Brainstorming iyo Prototyping
Dunida maanta, xalinta dhibaatooyinka waxay u baahan tahay hab fikir cusub oo nidaamsan. Laba ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee lagu horumariyo fikradaha waa brainstorming iyo prototyping. Labadan hab waxay ka caawiyaan dadka, gaar ahaan dhalinyarada, in ay fikrado ka dhaliyaan dhibaatooyin oo ay u beddelaan xalal dhab ah oo la tijaabiyay.
Brainstorming (Curinta fikradaha ama ururinta fikrado
waa marxaladda ugu horreysa ee fikir-abuurka. Waa hab ay koox ama qof keli ahi ku soo bandhigaan fikrado badan oo kala duwan si loo xalliyo dhibaato. Marxaladdan, lama qiimeeyo in fikradda ay sax tahay ama khaldan tahay, balse waxa muhiim ah waa in la helo fikrado badan oo kala duwan.
Tusaale ahaan, haddii ay jirto dhibaato ah wasakhowga xaafadda, koox dhalinyaro ah ayaa samayn kara brainstorming. Waxay soo jeedin karaan fikrado sida in la sameeyo olole nadaafadeed oo joogto ah, in la dhigo weelal qashin oo badan, in la abuuro kooxo wacyigelin sameeya, ama in la isticmaalo baraha bulshada si dadka loo baraarujiyo. Fikradahan kala duwan ayaa ka caawinaya kooxda in ay helaan xalal suurtagal ah oo badan ka hor inta aan mid la dooran.
Marka fikradaha la ururiyo, waxaa xigta marxaladda prototyping.
Prototyping (Samaynta tusaale hore ama tijaabo mashruuc
waa samaynta tusaale yar ama tijaabo ah oo fikradda ah si loo arko sida ay u shaqaynayso ka hor inta aan si buuxda loo fulin.
Tusaale ahaan, haddii kooxdu ay doorato fikradda ah in la sameeyo weelal qashin oo cusub, waxay marka hore samayn karaan hal weel oo tijaabo ah oo lagu dhigo hal goob oo xaafadda ah. Waxay markaas eegaan haddii dadka ay si fudud u isticmaalaan, haddii uu ku habboon yahay deegaanka, iyo haddii uu yareeyo qashinka. Sidoo kale, haddii fikradu tahay wacyigelin, waxay samayn karaan olole yar oo hal dugsi ah si loo arko sida ardaydu uga falceliyaan.
Marka la isku daro brainstorming iyo prototyping, waxaa la helaa hab dhameystiran oo xalinta dhibaatooyinka ah. Brainstorming wuxuu dhalinayaa fikradaha, halka prototyping uu xaqiijinayo in fikradahaas ay shaqaynayaan.
Tusaale ahaan, haddii dhalinyaro ay rabaan in ay xalliyaan dhibaatada buugaag la’aanta, waxay marka hore sameyn karaan brainstorming si ay u helaan xalal kala duwan sida maktabad yar, is-dhaafsiga buugaagta, ama app dijitaal ah. Kadib waxay dooran karaan mid ka mid ah fikradahaas oo ay tijaabiyaan iyagoo sameynaya prototype, sida maktabad yar oo hal fasal ku taal.
Gunaanad ahaan,
brainstorming iyo prototyping waxay muhiim u yihiin horumarinta hal-abuurka iyo xalinta dhibaatooyinka. Waxay dadka baraan in fikrad keliya aysan ku filnayn, balse loo baahan yahay in la abuuro, la tijaabiyo, lana hagaajiyo ilaa xal waxtar leh laga gaaro. Habkani wuxuu si gaar ah u caawiyaa dhalinyarada si ay u noqdaan kuwo hal-abuur leh oo mustaqbalka wax ka beddeli kara bulshada.
No comments:
Post a Comment