Sunday, March 5, 2023

 

Casharradii aan ka bartay buuga maskaxda  oo la maamula  ma aha maamulka waqtiga



1.In aad wax soo saartid maanta maaha maaraynta wakhtiga ee waa maaraynta maskaxda.

 2.Maareynta waqtigu waxay wanaajisaa kheyraadka waqtiga. Maareynta maskaxdu waxay wanaajisaa ilaha tamarta hal abuurka.


3 Dhammaan saacadaha ma wada sina : Haddii aad wax qorto saacad maalintii, sannad gudihii waxaad yeelan doontaa buug. Laakiin taa beddelkeeda si fudud uma qori kartid 365 saacadood oo toos ah, oo aad hesho natiijo isku mid ah


4.Xeerka Saacadda Kowaad si fudud waa kan: Bixi saacadda ugu horreysa ee maalintaada si aad uga shaqeyso mashruucaaga ugu muhiimsan.


5.Haddiiaad bilowdo maalintaada in aad ka shaqeyso waxa ugu muhiimsan, waxaa yaraanaysa fursadda ay waxyaallaha kale kuhoristaagikaraan.


6. Mararka qaarkood maskaxdaada ayaa ku habboon in ay si hal abuur leh u fikirto. Mararka qaarkood maskaxdaada ayaa ku habboon in si gorfayn ah looga fikiro.


7. Barta waqtigu waa in aan la buuxin inta ugu badan ee suurtogalka ah halbeeg waqti la siiyay. Ujeedka waqtigu waa in waqtiga loo isticmaalo hage si loogu noolaado nolol buuxda.


8. Kordhinta celceliska hal saac ee hurdo maalmeedka waxay kor u qaadaysaa wax soo saarka wax ka badan hal sano oo waxbarasho ah.


9. Marka aad si aan kala sooc lahayn ugu beddelato hawl kale, tamartaadu way soo daadataa


10. Daraasad Harvard ah ayaa lagu ogaaday in shaqaalahaaqoonta badan ay yihiin, inta ay yar yihiin hal-abuurka; Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in markii shaqaaluhu noqdeen kuwo mashquul ah, ay yaraadeen waxqabadyada fikirka hal-abuurka sida; maskax-dhisidda. Waxay soo sheegeen fikrado yar iyo shaqadooda sidoo kale waxaa lagu qiimeeyay inay yihiin kuwo ka yar hal-abuurka asxaabtooda.


 11 Heerka qaylada wuxuu  kaloo saameyn karaa awoodaada inaad si hal abuur leh u fikirto...daraasadyadu waxay soo jeedinayaan in heerka dhawaaqa asalka ah ee ku saabsan todobaatan decibels


12. Arrimuhu ma adka in la sameeyo; waxa adag waa in aan nafteena gelino xaaladda maskaxda si ay u sameeyaan.


Thanks for reading 



 

SO KOOBIDA BUUGA the 10 keys to success

 



 






Horudhac buugga the 10 keys to success

buugga the 10 keys to success waxaa qoray John Bird aas-aasaha the big issue. Waxaa buuggaan magaciisa la yiraahdaa 10 ka fure ee guusha. The 10 keys to success waa buug aad u kooban oo qiyaastii ah 86 bog. Buuggaan waxa uu koobanyahay 10 cutub, cutub walba waxa uu qoraagu ku sharaxay mid ka mid ah furayaasha uu arkay in ay kuwa guush


Cutubka 1aad: Noqo sida ama waxa ugu wanaagsan ee aad noqon karto

Furaha 1aad eeBuugga The 10 keys to success waa in aad noqoto waxa ugu wanaagsan ee aad boqon karto . Marka aad rabto in aad noqoto qof guuleysta waa in aad noqotaa waxa mise sida ugu wanaagsan ee aad noqoon karto. Waxaad xasuusataa in aadan noqon karin waxwalba ee aad rabto in aada noqoto laakiin xaqiiqada ayaa ah in aad wax uun noqon karto. Marwalba isku day in aad si daacadnimo ah oo taxadar leh aad u eegto awoodahaaga  ama xooganaantaadaiyosidoo kale daciifnimadaada.

Waxaa taas dheer waa in aad go’aansataa habka ugu wanaagsan ee aad u isticmaali karto xooganaantaada iyo awoodahaaga iyo sida aad usiii xoojin karto. Ka fikir oo go’aanso daciifnimada aad u badali karto xooganaan. Macnaha meeesha aad hada daciif ka katahay oo aad ka dhigi karto mid ka mid ah aawoodahaaga. Iyo sidoo kale go’aanso daciifnimada aadan wax ba ka badaliikarin. Sababtoo ah qof walba iin waa uu leeyahay laakiin iin walba lama sixi karo oo lama hagaajin karo. Marka kala garo iinta aad hormarin karto iyo midda dabiiciga ah eedan waxba ka badali karin si siixi deede  aadan waqti iskaga lumin.


Sidoo kale kashaqee oo diiradsar waxa aad heysatao halkiii aad ka rajeyn laheyd waxa adan heysan  mise wax qof kale uu heyto.  Waalaga yaabaa in dad badani ay waqti   ku lumiyaan fiiritaanka iyo rajeynta waxyaabaha dadka kale heytaan laakiin tan aad guusha ku gaari karto ayaa ah in marwalba aad isticmaasho waxa aad heysto oo aad ayaga hormariso halkii aad dayici laheed. Sidoo kale waxaad xasuusataa in dhamaanteen wax uun sameyn karno laakiin marka 1aad waxa loobaahanyahay ayaa ah in aad hesho waxa aad sameyn laheed. Markasta oo aad dareneto waxaan ad heyso in ay wax saxan yihiin waa marwalboo ay tahay in aad ka shaqeyso waxaas wiliba sida ugu fiican.


Cutubka 2aad: maalin kasta u dagaalan yididiiladaada 

Furaha labaad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aad u dagaalantaa yididiiladaada. Marwalba oo aad rabto in aad guull gaarto waa in aad si feecan ukala saari kartaa waxa aad rabto iyo waxa aadan rabin, waxa muhiimka kuu ah iyo waxa aan kuu aheyn, waxa aad qiimeyso iyo waxa aadan qiimeyn. Kadib, waa in aad isku daydaa in aad iska indho tirto fikradaha khaldan. Macnaha kuwu taban oo aan wanaagsaneyn oo kasoo horjeeda waxa adiga muhiimka kuu ah. Waa in aad joojisaa in aa dadka kale kka raadiso aqbalaad xitaa ay haddii ay kuu dhawyihiin. Maadama aad taqaan qiimaha iyo ahmiyadda waxa aad rabto muhiim maahan in aad dhageysato fikradaha dadka. 


Isku day in aad ku noolaato aduun dhab ah oo aad ka dhigto waxa ad rabto waxx shaqeynaya. Wa alaga yaaabaa in dadka qaar ay ku khaldaan waxa la dhaho riyo maalmeed iyo yididiilo. Ha isku khaldin waa kala labo. Ahmiyadda  saar yididiiladaada. Ha is ka dhiibin oo ka cajisin in aad yididiiladaad gaarto. Maalinn kasto u dagaalan yididiiladaada.


