Marka uu ardaygu ka gudbo dugsiga sare una gudbo jaamacadda, wuxuu galayaa marxalad cusub oo noloshiisa ah. Dad badan waxay u arkaan jaamacadda meel lagu helo shahaado, balse xaqiiqadu waa in ay tahay meel lagu dhiso mustaqbalka, shakhsiyadda, iyo xirfadaha qofka.
Mid ka mid ah casharrada ugu muhiimsan ee ardaygu barto waa in guusha dhabta ahi aysan ku xirnayn buundooyinka oo keliya. Xiriirka qofka la leeyahay Alle, anshaxa wanaagsan, iyo hadaf cad ayaa ah saldhigga guusha waarta. Arday badan waxay sannadaha jaamacadda ku bixiyaan raadinta darajooyin sare, iyagoo hilmaama in aqoonta dhabta ahi ka weyn tahay imtixaannada.
Sidoo kale, jaamacaddu waa waqtiga ugu habboon ee qofku naftiisa maalgashan karo. Akhriska buugaagta, barashada luqadaha, iyo kobcinta xirfadaha cusub ayaa ka mid ah waxyaabaha qiimaha ugu badan leh ee ardaygu samayn karo. Shahaadadu waa muhiim, balse xirfadaha iyo khibraddu waa waxa qofka ka sooca dadka kale marka uu suuqa shaqada galo.
Doorashada takhasuska ayaa ah go’aan muhiim ah oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka qofka. Qaar badan waxay doortaan kulliyado ay ku riixaan qoyska ama bulshada, balse guusha ugu badan waxay timaaddaa marka qofku doorto waxa uu jecel yahay iyo waxa uu awood u leeyahay inuu ku fiicnaado.
Nolosha jaamacaddu waxay sidoo kale qofka bartaa qiimaha waqtiga. Ma jiro macallin maalin kasta ku xasuusinaya waajibaadkaaga. Xorriyadda badan ee la helo waxay la socotaa mas’uuliyad badan. Qofka barta qorshaynta waqtigiisa iyo dejinta mudnaanta ayaa inta badan ka guuleysta kuwa kale.
Dhanka kale, saaxiibbada aad doorato waxay door weyn ku leeyihiin safarkaaga jaamacadeed. Saaxiib wanaagsan wuxuu kugu dhiirrigelin karaa horumar iyo dadaal, halka saaxiib aan habboonayn uu kaa mashquulin karo hadafyadaada. Sidaas darteed, waa muhiim in la doorto dad leh himilooyin wanaagsan iyo akhlaaq wanaagsan.
Sannadaha jaamacaddu ma aha oo keliya waxbarasho. Waa fursad lagu barto hoggaaminta, wada shaqaynta, isgaarsiinta, iyo xalinta dhibaatooyinka. Ka qaybgalka tababarrada, ururrada ardayda, iyo shaqooyinka mutadawacnimada ah waxay qofka siinayaan waayo-aragnimo qiimo badan leh.
Ugu dambayn, ardaygu waa inuu fahmaa in shahaadadu aysan kaligeed dammaanad qaadin shaqo. Dunida maanta waxaa aad loo qiimeeyaa qofka leh aqoon, xirfad, khibrad, iyo karti uu ku xallin karo dhibaatooyinka. Sidaas darteed, sannadaha jaamacadda waa in loo arkaa fursad lagu dhisayo qofnimada oo dhan, halkii laga arki lahaa meel lagu qaato warqad shahaado ah.
Jaamacaddu waa safar gaaban oo saameyn weyn ku leh inta ka dhiman nolosha qofka. Qofkii si xikmad leh uga faa’iidaysta sannadahaas wuxuu dhisanayaa mustaqbal adag oo guul leh.
W/Q:Nadiira Abdirisak Jama
