Sunday, February 26, 2023

 SOO KOOBIDDA BUUGGA SALAAD BAA I DHAAFTA















HORDHAC

Buugga "فاتتني الصلاة", oo Afsoomaali  ahaan noqonaya "Salaad baa i dhaaftay",waxa qoray  nin reer Masar ah oo lagu magacaabo Islaam Jamaal. Buuggani sida ka muuqata waxa uu ka hadlayaa salaadda, sidee ayuu uga hadlayaa salaadda? Ma sidii aynu isla naqaannay ee ay wadaaddadu ilaa yaraanteenni innoogu soo koobi jireen xadiiska ah: "salaaddu waa waxa ugu horreeya ee maalinta qiyaame la innaga xisaabinayo", iyo tobanaan ciqaabood oo hoog iyo halaag ah oo ku dhicidoona qofka tukan waaya salaadaha?! Jawaabta oo kooban waa maya! Buuggani waxa uu ka kooban yahay seddex iyo toban iyo gunaanad.


1- SALAAD BAA I DHAAFTAY


Cutubkan, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa oday duq ah oo madaxa saaray da’da siddeetamaadka, kaas oo ku tukubaya ushiisa; si uu u tago masjidka, halka uu qoraaguna samaysanayo cudurdaarro ay ka mid yihiin: in aanu haysan wakhti ku filan, in uu mashquulsan yahay, iyo arrimo kale oo badan ilaa ay salaaddiiba dhaaftay. Qoraagu waxa uu isweydiiyay sirta ka dambaysa ilaalinta salaadaha, sidaa aawadeed ayuu go’aan ku gaadhay in uu ka warsado kuwa ilaaliya salaadaha. 

Sidoo kale, qoraagu waxa uu xusayaa in ay jirto astaan ay wadaagaan guud ahaan guulaystayaashu.


2- MAALIN UUN!


Dadku waxa ay ka wada warqabaan liibaanta, ladnaanta iyo xisilloonida in laga helo salaadda, haddana ma tukadaan. Qoraagu waxa uu isku hawlay sababaha, waxa aanu ogaaday qodobka ugu muhiimsani in uu yahay kuwa aan tukan oo samaystay caalam dhalanteed ah oo lagu magacaabo maalin uun! Waxa aynu aammisannahay xaalkeenu in uu isbeddelidoono maalin uun oo aynu ka mid noqondoonno kuwa tukada, sidoo kalena waxa aynu samaysannaa cudurdaarro aan dheef lahayn, balse waa aragti qalloocan oo gurracan. Waxa wanaagsan in aynu ka leexanno jidkan, sidoo kalena qaadanno sababaha innagu kaalmaynaya ilaalinta salaadaha.


3- ADIGU WAXA AAD TAHAY ARAGTIYAHAAGA


Hadalkan, qoraagu waxa uu uga dan leeyahay guuxa iyo wada sheegaysiga ka dhex aloosan garaadkaagu in ay yihiin qaabeeyayaasha habsami u socodka noloshaada, guud ahaan arrimaha aad samayso maalin kastana waa adiga oo fulinaya aragtiyaha ku xooggan garaadkaaga. Sidaa darteed, wanaaji aragtiyahaaga oo ha dhayalsan. Ka ilaali caqligaaga aragtiyaha taban, kuna beddelo kuwo togan; si ay u hagaagto noloshaadu. Maadaama oo uu garaadku u shaqeeyo hannaankan, waa in aynu u adeegsannaa qaab qumman; si uu innoogu kaalmeeyo salaadda, halkii aynu uga kaashan lahayn sidii aynu uga tegi lahayn salaadaha innaga oo ban-abuuranayna cudurdaarro bug iyo been abuur ah.


4- ASTAANTA MUCJISADA AH!


Cutubkan, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa astaanta mucjisada ah ee ay wada wadaagaan dadka tukadaa, kuwaas oo aan lahayn awoodo u gaar ah iyo duruufo aan lala wadaagin, laakiin astaantan mucjisada ah ayay ku sameeyaan horumar ilaa ay noloshooda ka mid noqotay. Astaantani waa furaha guul oo idil, la’aanteedna xog kastaa waxa ay noqotaa bilaa dheef. Sidoo kale, qoraagu waxa uu innala wadaagayaa xogo door ah oo caddaynaya astaantan, aanay ka mid yihiin:

 Xakamaynta Nafta: qoraagu waxa uu uga jeedaa wax kasta oo waajib kugu ah in aad qabato wakhtiga ku habboon, jeclow ama necbowba oo.

 Hala Tashan Garaadkaaga: la tashiga garaadku waxa uu u baahan yahay tamar badan, waana sabab ka mid ah kuwa keena wahsiga. 

 Bar-tixraaca: qoraagu waxa uu ka wadaa shaqo aad hore u qabatay tiiyoo ay kugu hareeraysnaayeen duruufo gaar ahi, falkanina waxa uu kuu noqonayaa dhiirrigeliye.

