Saturday, February 25, 2023

  So koobida Buuga so Doog 





Hordhac


Buugga Soo Doog waxaa  qoray Cabduqaadir  Diiriye. Buugga waxa uu u socdaa qaab sheeko ah waxaana ku jira dhowr sheeko oo midba cashar gooni ah ay xambaarsan tahay. 


Buugga Soo Doog sheekooyinka ku qoran waa kuwa isku xiran laakiin ay matalayaan jilaayaal kala duwan oo midkasta ay noloshu waji gooni ah tustay.


Si guud sheekooyinka Buugga Soo Doog waxa ay quseeyaan xiligii kala cararku uu ka bilaawday Soomaaliya iyo sidii dadku ay iskugu dayayeen in ay noloshooda ka badbaadiyaan qaxarkii socday. 


Waxaa qof walba uu qaadayay tilaabo ugub ku aheed iyo sidoo kale waxaa qof walba raadinayay hab uu nolosha ku sii wadan karo.


Waxa Buugga Soo Doog uu muujinaya sida dhibtu ay u qaabaysay bulshada caqligeeda iyo dareenkeeda, sida dadku ula soo baxay dabeecado aan horay u jirin iyo sida dadku ugu kala qaybsameen in ay kala qaataan dowrar kala duwan.


Waxa Buugga Soo Doog na baraya is badbadalka nolosha ee aadanahu uu wajahayo marka nidaamka sare uu isbadalo iyo sida qolo cusub ay ugu faa’iideyso nidaamyada cusub.


Waxaan isku dayaa in aan si kooban u dulmaro sheekooyinka shaqsiyaad ka ugu saamaynta badan buuggaan oo na tusinaya mise na baraya casharka dhabta ah ee buuggaan.

Sheekadu waxey ku bilaabaneysa sidan 


Faadumo dalka ayeey ku soo laabatay ayadoo ka fikiraysa sida ay u aqoon doonto saaxiib teed Xaawo oo 30 sano kahor ay ugu danbaysay. Faadumo waxaa ugu yimi ayraboorka Sahro oo ah gabadha Xaawo dhashay. 


Faadumo inta ay gaariga soo saarneed waxa ay fiirinaysay wadooyinka iyo dhismayaasha burbursan. Faadumo markii danbe waxa ay soo gaartay goob ayada xasuus ku leh. Faadumo waa ay iska il maysay.


Faadumo iyo Xaawo waxa ay ahaayeen saaxiibo tan iyo xiligii iskuulka. Faadumo marka ay iskuulka dhamaysay ayeey aaday waxbarasho dibada ah laakiin uma suura galin in ay dhamaysato. Faadumo dalka ayeey ku soo laabatay waxa ay na guursatay Xuseen.


Xaawo marka ay iskuulka dhamaysay waxa ay guursatay Maxamuud. Faadumo iyo xuseen waxa ay ag dageen Xaawo iyo Maxamuud. Halkaas ayeey ku ahaayeen laba qoys oo saaxiibo ah.


Waxaa ag daganaa labadaan qoys reer Coon. Labadaan qoys waa ay caawin jireen reer Coon. Coon waxa uu ahaa nin si maalinla ah u raadsada qutul yowmka oo waxa uu cidaha u dhisi jiray wixii dhismo u baahan. Coon waxa uu qabay Muumino.


Ree Coon waxa ay ahaayeen qoys faqiir ah oo nolosha meel hoose kaga nool. Waxa ay dhaleen wiil la dhaho Cabdullahi. Cabdullaahi waxa uu ahaa nin firfircoon laakiin marwalba waxa uu dhib kala kulmi jiray carruurta kale ee iskuulka ayagoo ku caayayay hanti la’aanta.


Hooyo Muumino marwalba wiilkeeda niyadda ayeey u dhisi jirtay waxa ayna siin jirtay talooyin uu ka heli karo dhabar adeeg iyo rajo. Marwalba waxa ay ku tiraa “hooyo noloshu muuqaalka maahan sida aad hadba fasal uga gudubto ayaad uga gudbee dhibka iyo dheefta.”


Waxaa jiray Dahabo iyo Caabi oo ahaa qoys taajir ah oo xaafadaan wax ka daganaa. Caabi waxa uu la shaqayn shaqaynayay haayado caalami ah. Waxa ay dhaleen wiil la dhaho Guuleed. Dahabo iyo Caabi wiilkooda waxa ay u direen dabada.


Waxaa meesha xafdda ku tiillay warshad oo waxaa ka shaqyn jiray Kalafoge iyo Aamusane oo kala qabay Mako iyo Sakiyo.


Maxamuud oo qabay Xaawo waxaa ay qaraabo ahaayeen nin la yiraahdo Ciddiyebirre. Ciddiyebirre shaqadii ayaa laga soo eryay asigo u maleeya in qabiil ahaan loo soo buriyay. Ciddiyebirre hadda waxa uu bilaabay in qabiilkiisa uu qaraanka ukala qaado.