Cutubka 3aad: waqtiga saxda ah ha sugin 

Furaha 3aad ee buugga The 10 keys to success waa in aan la sugin waqtiga saxda  ah. da d badan maanta ficil ma ay sameeyaa waayoo waxa ay sugayaan waqtiga saxda ah oo ay blaabi lahaeyeenn ficilkaas laakiin xaqiiqda ayaa ah in waqtiga saxda ah uu yahay maalinta aad adigu go’aan gaarto. Waqti sax ah ma jiro oo wax la bilaabo laakiin waxa kaliya ee aad u baahantahay ayaa ah in aad hadda bilaawdo. Yacni haa waad ku fikiri kartaa diyaargarowga sida uu muhiim uyahay oo marka aad rabto in aad wax blaawdo waa in aad u diyaargarowdaa ma fiicna in aad iskaga boodo adoon u diyaar aheyn laakiin waa in aad hadda bilaawdo diyaaargarowga. 


Ha sugin in ay wax walba si dhameystiran ay kuugu socdaan, dabcan waad la kulmee caqabad iyo carqalad. Laakiin waa in aad hormar sameysaa oo caqabad walba aa dcashar ka qaadataa. Mararka qaar  waa caadi in aad cabsi dareentaa laakiin waxa muhiimka ah ayaa eh in cabsi daarteed aadan u joojin howsha aad wado. Waa caadi waana wax wanaagsan in mararka qaar aad waxa ka badasho qaabkii aad horay wax ugu waday laakiin marwalboo oo aad dareento in isbadal la rabo waa in aad sameyso isla xiliga aad dareento.


Cutubka 4aad: Hubi in waxaaad jeceshahay ee yihiin wax shaqeyn kara oo dhab noqon kara


furaha 4aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aad hubisaa in waxa aad rabto in aad sameyso ay yihiin wax shaqeyn kara. Qof walba waxbuu jecelyahay oo fikr ayuu ku hamiyaa in uu hirgaliyo. Laakiin waxaad ogaataa himilo weyn iyo hadaf weyn muhiim maahan laakiiin muhiimadu waa  ma shaqeyn karaan hadafyadan aad leedahay. Haddii hadafkaaga aan la xaqiijin karin micnaha waxa aad wadaa waa wax kama jiraan. Waa in yoolkaagu uu noqdaa mid laga shaqeysiin akro oo la xaqiijin karo. Hadaad moodo in yoolkaagu uu muhiim yahay macnaha maahan in qof walba ay sidaas u arkeyso. Waxaad na ogaataa marwalba oo fikir kaagu uu yahay mid adag oo aan horay loo arki jirin waa marwalba aoo ay bataan dadka kaa hor imaanaya mise waa mmarwalba oo  ay adkaataa in aad iibiso fikirkaas. 


Laakiin ogaaw haddii aad adigu aamiinsantahay fikirkaaga oo wax badna oo fikirkaaga ku aadan aad heyso mise taqaan waa marwalboo ay kuu sahlanaato in aad si fududu  sharaxdo oo aad dadka ka iibiso. Hadaad isku kalsoontahay dadkuna waa ay ku aaminayaan. Kaliya iskutaxaluji sida aad naftaada u aamini karto oo aad iskugu kalsoonaan karto kadibni hubi in yoolkaagu uu yahay mid dhab noqon kara oo aduunka maanta ah ka suurtagala in uu ka hirgalo, intaas kadib iksu day in aad fikirkaaga dadka ka gaddo.


Cutubka 5aad: tillaabooyin yar yar ku bilaaw

Furaha 5aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aadan quursan tilaabooyinka yar yar. Qofkasta  in uu gaarid sameeyo waa uu rabaa laakiin waxaa lagu kala duwanyahay xiliga la bilaabo gaaridda iyo sida loo joogteeyo. Waa laga yaabaa in aad yool weyn aad leedahay laakiin waxaad isku daydaa in yoolkaada aad ku bilaawdo tillaabooyin yar yar kuwaasoo kuu jiheynaya dhanka yoolkaaga. Isku dar ka tillaabooyinka yar yar waxa ay dhalin kara natiijo loo wada riyaaqo. Ku bilaaw waxyaabaha sida fudud loo qaban karo ooloogu guuleysan karo. Waligaa ha iilaabin in aad aasaaska 1aad diirad saarto. Haddii aad aasaas sameyso waad sii dhisii kartaa yool walba. Kaalminaasha iyo in ad wax dhameystiran heshaa meel iska dhig, kaliya isku day sida aad hormarro yar yar ah aad u sameyn karto.


Birito haka fikirin laakiin maanta si fiican ugu shaqeeya waxa aad heysato. Sidoo kale xasuusnaan, xitaa ganacsiyaha waaweyn waxa ay kasoo bilaawdeen wax yar iyo meel hoose. Marka haka xishoon in aad meel hoose wax ka bilaawdo. Nacasnimo maahan in marka 1aad aad sameyso waxyaabaha fudud. In waxyaabaha fudud aad bilaawdo waxaad kuheleysaa kalsoono iyo caqli kadibna waad awoodi kartaa in aad u gudubto waxyaabaha ad adag.


Cutubka 6aad: safar dheer u diyaar garoow

Furaha 6aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aad u diyaar garowdid safar dheer. Cutubkaan waxa uuna faarayaa in furayaasha guusha mid ka mid ah ay tahay in loo diyaargaoobo meesha fog ee aan hiiigsa rabno. Hiigsagaada ma gaai kartid sahan ku filan la’aantiis. Waa in aad sahan kugu filan aad diyaarsataa si’aad hiigisgaada u dhabeyso. In fikir kaaga iyo naftaada aad aaminto waa qeyb ka mid ah u diyaar garowga. Inta aad diyaar garowga ku jirto waxaa lagama maarmaan ah in aad dhib la kulmeyso, laakiin dhibka iyo caqabadaha haka cararin.


Marka howsha aad ku  jirto ay shaqeyn weyso, aqbal guul darrada, in aad waxbadashana isku day si hal waddo oo guul aysan ka soo socon aadan ugu qalalin. Laakiin hadakaaga msie hiigsagaaga marna ha iska dhiibin. Majiraan wax si dabiici ah loo gaaaro. Wax kasa oo la gaaray waaa loo diyaar goobay, oo dhabar adeyg ayaa loo muujiyay. U dhabar adeyg si aad u gaarto yoolkaada, xasuusnaawna waxkasta oo aad sameyneyso waxbey ku soo kordhinayaan guushaada.


Cutubka 7aad: guuldarrada qaado

Furaha 7aad ee Buugga The 10 keys to success waa in aanan ka cararin guuldarrada. Waanoo caado ibni aadan ahaan in aan ka cararno guuldarrada. Laakiin isku day in aad aqbasho gafaf kaa dhacaya iyo khaladaadka aad sameyneyso. Aqbal oo garwaaqso in gafka casharvla gabarto, guul darraduna ay tahay macalin ka ugu wanaagsan. In aad guuldarrada ka cabsato wax ay la micna tahay in si buucda aadan noloshaada ugu  noolaan. Haka cabsan guuldarrada oo awood in aad noloshaada ugu noolaato si dhameystiran.