 Milaygani waa uu tegayaa: mar kasta maanka ku hay, guud ahaan shaqooyinka culusi waa ay tegayaan. 


5- BAAHI MA QABTAA?!


Qoraagu, isaga oo adeegsanaya aragtiyo iyo xogo ayuu innagu qancinayaa in xikmadda ka dambaysa dhibaatooyinka iyo caqabadaha nolosha ee maalinlaha ahi in ay yihiin kuwa kaa dhigaya qof si dhab ah ugu xidhan Ilaahay. Amminta aad xidhiidh xooggan la yeelato Alle (swt), macnaha sharafta iyo maamuuska dhabta ah ayaad dareemidoontaa marka aad aragto yada oo laguu gudayo baahiyahaaga, sidoo kalena waxa aad baranaysaa macnaha dhabta ah ee iimaanka. Salaaddu waa hilin lagu suubbiyo arrimaha, lagu hirgeliyo baahiyaha, sidoo kalena qalbiga waxa ay u soo jiiddaa xasillooni iyo deganaasho gudeed. 


6- DAWADA CAADADA (HAWLMAALMEEDKA)

Qoraagu, cutubkan waxa uu kaga hadlayaa insaanku haddii uu samaysto caado dheef leh in ay waajib ku tahay in uu naftiisa u sameeyo dhiirrigelin uga dhigan abaalmarin; si uu qabashada hawshan ugu helo awood iyo tamar, una sii joogteeyo. Qoraagu waxa uu leeyahay:

 cutubyadii hore waa dhiirrigeliyayaal iyo yada oo la inna jeclaysiinayay salaadda, abaalmarinta laga helayo caadadani waa xasillooni iyo raaxo, arrinkanina waxa uu ku hirgelayaa khushuucda oo ah jidka xasilloonida. Salaaddu, khushuucda ayay ku noqotaa cibaado xilli kasta cusub oo aan ahayn mid soo laalaabata, waxayaabaha khushuucda keenana waxa ka mid ah: xubanaha oo laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa iyo Quraanka la akhriyayo oo la dhuuxo macnihiisa ilayn tartan laguma jiree. 

Sidoo kale, faqu waa muhiim. Haddii aad doonto in aad beddesho dareenkaaga adiga oo tukanaya, wardiyada salaadda ha u akhriyin sidii oo aad cod duubayso, balse dheh adiga oo dhuuxaya, kuna baraarugsan in uu ku dhegaysanayo mid ku maqlaya oo kaaga warcelinaya. 


7- NOQO JARMAADE

Qoraagu, cutubkan dheer waxa uu kaga hadlayaa sheekada Hal Elrod iyo buugiisa “Waaberiga Mucjisada ah”, kaas oo tubta toosan ku hagay nolosha kumanaan qof iyo sidii uu jarmaadku uga badbaadiyay xalaaddii isku buuqa ahayd. Qoraaga buugganina isna waxa uu soo warinayaa sheekadiisa, waxa aanu u bixiyay Salaadda Mucjisada ah maxaa yeelay; diinteenna toosan ayaa inna fartay jarmaadka iyo in aynu tukanno salaadda subax. Salaadda subax waa mucjiso

 aad ku hirgelin karayso yoolashaada, haddii aad ugu talagasho wakhti gaar ahna, noloshaad oo dhami waxa ay isku beddelidoontaa dhanka togan, sidoo kalena waxa ay ku siinaysaa aragti wanaagsan oo kugu hagaysa in aad noloshaada oo idil suubbisato.


8- HALKAA GURI BAA AH!

Qoraagu waxa uu yidhi isaga oo ku halqabsanaya xadiiskaRasuulka (NNKH) ee ah: “maalin kasta qofka tukada 12 rakacadood ah oo aan waajib ahayn, jannadaa looga dhisaa guri.” Xataa haddii aynu maalin keliya tukanno gurigaa waa la innoo dhisayaa, dammanadda jannada waa aynu haysannaa, Eebbena ma dayaco addoon jannada guri looga dhisay waayo; isagaa ugu caddaalad badan.


 Salaadaha sunnaha ah ayaa guriga la innooga dhisayaa jannada, sidoo kalena xilli walba oo ay hagaagto salaadda sunnaha ahi waa ammin walba oo ay tamadarreeyaan labadaada cadow (nafta iyo shaydaanku). Marka walba oo uu Alle ku jeclaado waxa uu ku siinayaa raalli ahaansho.


9- KARA HORRAYSIINTEEDA

Qoraagu, waxa uu banka soo dhigayaa sababta ugu weyn ee innagu keenta salaad la’aantu in ay tahay qorshe xumo maxaa yeelay; guud ahaan dhibaatooyinka innagu habsadaa waxa ay ka dhashaan arrin aynu fahmi weynay habka ugu fudud ee aynu ku xallin karnayno, ilaa haatanna kala garan mayno arrimaha mudan in la geliyo awood iyo kuwa aan sii ridnayn ee aan u baahnayn wax uun dedaal ah.