Qabtii ayaa bilaabatay. Magaalada dhinac ayaa laga soo galay. Dadkii wax haysatay meel ay wax ka gataan malahan. Meelkasta tuugo ayaa taagan. Xuseen oo ah Faadumo ninkeeda waxa uu u baxay in uu aado dukaanka Cali dheere si uu uga soo qaado Raashin uu carruurta siiyo.


Xuseen ma uu san soo noqon. Faadumo waxa badan ayeey sugaysay. Maalmo kadib waxaa u yimid wiil ina Cali Dheera ah. Waxa ay weydiisay in uu Xuseen arkay iyo Inkala. Waxa uu yiri inankii maanan arkin.


Faadumo inankii ayeey tiri iila sii joog carruurta waxaan raadinayaa Xuseen. Faadumo waxa ay soo heshay meeshii Xuseen lagu aasay. Kadib Xaawo iyo Maxamuud ayaa Faadumo iyo carruurteeda kaxeeyay.


Maalmo kadib Cali dheere ayaa u yimi Faadumo. Kadibna waxa uu ku dhahay na keen Faadumo adiga iyo ilmaha waxaan idiin ka xayn wadanka banaankiisa. Faadumo waa ay baxday ayada iyo carruurteeda ilaa Mareykanka ayeey gaareen.


Reer Coon waxa ay damceen in ay aadaan meel awoowgood uu dhul beereed ku lahaa. Xaafad ayeey marti ku noqdeen intii aysan tuulada gaarin. Xaafaddi ayaa tuugo u soo dhacday halkaasna Coon ayeey ku dileen. Coon waa uu dhintay.


Muumino oo aheed Coon xaaskiisa waxa ay go’aansatay in ay socod kii sii wadato. Waxa ay gaareen tuuladii awoowgood uu daganaa. Ilmuhu saa’id ayeey u farxeen oo waxa ay dareemayeen in cuntadu ay ka macaan tahay midii magaalada.


Hooyo Muumino waxa ay tiraa ” cuntada waxaa macaaneeya oo dhadhanka u yeela waa gaajada. “


Cabdullahi oo ah ina Coon waxa uu yiri hooyo iyo awoowe anigu magaalada ayaan aadaya oo shaqo ayaan raadsanayaa maadaama aan iskuulka dhameeyay. Cabdullaahi waala fasaxay waxa uuna tagay magaalada.


Cabdullahi waxa uu helay shaqo. Waxa uu bilaabay in uu hormariyo qoyskiisa. Ree Coon waligoodba faqiir ayeey ahaayeen oo gaajo waa soo mareen iyo daruuf. Laakiin markaan wiilkooda ayaa shaqo fiican helay. Waxa uu wax ka badalay nolosha qoyskooda.


Dahabo iyo Caabi oo ahaa cidii taajirka ayaa xaladuhu si xun u saameeyeen. Dahabo iyo Caabi wax hadal ah kama helaan wiilkoodii ay dibadda u direen. Caabi dhowr qaliin uu maray darteed waa uu dhintay. Waxaa soo haray waa Dahabo iyo gabadheeda.


Dahabo gabadheeda waxaa guursaday nin aan waxba haysan oo xafadda wax ka waardiyeeya. Dahabo waxa ay bilaawday in ay suuqa ku iibiso khudaar si ay u soo dhiciso biilkooda.


Sakiya iyo Mako oo ahaa labadii xaas ee kalafoge iyo Aamusane hadda waxa ay ku noolyihiin tuulo yar oo hadba ciidan hor leh uu la wareego. Qofba mar ayaa noloshu u wacnaata kan kalana waa ka hagaastaa ayadoo ay ku xirantahay labada korneel ee magaaladaan ku dirira kuwaasoo oo qofba mid uu ku jufo yahay.


Ciddiyebirre waxa uu kala gadaa qurbajoogta iyo qoraxjoogta. Qurbajoogta ku qabiilka ah qaaraan ayuu ka soo qaadaa asigoo dhahaya qabiilkeenii ayaa dalkii ku dhibaataysan. Qoraxjoogtana waxa uu ku booriyaa in ay dhulbadan qabsadaan oo qabiilka magac u keenaan.


Cali dheere oo ahaa Xuseen saaxiibkiisa waa nin ganacsada ahaa ilaa hadana ah oo marwalba isku daya in uu dadka wax ku soo kordhiyo. Waxa uu aad u neceb yahay hay’adaha iyo deeq bixiyayaasha caalamiga.


Waxa uu marwalba ku booriya dadka in ay ayagu ceelal qotaan oo is xilqaamaan halkii ay wax ka sugi lahaayeen gacan kale. Waxa uu dadka uga digi jiray dhaqanka baryootanka iyo gacan hoorsiga.


Maxamuud oo ahaa xaaska Xaawo waxa uu ahaa nin wax badan akhriyay bulshadana ku dhex jira oo fikirkiisa qofna ku qasbin una ogolaada qof walba in uu kaalintiisa hadlo.