Marwalboo aad guul darreyste noqto waa  marwalboo aad si fudud aad ubarato casharada nolosha. Ka takhalus cabsida aad guuldarra ka qabto oo diirad saar in hadafyada aad rabto in aad gaarto halkii aad cabsidaada buunbuunin laheed. Haddii aad wax isku daydo oo waxaasi ay shaqeyn waayaan xasuusnaaw in aad guuleysatay. Waxaad baratay in waddo khaldan aad qaaday taasina waa cashar wanaagsan. 


Cutubka 8aad: naftaada banaankeeda eeg 

Furaha 8aad ee Buugga The 10 keys to success waa in aan eegno heerka dadka kale mise nolosha dadka kale. Haa waa laga yaabaa in aad ku fiikireyso in ay tahay in marwalb aad naftaada uun eegto, macnaha in naftaada aad la tartanto oo dadka kale aadan la tartamin. Haa waa sax. Wax fiican maahan in aad la tartanto dadka kale oo naftaada aad barbar dhig u sameyso. Laakiin waxa cuutubkaan uunafarayo ayaa ah in aan eegno hareerahaeen iyo waxa dadka kale ay sameynayaan. Waa wax fiican in naftaada aad  la baarbardhigto kuwa kale si aad wax ugu barato.  Waa inaad ogaato wax ay ku wanagsanyihiin iyo waxa aadan ku wanaaganeyn si aaad isku hormariso.


Caado ka dhigo in aad ayaga weydiiso su’aalo. Caado ka dhigo in aad wax baarto oo aad indho indheyso. Daka uu ogolaaw in ay hadlaan oo adna dhagayso si aad wax ugu barato. Ha moodin in aad wax kasta taqaano oo ha joojin in aad dadka noloshooda aad wax ka barato. 


Cutubka 9aad: ogsoonow in guushu ay isbadbadasho

Furaha 9aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aan ogaano in aan ku guuleysan karno waxyaabo badan. Cutbkaan waxa noo sheegaya in guusha aysan aheyn wax cayiman. Waxaa laga yaabaa in markii aad yool gaarto kadib aad cajis dareento sababtoo waxa dhan ee aad rabtay yoolkaas ayuu ahaa hadana waad gaartay. Laakiin waxaad ogaataa in guushu aysan aheyn wax nagan oo hal  meel ku saabsan. Marwlaba horay waa u socon kartaa oo waad yeelan kartaa yool kale si aad u dareento micno iyo dhiiranaan oo aadan aduunka ugu arag wax gaaban.  Markasta oo aad meel ku guuleysato waxaajirto meelkale oo aad ku guuleysan karto. Macnaha guul walboo aad gaartoo waxa ay kuu fureysaa albaab kuu sahlaya in aad hadaf yeelato oo aad bursato hadafkaas.


Guushu marwalba waxa ay siyaadineysaa kalsoonidaada oo markaad guul gaaaarto waxaad dareemee in aad marar badan aad guuleysan karo oo aad waxyaabo badan aad qaban karto. Guusha waxa ay kuu fududeynee inaad tijaabiso waxyaabao badan oo kala gadisan.


Cutubka 10aad: qofna albaab ka muu uu kuu furayo adiga mooyee

Furaha 10aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aan xaqiiqsano in qofna aysan albaab noo fureyn in anagu aan nafteena u furno maahe. Aduunka haddaad rabto in aad guul gaarto waxaad ogaataa in qof aan adiga aheyn aysan kaa caawin karin in aad tilaabo qaado. Waa adiga qof ka ay tahay in uu fikiro. Isku day in aad fikir la imaato si aad u noqoto qof guuleysta. Ka fikir meeloo kale duwan iyo yooolal kala duwan oo la ga gaari karo nolosha. Fikirkaaga iskuday inn aad ficil ku daarto waayoo aduunka ficil la’aan waxba ma shaqeynayaan. Haddii fikirlaaga aadan ficil u badalin ogsoonoow yoolshaada ma xaqiijin kartid. Wax walba waxa ay noqonayaan riyo maalmeed. Waa adiga uun qofka ay tahay in uu ficil qaado. Qofna adiga ficil kuuma sameyneyso aad ku gaarto hadafkaaga. 


Ficil kadib ka shaqee yool kaaga. Waqtiga ugubadan gali. Maskaxda ugu badan gali. Fikradodan soo aruurso. Hadba wixii khalda badal. La jaanqaad isbadallada aan la xakameyn karinn oo nolosha ku gadaaman. Waa adiga uun qof ka aytahay in uu ka shaqeyyo yoolkaaga. Dadka caawimaad waad ka heli kartaa laakiin qofna sida aad rabto waxba kuuguma qabaneyso. Adiga uun ka shaqeey.  Fikir kadib, ficil ku xiji, ficil kadin shaqo adag ku dar, shaqo adag kadib waad guuleysatay. 


Buugga The 10 keys to success waxa uu na siiyay 10 fure oo naga caawinaya in aan ku guuleysanno waxa aan rabo. Buugga The 10 keys to success waa mid ka mid ah buugaagta uga qurxda badan ee aan akhriyay.














So koobida buuga   Dab iyo dhagax


Hordhac

Dab iyo Dhagax: Aafada Gaaleysiinta Muslimiinta

Buugga dab iyo Dhagax: Aafada Gaaleysiinta Muslimiinta waxaa qoray Muxxamad Yuusuf. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 137 bog. Sida guud buugaan waxa uu ka hadlaya dhibaatada ay leedahay in qof muslim la gaaleysiiyo mise in la sahashado gaaaleysiinta muslimiinta. Bulshadeena aad ayeey ugu badantahay in shaqsiyaadka qaar ay ridaan xukun gaaleysiin ah.

Buugggaan waxaa ku dhex jira 5 cutub oo kale ah; Duminta Darbiga,Hoobad,Kalmadda; Laa ilahaillallaah,Tusbax Furtayiyo Oodo Dhacameed. Waxaan isku dayi doonnaa in cutubkasta aan kala soo baxno Ujeedka iyo doodda adag ee uu xambaarsanyahay. 


1.Duminta Darbiga

Qeebtaan uu qoraagu ku magax daray Duminta Darbiga waxa ay ka hadleysa si guud sida diinta islaamka ay kusoo bilaabatay, xiligii Nabi Muxammad SCW lagu soo dajiyay nabinimada, sidii asxaabtu ay u soo dhaweysay, sidii mushrikiintu ay u dhibaateeyeen Nabiga SCW iyo saxaabada, hijrooyinkiii nabigu sameeyay, duullaannadii iyo hishiisyadii nabigu sameeyay, geeridii Nabiga SCW, iyo sidii saxaabadda khulaafada ay talda ugu kala horeeyeen. 