 Sidaa aawadeed, waxa waajib ah in aad nidaamiso maalinkaaga iyo hawlahaaga iyo in aad halbeeg uga dhigto salaadaha, halkii ay arrimahaagu salaadda u noqon lahaayen halbeeg, kadibna aad khasaari lahayd. 


10-  DOQONIIMOOYIN AAN HORE U SOO SAMEEYAY


Qoraagu waxaa uu leeyahay dhammaanteen waxa aynu leenahay tagtoooyin wada turaanturrooyin ah oo inna kala irdheeyay innaga iyo salaadaha, isla wakhtiganna waxa suurtaggal ah in aynu u adeegsanno hagaajinta timaadadeenna maxaa yeelay; tagtadu waa talada iyo tilmaanta ugu hodansan ee aynu ku hagaajin karno nolosheenna. Sidaa darteed, Muslinka god laba jeer laguma wada qaniino, ee iska jir oo yaanu kaa faa’idaysan shaydaankaagu, ammin kasta oo ay salaaddu ku dhaaftana isweydii oo faalle sababta, hana ku laaban gefkaagii hore.

11.TAMAR MA LIHID

Cutubkan, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa xalalka ugu tunka weyn ee lagu dawayn karo xaaladaha iskugu jira: daalka, hurdada iyo wahsiga oo ay ka mid yihiin: 

 Waysada: waysada waxa ay leedahay muhiimad weyn, waxa ay kordhisaa qulqulka dhiigga oo isna kordhiya firfircoonida xubnaha waysada, sanka ayay ka ilaalisaa Bakteriyada iyo xanuunnada, qoraaguna waxa uu xusay dheefo kale. 

 Tegista Masjidka: dhaqdhaqaaqa iyo socodku waxa ay isbeddel ku sameeyaan falgallada ka dhaca jidhka, waxa ay dejiyaan xaaladda neerfaha, sidoo kalena waxa ay ka qaybqaataan dhimista iyo dhawrista miisaanka jidhka. 

 Rukuucda iyo Sujuudda: cilmibaadhsiyo badan ayaa xusaya dhaqdhaqaaqyadani in ay ka qaybqaataan yaraynta xannuunada ku dhaca dhabarka, macaanka iyo cayilidda, sidoo kalena waxa ay isku dubaridaan hawlaha ka dhexdhaca jidhka. 

 Wakhtiyada Salaadaha: cilmibaadhisyo ayaa sheegaya wakhtiyada salaaduhu in ay yihiin goobta uu insaanku ka helo tamarta uu ku shaqeeyo maalinka oo dhan, sidoo kalena waxa uu ka dhaxlaa deganaan ruuxi ah iyo nafis. 

 Caadooyinka yaryar: qoraagu waxa uu qabaa noloshu in ay tahay caadooyin yaryar oo isku tegay, kuwaas oo aynu u samayno si maalinle ah, waxaana suurtaggal ah in ay innagu hagaan badhaadhe ama ba’. 


12- KU FARA ADAY SALAADDA


Hadalkan qoraagu waxa uu innagu farayaa adkaysi iyo tababarasho maalinle ah waayo; midhaha salaadda laguma goosto maalin iyo habeen, balse caqabad kasta oo kaa hortimaadda ayaad ku goosanaysaa. Sidaa aawadeed, salaaddu waa siminaar la siinayo nafta, kaas oo ay qaadanayso nolosha oo dhan; si ay u hagaagto. 


13- SIDAA BAAN KU BARTAY ISAGA


Qof kasta oo u dhowaada Ilaahay waxa uu ku noolaadaa nolol bilaa buuq iyo rabshad ah. Waxa kugu filan in aad qaadato amarkiisa, isna wax walba ayuu kaaga filnaan maxaa yeelay; Alle isagaa ka weyn wax walba. Haa, dunidu waa wada jillaafooyin iyo jidgooyooyin, laakiin haddii aad ka mid tahay kuwa tukada ee salaadaha u ilaaliya sida uu Alle doonay, adiga iyo dhibaato waa aad kala dheer tihiin. Dunidu haddii ay kugu gardarrooto, uga ashtakoo Allaha abuuray ee iska leh.

 Dunidu hawsheeda ha wadato, innaguna aynu wehel ka dhiganno  Allaha naxariista iyo danbidhaafka badan, kaas oo innagu galladay nimcooyin ciiddaa iyo camaarkaa ka badan. 


GUNAANAD

Qoraagu buuggiisa waxa uu ku soo afmeeray qiimaha ay leedahay in aad habeenkii saqda dhexe qol madow hoosta ka soo xidhato, kadibna aad halkaa kula xanshaashaqdo Allaha naxariista badan ee xilli kasta heeganka kugu jiraha danaha iyo daryeelka addoomihiisa.







No comments:

Post a Comment

Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...