka inta uu noolyahay waxa
uu leeyahay hammi. Haa waa run. Laakiin wayahaan danbe qofkasta hammi ayaan
leeyahay ayuu dhahaa si uu qabkiisa kor ugu qaado.
Hammi weyn ayaan leeyahay oo waan kaa
hammi weynahay waa waxa ugu badan ee aad maqleyso. Kaagada darane qofkasta waxa
uu aaminsan yahay in uu hammigiisa uu si sahlan ku gaari karo maanta uu usoo
jeesto. Waa qab waxaasi. Qof aan wax ficil ah sameyn in uu ku doodo hammi
fog ayaan leeyahay waa qab.
Kartidu waa meesha laga bilaabo
waxwalba. Waxaasa fiican in aad isweydiiso in kartidaada aad sida ugu wanaagsan
aad u isticmaali karto iyo in isla kartidaas ay xumaato kuu horseedi karto. Qof
ku waxa uu hammigiisa ku gaari karo waa ficil. Qab ka ayaa dadka qaar u diida
in ay ficil yar qaadaan. Taas ayaa ku kalifta in aysan ficil oo dhan qaadin ba.
Qabka dartiis ayeey wax la’aanta ka door bideen waxa yar.
Mararka qaar qabka dartiis ayaan
moodnaa in aamusnaantu ay daciifnim tahay. Inta aad ka carareyso in daciif
lagugu tilmaamo ayaad waxyaabo badan aad dhahaysaa taas oo kaa hor istaagi kartaa
in hammigaaada nololeed aad gaarto. Aamusnaantu maahan calaamad daciif nimo ah
laakiin waa calaamad muujineysa adkeysi iyo xooganaan. Wiliba marka aad ku
jirto safar ka hammiggaada waxa ugu qurxan oo aad ku waji karto kuna sii wado
karto safarkaas ayaa ah aamusnaanta.
Nolosha maahan in aad ka fikirto qofka
aad noqon laheyd laakiin waa in aad ka fikirto waxa ay tahay in aad fuliso
macanaha waxa aad fulin karto oo aad xaqiijin karto. Waxaa jiro qof qab weyn
laakiin aan waxba xaqiijin.
Qofka inta uu la nool yahay qabka ah
waxaan maxaad ka baraneysaa, waligiis ma xaqiijin kari doono in uu waxaas si
dhab ah u barto. Qabka waxa uu kuu diidayaa in aad waxbarasho dhab ah aad
sameyso. Inta aad aaminsantahay waxaan waa taqaanaa si dhab ah waxaas uma baran
doontid. Inta aqoontaasi ay kaa maqantahay hammiga dhabta ah ee aad rabto in
aad gaarto waaa ay kugu adkaaneysaa.
Qabku waxa uu kugu kalifayaa in
xaqiiqadu ay kaa qarsooto. Waxa uu kaa xiraya oo uu iskaga kaa aadinayaa in aad
hormar sameyso. Qof walba qad dartiis ayuu muujinayaa in uu mashquulyahay.
Laakiin sidee ayeey macquul u tahay in uu jiro qof maantaas oo dhan mashquul
ahaa oo hadana waxbo aan sameyn, macnaha waxa la taaban karo.
Qofka waxa uu u baahanyahay waa in uu
helo u jeedo nololeed taasoo la macno ah jacayl xadidan. Macanaha wax qofku uu
jacayl yahay laakiin sabab loo jecel yahay. Waxaaan waan jeclahay macnaha waa
is ka jeclahay oo waan ku waalanahay wax la dhaho waa marin habaabin. Ujeedadu
waa in qof ku raacdo wax ka baxsan naftiisa waxaas oo farxad siinaya. Dadka
qaar in ay u jeedo cayimana yeeshaan waxaa u diido qabka.
Naftaada la xiriiri dadka iyo ururada
guuleystay. Waxaa laga yaabaa in qabku uu kuu diido in aad si uun ula xiriirto
qof ama koox aad guul ku tumeyso. Laakiin qabkaas kaliya adiga ayuu gadaal kuu
celinaa. Qofka hammiggiisa gaar waa qof u ag dhawaada dadka ay is ku mihnadda
yihiin.
In aad noqoto qof guuleysta oo weyn
waxaa ka horeysa in aad muujiso mutadawacnimo. Qofku haddii uu aaminsan yahay
in uu ka sarreeyo dadka kale haddii uu dadka is kala qab weynyahay meesha uu
rabo ma gaarayo. Qof hoose u muuqo oo wax badan la imaaw.