Inta taariikhdaan uu qoraagu ku dhex jiray waxa uu iftiiminayay dadkii nabiga scw u dhawaa iyo sida saaxabada qaar ay maal iyo xoogba ugu horeen fidinta diinta. Tusaale ahaan, sida Cali uu uga qeyb qaatay markii nabiga iyo Abuu Bakar ay madiino u hijroonayeen, sida Abuu Bakar uu aga qeyb qaatay faafinta dacwada asagoo ku lugyeeshay  islaamidda Subayr ibnul Cawaam, Cusmaan ibnu Cafaan, Dalxa ibnu Cubaydillaah, Sacad ibnu Abii Waqaas, iyo Cabdiraxmaan ibnu Cawf.



Waxaa taas sii dheer, kaalintii balaarneed ee Cusmaan qaatay.  Markii Muhaajiriintiii ay Madiino tageen waxaa ku adkaatay in ay cabaan biyaha magaalada mana aysan awoodin in ay gataan biyaha ka imaada ceelka macaan. Cusmaan ayaa ceelkii iibiyay uguna dhigay waqaf.  Sidoo kale, duulaan kii Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaariyo masjidka.


Waxaa taas sii dheer, in markii uu dhacayay duulaankii ugu danbeeya uu nabiga ka qeyb galay oo lagu aaday Tabuuk ay adkaatay in la aruuriyo dhaqaalo lagu taageero ciidanka, laakiin Cusmaan ayaa keenay 1000 diinaar oo ciidanka lagu diyaariyo. 


Cusmaan waa saaxibga qabay Ruqiya Bintu rasuul. Waa xaaskii uu jirradeeda darteed ugu haray ka qeyb qaadashada dagaalka badar laakiiin rasuulka ayaa ku yiri Cusmaan waxaad leedahay ajarka iyo qaniimada qof ka qeyb qaatay Badar. Ruqiyo markii ay dhimatay Cusmaan waxaa loo guuriyay Ummu Kalthuum oo ah gabadha Nabiga. Waana sababta loogu baxshay Cusmaan “Dan Nuureyn.”


Caa’isha RC waxa ay tidhi: maalin ayaa Nebiga SCW oo guriga jooga dhinacna u jiifa (dengiiga), oo bawdadiisa ama dhudhunkiisa maradii ka faydantay, waxaa u yimid Abuu Bakar RC isaga oo sidiisi ah waana ay sheekaysteen, dabadeedna waxaa u yimid Cumar RC isaga oo sidiisi ah waana ay sheekaysteen. Ka dib waxaa u yimid Cusmaan RC, markaas ayaa uu Nebigu SCW fadhiistay maradiina hagaajistay. Markii laga wada tagay, ayaa ay Caa’isha weydiisay sababta uusan Abuu Bakar iyo Cumar dan uga galin e, uu Cusmaan isaga ururiyay. Nebigu SCW waxa uu ugu jawaabay: “Miyaanan ka xishoonayn nin malaa’igtu ka xishooto?!”


Cusmaan waxa uu ahaa saaxibaga inta uu nabigu noolaa dacwada islaamka qeyb lixaad leh ka qaatay. Ka dib marka uu nabigu Dhintayna, Waxaa taladii Muslimiinta qaaday Abuu Bakar RC. Isna waqti badan ma joogin waxaana ku xigsaday Cumar RC. Sannadkii 24H waa tii Cumar RC oo salaaddii ku jira la dhaawacay ee maalmo ka dibna uu geeriyooday.


Kadib, Cusmaan ayaa loo dhiibay taladii. Waxa uu Cusmaan khaliif  ahaa 24H ilaa 35H markaas oo gurigiisa lagu dhex dilay. Cusmaan waxaa dilay rag aaminay oo iska dhaadhiciyay in uu san diinta si sax u heysan.


Waa ay gaaleysiiyeen Cusmaan, Ayagoo ku doodaya in Cusmaan ibnu Cafaan ku jiray raggii cararay maalintii Uxud, in uu ka maqnaa Beder oo uusan ka qaybgalin, iyo  in uu ka haray Baycatur Ridwaan oo uusan goobjoog ka ahayn. 


Waxa ay iska indho tireen in Alle ka cafiyay cararkii maalintii Uxud(eeg Aala Cimraan: 155), in ka maqnaashaha Beder ay sababtay jirradii gabadhii Rasuulka Alle SCW ee uu qabay  oo uu Nebiga SCW ayaa ku yidhi waxa aad leedahay ajarka nin Beder ka qaybgalay iyo qaniimadiisi, iyo  In Baycatur Ridwaan ay dhacday intii uu Makah ku maqnaa, Nebiga SCW ayaana gacantiisiimidig| 3yidhi waa gacantii Cusmaan oo ku dhuftay gacantiisii bidix isaga oo dhahaya: waa baycadii Cusmaan.


Qeybtaan uu qoraagu ku magac daray Dab iyo dhagax waa qeybta muujiinaysa halka ay kasoo bilaabatay gaaleysiinta qof Muslim ah. Dadkaas wax gaaleysiinaya waa dad aan heysan cilmi ku filan haddii aysan lahaayeen sidaas uma sahashaded xukun ka gaaleysiinta Cusmaan ayeey gaaleysiiyeen. Waa saxaabiga ka mid ah 10kii jannada loogu bishaareeyay,  waa saxaabiga uu nabigu yirii malaa’igtaa ka xishooto. 


Dadkii gaaleysiinayay waa dad ayagu waxa isku beegbeegtay, aan  raadin xaqiiqo iskuna  maleeyay in ayagu ay waddo sax ah hayaan. Cusmaan RC inta ay gaaleysiinayeen hal mar ma uusan galeysiin mana uusan ula dhaqmin qaabkii ay u dhaqmayeen. 


Waa ay dileen, hantidiisana waa ay bilaqeysteen iyagoo leh gaal dhiigiisa uu xalaal noo yahay miyaa hantidiisu ay xaaraan naga noqee. SUBXAANALLAH.


UGU DANBEYN , Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalana kuuma geyso.”—Gaaleysiinta Muslimiintu dadkana waa ay kaa dhex saartaa, adduun iyo aakhirana waxba lagama dheefo aan dab iyo dhibaato ka ahayn. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka ashahaadanaya. 

2.Hoobad


Qeybtaan waxa ay ku saabsantahay dhibaatadii bilaabatay markii Cusmaan la dilay sida ay u siii socotay iyo sida muslimiinta kala firirkooda oo usii joogtoobay. 


Cusmaan dilkiisa ka dib Cali ayaa khaliif noqday. Muslimiintu waxa ay u kala jabeen qaar dhaha Cusmaan ayaan u aareyn iyo qaar diida. Shaam oo Mucaawiye RC ka talinayay ilaa xilligii Cumar RC, aad baa looga gubtay wixii dhacay, dadkiina dagaal baa lagu guubaabiyay. Oo waa ay diideen in ay ka amar qaataan Cali oo haa khaliifka.