Maxamuud waxa uu inta badan wax ka qora arrimaha bulshada iyo sida isbadalka uu u dhacay. Markaan wax kasta oo lagu faani jiray xiligii nabada waalaga cararayaa. Qofna ma haysto wax qurxan. Waxkasta oo qurxan waala foolxumeeyay. Waayoo hadaa gaari qurxan lagugu arko waalagaa dhacayaa. Waxaa naftu baday in wixii cusub ama qurxan loo yeelo ceeb si tuugada looga badbaado.


Maxamuud ayaa waxa uu arkay wiil dhar qurxan sita oo kusoo ordaya oo leh adeer seetahay. Maxamuud waxa uu aqooday in wiilku uu Cabdullaahi Coon yahay. Cabdullaahi iyo Maxamuud ayaa wada sheekeysteen. Maxamuud ma uu san ogeyn in uu Coon dhintay oo Cabdullaahi ayaa markaan u sheegaya.


Cabdullaahi waxa uu tagay gurigii Maxamuud waxa uu la kulmay carruurtii ay iskugu danbaysay waqti hore. Si feecan ayaa loo sheekeystay. Reer Coon iyo reer Maxamuud markale ayeey isku soo dhawaadeen.


Cabdullaahi waxaa la siiyay Sahra oo ah gabadha Maxamuud. Cabdullaahi waxa uu kireeyay 3 guri oo isku dhaw. Mid uu ugu talagalay hooyadiis iyo walaalihiis midna uu ugu talagalay Maxamuud iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa iyo mid asiga iyo Sahra ay dagaan. Markaan Cabdullaahi ayaa u wada arrimiya qoysaska.


Dahabo oo aheed xaaskii Caabi ka dhintay wili wax war ah kama hayso wiilkeedii Guuleed. Kaliya waxa ay maqashay in Guuleed uu guursaday gabar cadaan ah.


Faadumo marka ay u soo labatay wadanka waxa ay la kulantay saaxiibteed Xaawo. Waxa ay ogaatay in Cabdullaahi oo ah ina Coon uu xaafadaha masuul ka yahay oo uu qabo gabadha Xaawo.


Sahra iyo Faadumo ayaa suuqa aadeen. Waxaa jirtay haweeney ay Sahra waxa ka gadan jirtay. Laakiin Sahra aqoon uma laheyn haweeneydaan. Faadumo ayaa aqootay in islaantaani ay tahay Dahabo. Waxa ay tiri Dahabo maxaa kugu dhacay? Aaway Caabi?


Dahabo waxa ay u sheegtay Faadumo in ninkeedii uu dhintay wiilkeedina aysan war ka hayn. Faadumo waxa ay bilaawday in ay raadiso dad qurbaha ku nool si ay ugu hesho Dahabo wiilka ay dhashay.


Faadumo soo noqod keeda waxa uu fursad u ahaa Dahabo. Oo Dahabo waxa ay hadda maqashay codka wiilkeeda oo dhowr iyo sodon sano aysan maqlin. Guuleed waxa uu ku soo laabtay dalka si uu u arko hooyadiis iyo walaashiis.


Guuleed hadda waxaa ku dhacay baraarug waxa uu dareemay kaalinta uu cidleeyay. Guuleed waxa uu bilaabay in uu ka warhayo hooyadiisa iyo walaashiis.


Galabta waxaa meesha wada fadhiya Xaawo iyo ninkeeda Maxamuud, Cabdullaahi oo ah ina Coon iyo xaaskiisa Sahra oo ah gabadha Maxamuud iyo Xaawo, Faadumo oo ahaa xaaskiis xuseen ku dhintay sidoo kalana ah saaxiibta Faadumo tan iyo xiligii iskuulka, Cali dheere oo ah saaxbiibka Xuseen, iyo Cali dheere wiilkiisa oo ah xildhibaan.


Intaan waxa ay ka hadlayaan xaaladda dalka uu marayo. Sida dastuurka iyo baarlamaanka ay u badaleen awood qeebsigii hubka ku saleysnaa. Dowladaan ka hor waxa arimi jiray cidii hub culus heysato. Laakiin hadda waxaa arrimiya cidii hela kalsoonida xubnaha ugu badan ee baarlamaanka.


Dad aan tali jirin ayaa dastuurka fursad siiyay. Inkastoo dastuurkaan iyo nidaamkaan ba uu yahay mid laga soo minguuriyay galbeedka hadana Soomaalidu waxa ay isku dhex wadaa dhaqankii qabiilka ku salaysnaa iyo dhaqankaan reer galbeed laga soo keenay.


Ugu danbayn, gorfayn iyo rog badan waxa ay qireen in raggu wax qasayay hadana dumarku aysan ka marnayn qaska oo daaha gadaashiisa ay qaska ka hagayeen. Waxaa fadhigaan lagu soo gaban gabeeyay in dalku uu isbadalayo sidoo kale waa ay u wada duceeyeen

W/Q Nadiira tissue 

No comments:

Post a Comment

Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...