Naftaada waxaad caawin kartaa marka
aad dadka kale caawiso. Sidoo kale waa in kibirka aad turto ka hor inta
uusan ku haligin. Qofku waa uu noqon karaa qof wanaagsan oo heerka uu rabo waa
uu gaari karaa oo sidoo kale sharaf waad sameysan kartaa. Laakiin marka qab iyo
kibir kugu jiro waxaad rabtana heli maeysid dad daacad ahna heli meysid.
Qaybta II: Guul
Markaan guul yar gaarno, Egada mise qabka waxa uu bilaabayaa in uu na burbuiryo oo uu nusqaamiyo rabitaan kii awal nagu jiray. Qabka ayaa naga dhex saaraya dadkii aan ku dhex jirnay.
Muhiim maahan waxkastoo aad sameysay,
waxa fiican iney ahaadaan ,laakin mar walba adi arday iska ahow . Haddii aad waxbarashada joojiso qab
darteed maskaxda koboco waa ay joojinee, jirkuna waa uu la socdaa maskaxda,
taasna cimrigaada ayeey dadajin kartaa.
In aan kulaabano tagtadu waa wax halis
nagu ah. Waayo markasta oo tagtada aad u laabato waxaad farshaxaneysaa oo
qurxinee sheeko adiga kugu dhacday. In sheekadaada aad sameyso oo sheekadaada
aad toostoosiso waxa ay kugu dhalinee qab iyo kor is ku qaadid.
Inta aad matali laheed in sheeko fiican ay kugu dhacday macnaha inta sheeko aadan lahay aad sheegan laheyd waxaa
fiican in aad howl fulin aad lahaato.
Inta badan guusha waxa ay nagu
kaliftaa in aan dareenno in wax kasta aan u xaq leenahay oo xitaa aan ka xaq
badannay dadka dhan. Guushu waxa ay nagu kaliftaa cuqdad ah in dadku ay cadaw
nagu yihiin, in qof walba uu khlad keena raadinyo. Guusho waxa ay nagu kaliftaa
in aad noqono dad amarkooda la maqlo ama dad in la dhagaysto mudan macanaha waxa ay
naga dhigtaa dad control badan.
Markasta oo qofku guul gaaro waxaa ku
dhacdo in uu noqdo qof wax yar sameeya oo waxbadan ka hadla. Hal
abuurnimo in markasta aad lahaato si sanad walbo aad u noqoto xidiga shidan waa
wax loo baahan yahay laakiin guul aan hal mar gaarno darteed ayaan isla
dhiganaa oo waan joojinaa waxqabadaka iyo juhdiga. Waxaas waxaa u wacan qabka
guushu ay dhalido. Bal u fiirso qof kastoo aad guul ku tuhmeyso in uu maalin
gaaray waxaa u shidan heestii aheeed cadawgu darbiyada ha jiiro.
Qaybta III: Fashilka
Guuldaradu inta badan waxa ay timaad
ayadoon loo wacan waxaasa u sabab ah
qabka. Is badalku waa u muhiim nolosha. Laakiin qab dartiis ayaan wax iskaga
dhagnaa. Markaas ayaa waxaasi inoo shaqeyn waayaan oo marka xeerada salkeeda
soo taabano ayaan aragnaa waxa aan ku
soconay aayaha ka dhashay.
Waxaa fiican in natiidajada dhalan
doonta aanan isku lifaaqin oo aan isku dhajin oo aanan rabitaan badan u muujin.
Guuldarada dhan waa marka wax aad isku hagajineysay ay kuu shaqeyn waayaan.
Marka si guuldarro aadan u wajihin waxna ha isku dhajin, macnaha, muhiimadu waa
in waxaan aad ka shaqeyso inta aad ka shaqeyn akrto laakiin waa in aadan
sugin natiijo cayiman.
Shaqadaada qabo wiliba u qabo sida ugu
wanaagsan kadibna ilaahey u talo saarso In shaqadaada aad si hufan u qabato ayaa
kaaga filan.
Marka aad dareento in guushu ay
farahaaga ka sii baxayso isku day in naftaada aad gadaal ugu laabato oo
naftaada aad ka shaqeyso. Badan keena guuldarada waxaba naga dhibto haddii ay
anaga nagu egtahay laakiin fashilka aan ka baqno waa midka dadka kale ay
ogaanayaan. Markaas waxaad halkaas ka arkee waxaan diirad saaryenaa wajiga
dadka kale ay naga heystaan.
W/Q Nadiira Tissue

No comments:
Post a Comment