Cali waxa uu goostay in uu Shaam iyo Mucawiyo ku duulo maadama ay ka amar diideen. Koox kale oo Caaisha ay hogaamineyso ayaa aaday Basra si ay ciidan u aruursadeen kuwa 


Cusmaan dilay oo halkas joogana u laayaan.Cali RC waxa uu go’aansaday in uu Basrah u dhankeeda u leexo  inta uusan Mucaawiya iyo Shaam aadin. Dagaal ba’an ayaa dhacay. Dhan waxaa hoggaaminaya Cali RC, dhanna hooyadii Mu’miniinta Caa’isha bint Abii Bakar RC oo ay weheliyaan Subayr RC iyo Dalxah RC. 

Ugu dambayn Cali ayaa gacansarreeyay, Caishana gurigeeda ayaa loo soo celiyay. Cali RC iyo Caa’isha RC labaduba aad ayaa ay uga xumaadeen musiibada dhacday.

Fidnada bilowgeedu dadka waa uu indhatiraa waana dhegatiraa. Hadhow baa la wada dhahaa: maxaa nagu watay! Dalkeenna dagaalkii sokeeye ee ka dhacay, wixii dil, kufsi, dhac, burbur,… ka dhashay, cidna xisaabta kuma darsan markii Siyaad Barre beddela qorshuhu ahaa. Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yaman,… 


Cali RC markii uu Ciraaq arrinteedii meel saaray, waxa uu sii watay qorshihii hore iyo in uu Mucaawiyah RC arrintiisa meel saaro. Dagaal ayaa la isugu soo baxay waxaana muddo la isku horfadhiyay Sifiin. waa la dagaallamay ilaa warammadii af beeleen, fallaadhihii dhammaadeen, seefihiina jajabeen.


Sifiin dadkii labada dhinac iskaga dileen waxaa lagu qiyaasay toddobaatan kun (70, 000)—45 kun oo reer Shaam ah iyo 25 kun oo reer Ciraaq ah. 77 maalmood baa la isjafayay! 


Camr ibnul Caas RC ayaa ku la taliyay Mucaawiyah RC in Cali uu u diro musxaf uguna yeedho

kitaabka Alle. Cali waa uu oggolaaday in Kitaabka Alle loo xukuntamo.Waxaa lagu hishiiyay in Cali RC uu wakiisho qof ka masuul ah, Mucaawiyana sidoo kale. Labadaas qof ayaa ka fadhiisanaya go’aanna ka sameynayo wixii maslaxada Muslimiintu ku jirto. 


Mucaawiyah RC waxa uu wakiil ka dhigtay Camr ibnul Caas RC, Calina RC waxa uu wakiil ka dhigtay Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC. Laakiin Cali waxaa ka diiday khawaarijtii Cusmaan dilay ee la socday, waxa ay dhaheen cid aan Abuu Muusaa al-Ashcari RC ahayn ma rabno.


Markii la damcay in qoro warqadda labada wakiil, waxaa dood ka dhalatay Cali waa amiirkii Mu’miniinta iyo haddii uu yahay miyaan la dagaallami lahayn! Cali ayaa yirii tirtira amiirul mu’miniin oo ku qora Cali ibnu Abii Daalib, isaga oo soo xusuustay heshiiskii Xudaybiyah. 


Hishiiskaan Cali ayaa qoray oo Qureysh ayaa dhaheen Nabiga uma aqoonsanin nabi. Markaas ayuu Nabigu SCW uu yiri ku badal Muxammad ibnu Cabdullahi. Cali ayaa diiday oo yiri tirtiri maa laakiin Rasuulka ayaa yiri iii idhiib aniga ayaa tirtirayee.


Muhiimaddu waxa ay aheed in labada qaadi wax ku xukumi doonaan Kitaabka Alle, wixii ay xukunkiisa ka waayaanna ay sunnada Nebiga SCW ka eegi doonaan. 

Ciidankii Cali rag ka mid ahaa ayaa ka  horyimid arinkii iyaga oo leh sidee ayaa xukunka diinta Alle aad rag gacanta ugu galinaysaa?  Waxa ay dhaheen Cid aan Alle ahayn wax ma kala xukumi karto.


Sidoo kale waxa ay Cali ku heysteen sababta uu uga taanaasulay daarajada amiirnimada, laakiin Cali waxa uu yiri: Rasuulka Alle waxaa idiin ku sugan ku dayasho wanaagsan—ciddii Alle iyo maalinta aakhiro rejaynaysa. Waayoo Rasuulka ayaa tan horay u sameeyay Xudeybiyah.


Cali waa ay gaaleysiiyeen oo asagoo khudbeynaya ayeey ku lahaayeen shirki ayaad waddaa oo Alle iyo rag baad diintii wadaajisay, xukunkana Alle keli ah ayaa iska leh. 


Habeenkii dagaalka Khaybayrka horreeyay ayaa waxa ju Nebigu SCW yiri: “Berri calanka waxa aan siinayaa nin jecel Alle iyo Rasuulkiisa, Alle iyo Rasuulkiisuna ay jecel yihiin, isaga ayaana furaya Khaybar.” Cumar RC waxa uu yidhi: “Maalintaa oo keli ah ayaa aan jeclaystay madaxtinnimo.” 


Kadib subaxdii ayaa uu Nebigu SCW calankii qaaday oo Cali RC ayuu u dhiibay, sidii ayaana Cali ku keenay guul oo qalcadihii Khaybar ee adkaa uu ku qabsaday. Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaariyo masjidka.


Caliga kawaarijtu ay gaaleysiinayaan waa Saaxaabigaas. Waa saxaabigu nabigu ku yiri:  miyaadan raalli ka ahayn in aad ii joogtid halkii Haaruun u joogay Muuse—aan ka ahayn in aan nebi kale iga dambaynayn? 


Cali marna ma gaaleysiin, shirki kuma eedayn, waxa uuna yidhi: masaajidda Alle idin ka hor istaagi mayno, dagaalna idin ku bilaabi mayno ilaa aad nagu bilowdaan.


Labo sano ka dib, sannadkii 40-aad bishii Ramadaan, habeen Jimce ah, ayaa ay ku sugeen masjidka dhexdiisa. Dadkii isaga oo salaaddii subax u toosinaya, ayaa ay weerareen. 


Cabduraxmaan ibnu Muljim ayaa isagoo dhaahya hadalkii khawaarijta ee Alle mooyee cid kale xukunka ma laha, adiga Cali ah iyo saaxiibbadaana ma laha, waxa uu seeftii ku dhuftay Cali RC. 3 ayeey aheeyeen. Mid baa fakaday, midna waa dhintay, Cabduraxmaan ibnu Muljimna waa la qabtay. 


Cali oo dhaawac ah ayaa yir hadaan dhinto dila, hadii aan noolaadana anaa aqaan waxaan ku sameyn. Markiii Cali dhintay waxaa lagu aasay daartii imaarada cabsi laga qabo in khawaarijtu ay la baxaan meydkiisa owgeed.


Cali waxa uu islaha ku didaal muslimiinta midnimadooda laakiin darbigii dumay dib uma dhismin.


3.KALMAD: LAA ILAAHA ILLALLAAH

Usaamah ibnu Sayd ibnu Xaarithah kama uusan qeyb galin dagaalkii uu Cali ku jiray asigoo dhahaya  Caliyoow waan jeclaan lahaa in xitaa aan af libaax kaa daba galo si aan u wada dhimano lakiin arintaan socota kama qeyb qaadanayo. 


Sababta Usaama uusan dagaalkaas ugu qeyb qaadan ayaa ah in Usaama uu dilay nin mushrik ahaa oo dhibaato badan ugeystay muslimiinta. Ninkaan markii la qabtay ayuu ashahaatay lakaiin Usaama muusan deyn ee waa uu dilay. Arinkii ayaa Nabiga SCW gaaray. 


Markaas ayuu nabigu yiri ma asagoo ashahaadanaya ayaa dishay?   Markaas ayaa Usaame dhahay rasuul Allow waaa uu ku gabanayay? Dhowr jeer ayaa nabigu ku celceliyay su’aashaas oo Usaame uu isku difaacayay jawaabtaas. Markaas  ayaa rasuulku yiri maxaad qalbigiisa u jeexi weysay si aad u ogaato in ay run ka tahay iyo inkale? Sideed ka yeeli kalamadda laa ilaaha illaalaah?


Waa maalintaas marka Usaama uu ballanqaadka la galay Nebiga SCW. balanqaad kaasoo ah  in uusan la dagaallamin cid dambe oo dhahaysa laa ilaaha illallaah. Waana sababta uu u diiday in uu Cali RC la safto, isaga oo ka fogaanaya in uu galo dagaal u dhexeeya Muslimiin, sababta uu doono ha lahaado e.


Waxaad halkaan ka fahmee in qof ashahaadanaya aadan xukmin karin oo aadan dhihi karin waa uu kuu qaraabanayaa. Waayoo adigu ma ogid waxa qabigiisa ku jira. 


Qisa kale oo waxaa jirtay mar in muslimiintu ay dagaal galeen kadibna ay qabteen nin. Ninku muslim ayuu ahaa laakiin qaraabadiisa ayuu iska qarinayay. Markii uu arkay ciidnaka muslimiinta ayuu ashahaatay. laakiin waxaa dilay al-Miqdaad ibnul Aswad. 


Kadib ayaa arinkii nabigu gaaray. Markaas ayaa nabigu SCW yiri Miqdaadoow ma waxa aad dishay nin dhahaya laa ilaaha illallaah? Sideed berri ka yeeli laa ilaaha illallaah?!  


mar kale ayaa Miqdaad uu Nebiga SCW weydiiyay: —Rasuulkii Allow, haddii aan la kulmo gaal oo aan dagaallanno, oo inta uu gacanta seef igaga dhufto uu jaro, dabadeedna inta uu geed ku gabbaddo uu yidhaahdo waa aan islaamay, ma dilayaa ka dib marka uu intaa yidhi? Nebigu SCW waxa uu yidhi: 


—Ha dilin.


 —Rasuulkii Allow, gacmahaygii baa uu mid gooyay, ka dibna sidaas ayaa uu yidhi, ma dilayaa? 


—Ha dilin. Haddii aad dishid, isagu waxa uu joogaa meeshii aad joogtay intii aadan dilin ka hor, adiguna waxa aad joogtaa meeshii uu joogay intii uusan weedhiisaa odhan.


Waxaa qeybtaan ku  jira dhwor qiso oo mujinaya ixtirraamka qof ka ashahaadanay.


Diintu waxa ay ina fartay in aynu dadka kula dhaqanno waxa ay muujiyaan ee la inama farin in aynu quluubtooda daalacanno. Qofka ashahaadanaya xurmadiisa meesha ay diintu ka joogtana waa aynu aragnaa. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka ashahaadanaya. Kuna dayo Nebiga SCW oo kalimatu tawxiidka xaqeeda sii, qofkii dalladdeeda hoos hadhsanayaana nabad iyo tixgalin ha kaa helo.


4.TUSBAX FURTAY

Dilkii cusmaan iyo Cali iyo gaaleysiintii indhaha la’ayd ee ay Khawaarijtu waday wixii ka dhashay ilaa maanta waa ay socdaan. Waa aynu soo aragnay wixii dhiig dareeray iyo sidii ummaddu u kala furfuratay ee u kala qaybsantay. Dilkii Cusmaan RC ayaa noqday bilawgii fidnada, hubkii Muslimiintu isu qaateen iyo dhiiggii dhexdooda ay iska daadinayeyn ayaan joogsan. 


Muslim hub isku qaatay oo sidii ay rabeen wax u noqotay lama hayo, markii maalmo la nastaba mid kala furanta. Dilkii Cusmaan RC waxa uu nay marxalad kalawareeg. Wixii ka dambeeyayna ummaddu guud ahaan xilli fidno iyo kala qaybsanaan ayaa ay ku jirtay.


Xudayfah RC waxa uu leeyahay: dadku waxa ay Rasuulka wax ka weydiin jireen khayrka, aniguse waxa aan weydiin jiray sharka, aniga oo ka cabsanaya in uu i haleelo. 


Waxa uu yidhi: Rasuulkii Allow, waxa aan ku jirnay jaahiliyo iyo shar, ka dibna khayrkan baa Alle noo keenay, ee khayrkan shar ma ka dambayn doonaa? 


—Haa. 


—Sharkaana khayr ma ka dambayn doonaa? —Haa, laakiin ma dhammaystirna oo waa uu kala dhantaalan yahay. 


—Oo iintiisu maxay tahay?


 —Dad aan ku socon hanuunkaygii, oo wax aad garato iyo wax kalaba wada.


 —Khayrkaa shar ma ka dambeeyaa? —Haa, kuwo albaabbada Jahannama dadka ugu yeedhaya oo ciddii raacda ku tuuraya. —Rasuulkii Allow noo tilmaan.


 —Waa kuwo innaga ah oo muuqeenna leh, afkeennana ku hadlaya. 


—Maxaad i faraysaa haddii aan arko?


 —Ku dedaal jamaacada Muslimiinta iyo hoggaamiyahooda . 


—Haddii aysan jamaaco iyo hoggaamiye jirinna? 


—Kooxahaas oo dhan ka fogow, xitaa haddii aad geed jirriddii qaniinsanaato ilaa adigoo sidaas ah geeridii kuu timaaddo. 


Nebigu SCW waxa uu sheegay Xudayfa in khayr uu jiri doono laakiin kheyrkaad uu san sidii hore ahaan doonin. Laf jabtay sideedii ma noqoto, macnaha muslimiinta sidii ay iskugu xirnaayeen oo isku raacsanaayeen ma dhacayso. Kala dhantaalkaas waa in lagu xisaabtamaa.


Saxaabadii ayaa fidnada ka nabad qabi weyday oo dhexdooda ayaa dagaal ka dhacay marka dadka kale maxaa laga sugayaa?


Nebigu SCW bilowgii Islaamka waxa uu juhdi aad u badan  galiyay sidii uu dadka diinta ugu sheegi lahaa, uguna qancin lahaa.


Caa’isha RC waxa ay leedahay: Qur’aankii ugu horreeyay ee soo degay waxa uu ahaa suurado gaagaaban oo ka hadlayay Jannada iyo Naarta, ilaa ay dadkii ka qaateen Islaamka, ka dibna waxaa soo degay aayadihii xalaasha iyo xaaraanta. Haddiise waxa ugu horreeya ee soo degaa uu ahaan lahaa: ‘ha cabbina khamriga,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tagi mayno khamriga.’ Haddii ay soo degi lahayd, ‘ha sinaysannina,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tagi mayno sinada’.


Sidaas oo kale waa in bulsho kasta loo tarabiyeeaa oo diinta loogu kala fududeeyaa. Dagaal iyo gaaleysiin iyo qasab waxba kuma hagaagayaan mana ahan hadyigii Nabiga SCW. Bulshadu xumaan iyo wanaag waa ay falaan. Marka eeg wanaagga marka 1aad intii xumaanta aad si dagdag ah u xukmin laheed.


Si bulshada aad wanaag ugu hogaamisid waa in hubka aad meel dhigato, oo afka aad kula hadleyso aad dabcisid oo wanaajisid. Macnaha ha gaaleysiin, hana caayin. Xisaabtana ku darso bulshadii Nabiga scw oo kale marna arkimeysid ee isku day in kala dhantaalnaanta aad ku waddo.


Dib u milicso sidii Nabigu howsha uu ugu sameeyay heerar. Mid u soo bandhig, haddii ay kaa yeelaan midkale, ku wad si tartiib ah. Hal mar dadka laguna qasbo nolol iyo dhaqan aysan lahaan jirin. Waa in si taako ah loo baraa oo loo fahansiiyaa oo loola qabadsiiyaa oo waqti la siiyaa.


Qofku marka uu darermo macaanidda diinta isaga ayaaba qaadanaya amarada. Marka adiga kaalintaadu waa in aad jecleysiidaa oo aad ugu kaalmeysaa wanaagga.


Xitaa gaalada diinta ka baxday asxaabtu kama aysan quusan jirin, anaguna waxaan sumadeyheynaa qof muslim ah oo macsi kaliya ku dhacay.

Diintu caadifad iyo xammaasad waa ka balaarantahy kaliya waxaad dadka ku leedahy wax u sheeg, qofna qasab iyo habaar kuma lihid. Qof ka shacabka ah uma banaana in wax u sheegiisu uu gaaro hub iyo dagaal.


Waaniye iyo bishaareeye noqo intii aad iska dhigi lahayd qaadi maxkamad fadhiya. Alle ayaa dadka xisaabinaya ee adigu waani, oo wanaag iyo hanuun la jeclow — ka guuleyso iyo dood helid iyo foorjayn yaysan kaa noqon. Dad badan oo mawjad fidno ahi sidato ayaa jira ee ha ku sii riixine xadhig u tuur oo soo jiid. Intii aad dhihi lahayd ‘kaafiryahow’, ku dheh ‘waxani waa gaalnimo ee iska daa’. 


5.Oodo Dhacameed

“Haddaad ka mid tahay dad safar ah oo habeen meel xeeb ah seexday, oo iyagoo hurda baddii ku soo dhawaatay, oo aad adigu ugu hor toostay, ha qaylin ee tartiib dadka u toosi. Qayladu inay ka nixiso oo ay badda ku yaacaan ayaa dhici karta. Haddaad isu qabto inaad adigu heshay hanuun diimeed oo dadku ka hurdaan, ama maanfurnaan iyo ilbaxnimo dadkii kale ka gaabiyeen, fadlan ha nagu qaylin. Inaan meel qaldan u boodno ayaa laga yaabaa ee bal wax na fahamsiiya. Xoogaa waa dhega nugul nahay, laakiin yaan afarta jiho nalooka qaylin.” —Cabdulqaadir Diiriye 


—Cabdulqaadir Diiriye 

Gaaleysiintu waa xukun ka qofka aan heysan xukunkii islaanimada. Qof kasta uma banaana in ay wax gaaleysiiso. Cid aan ahayn qaadi iyo culamada aqoonteedii leh kama xayuubi karaan qof islaanimadiisa. Qaadi sharci ah iyo guddi culamo kaliya ayaa go’aankaa loo dabo fadhiisan karaa.


Qof hadii tuugnimo lagu eedeeyo waxaa loo baahanyahay qaadi xukun kaas rida, sidoo kale qofka sinada lagu eedeeyo iyo dadka hantida isku heysto, marwo iyo nin la kala furayo, iwm, dhamaantood waxa ay ubaahanyihiin qaadi xukunka rida. Sidaas oo kale ma banaana in qof dhiiggiisa la bannaysto xukun  qaadi la’aantiis. 


Dhiigga Muslinku miyuusan wax kasta ka xurmo badnayn? Kacbada duminteedu miyaysan ka fududayn in dhiig Muslin xaqdarro lagu daadiyo? Adduunka oo inta uu suulo la waayo gebi ahaantiisaba, miyaysan ka dhib yarayn in qof Muslin ah xaqdarro lagu dilo? Qofka miyaan loo oggolayn haddii la kala doorransiiyo in la dilo ama uu sino ku dhaco, in sinadaasi u bannaanaanayso si uu naftiisa u badbaadiyo? Miyaan loo oggolayba in uu gaalnimo ku kaco si uu naftiisa u badbaadiyo haddii la qasbo?


– Dab iyo Dhagax

Waxaa laga yaabaa in aad ku fikrto mise aad ku eedeyso in maamuladda Soomaaliya ay hareer mareen shareecada islaamka sababtoo ah waxa ay sameysteen Dastuur mana banaana in la isku xukmiyo wax aan shareecada islaamka aheyn. Waaa sax laakiin dastuurka Soomaaliya, Soomaaliland, iyo Puntland intuba waxa ay qorayaan in dalkaan diintiisa ay tahay islaam, diin ka baxsan tan islaamkana aan lagu faafiin karin gudaha deegaannadaas iyo in dastuurku uusan qabanayn qodob kasoo horjeed kitaabka Alle iyo sunnada.


In diinta ku dhaqankeeda laga gaabiyo  iyo in laga hor imaado oo la dafiro gabi ahaanba waa kala labo. Maamulada Soomaaliya ka jira diinta ma dafirsana laakiin khalad waa ay sameeyaan oo waa dhacda si shareecada hareer marsan in ay u dhaqmaan taasina macnaheeda maahan in gaalo lagu tilmaamo markii ay gaf sameeyaan.


Maamul iyo qofna waa kala labo. Maamul shareecada ku dhaqma ayaa waxaa ku jiri kara qof shareecada aan oggolayn. Nebigu SCW waxaa salaadda la tukanayay oo jihaad la aadayay munaafiqiin aan diintaba aaminsanayn. Waxa la xukumayaa waa nidaamka ee qofka sidiisa ayaa loo abbaarayaa.

Haddii dowladu aysan fulin xaddi sharciyeedyada macnaheedu maahan in ay gaalo yihiin oo ay ogolaadeen in fasahaad dhaco. Xilliga nabiga waxaa dhacday dad soo sineystay oo nabi inta u yimi ku yira na dahir nabiguna yiri orodo iska baxa oo Alle danbi weydiista. 


Sideedaba diintu maahan wax qof lagu dhibayo. Waxwalba waxa ay ku saleysan yihiin inta aad awoodo, iyo in aad ukala hormariso sida ay u kala qatar badanyihiin.  


Wax aan Alle kugu adkayn la iskuma adkeeyo. Adiga oo helaya nidaam aad yoolkaaga ku gaadhi kartid, in aad dagaal iyo dhiig daata ka doorbiddid, waa caqli xumo iyo diin xumo.

Siyaasadda ummad lagu hoggaaminayaa waa in ay ku dhisan tahay sidii loo heli lahaa maslaxadda ugu badan, wixii dhib ahna loo yarayn lahaa, haddii aan la baabi’in karin. Waana qodobka ay shareecadu ku dhisan tahay. 















 So koobida buuga the Alchemist











The Alchemist

Paulo Coelho waxay ku qaadatay nuqulkiisii koowaad ee buugaan oo ku qornaa luqada Bortuqiiska labo toddobaad sanadkii 1987. Waqti intaas ka yar waa uu ku qori karay laakiin waxa uu yiri “ Mar hore ayay ruuxdaydu ku qornayd.” Maantadan la joogo, waxaa laga iibiyay in ka badan 65 milyan oo nuqul. 


Waxay ku qaadatay in ka badan 315 toddobaad inuu ku jiro liiska loogu gadashada fiican yahay buugta ee New York Times. Buuggu waxa uu sidoo kale ku jiraa diiwaanka Guinness World Record ee buugta ugu turjumaan badan qoraagiisu nool yahay.


Waa kuwan 3 ka mid ah duruus dhiirrigelin iyo indho-furid ah oo aan ka baran karno buugga The Alchemist:

Waxaad haysataa halyey shakhsiyeed oo ay tahay inaad raacdo haddii aad rabto inaad nolosha farxad ku noolaatid.

Cabsidaadu waxay dib kuu haysaa in ka badan wax kasta oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, sirta noloshu waa inaad kufto todoba jeer, si aad u kacdo marka siddeedaad.



Casharka 1: Haddiiaad rabto inaad gaadho hadafkaaga ugu weyn oo aad dareento dhammaystir, waa inaad raacdaa Halyeygaaga Shakhsi ahaaneed.

Sheekadu waxay ku bilaabanaysaa adhi-jire Isbaanish ah oo da’yar, oo ku riyoonaya riyo soo noq-noqonaysa. Waxa uu riyoodaa mar kasta oo uu seexdo geed hoostiisa, geedkaas oo ku yaala kaniisad horteeda. Riyada wiilku wuxuu ku dhex maqlaa ilmo yar oo ku oranaya inuu aado Ahraamta Masar si uu u raadiyo hanti.


Kadib waxa uu la kulmayaa haweeney faaliso ah si uu u ogaado macnaha riyadu, wiilku wuu yaabayaa markay ku tiraahdo waa inaad aadaa Masar. Arrintu waxay mid lala yaabo noqonaysaa, marka oday Melkisadaq la yiraahdo uu wiilka yar u sheego isla arrintii naagta faalisada ahayd wiilka yar u sheegtay. 


Markan, ninku wuxuu isticmaalay ereyga “Halyeey Shakhsi ahaaneed” isagoo u sharaxaya waxa wiilka yar looga baahan yahay inuu sameeyo. Wada tashi ka dib, wiilku wuxuu go’aansaday inuu raaco Halyeygiisa Shaqsi ahaaneed oo uu u socdaalo Ahraamta. Arigiiisii ayuu iibiyay, wuxuuna socdaalkiisa ku bilaabay inuu aado Tangier.


Inta ka hadhsan buuggu, wiilku waxa uu la kulmayaa dhibaatooyin caqabado ku ah Halyeygiisii Shakhsiyeed. Laakin tillaabo kastaa waxay sii adkaysaa inuu gaaro guul.


Waxaad sidaas si la mid ah leedahay Halyeyga Shakhsi ahaaneed. Waa mid adiga gaar kuu ah. Waxaa laga yaabaa inaad horey u ogaatay waxa ay tahay, oo aad si fudud ugu baahan tahay geesinimo si aad u sii wado. Hadday tahay shaqo, qoys, caafimaad, ama hammi kale, waa inaad ka gudubtaa wax kasta oo dib kuu dhigaya si aad u gaadho riyadaada ugu weyn.


Marka aad bilowdo, caalamka oo dhan ayaa ku garab istaagaya si ay u rumowdo. Laakiin taasi macnaheedu maaha inaad dhibaato la’aan gaari doonto.


Casharka 2: Jooji cabsida haddii aad rabto in aad meesha ka saarto caqabadaha kaa hor istaagaya horumarkaaga.

Wiilku waxa uu isla markiiba imaanayaa Tangier. Dhaqanka iyo afka oo uusan ku hadli karin ayaa ka yaabinaya. Tani waxay keenaysaa in lacagtiisii uu ariga ku gatay dhammaan laga xado. Taas waxaa ka sii daran, wuxuu ka baqayaa inuu qaatay go’aan qaldan, oo wuxuu ku dhawaaday inuu dib ugu laabto Isbayn. 


Laakiin waxa uu dib u xasuustay hadalladii uu ku yiri Melkisadaq, waxa uuna shaqo ka helay nin ka ganacsada quraaradaha. Ganacsadihii waxa uu wiilka joogitaankiisa u gartay inay calaamad wanaagsan tahay, wuxuuna dhegaystay taladiisa, taladaas ayaa labadooda taajiriin ka dhigtay. 


Ganacsaduhu wuu garanayaa waxa uu Halyeygiisa Shakhsiyeed ay tahay, wuxuuna gartay in joogitaanka wiilka ay tahay calaamad muujinaysa inuu raaco (Personal Legend). Aad ayuu uga baqayaa inuu raaco,waxa uu dooranayaa inuu iska joogo meeshiisa. Laakiin wiilkii yaraa waxa uu lacagtiisa u isticaamaalayaa safarkiisii uu ku tagi lahaa Masar.


Waa inaad adigana sidoo kale raacdaa riyadaada, xitaa marka aad ka baqeyso waddada aad ku socota ay tahay mid aan la garanayn. Cabsidu waa waxa ugu wayn ee kaa hortaagan nolosha aad rabto, waxaad nolol fiican noolaan kartaa marka aad ka gudubto cabsidaas.

Casharka 3: Kac in ka badan intaad kufto, weligaa fashilmi meysid.

Wiilkii yaraa inta uu sii socday, waxa uu la kulmay nin Ingiriis ah oo u sheegay in uu jiro nin alchemist ah oo birta u badeli kara dahab. Labadoodii waxay ku hakadeen meel la yiraahdo Al-Faayum iyaga iyo safarkii ay la socdeen.


Inta uu halkaa joogay, wiilku waxa uu isticmaalaa awooddiisa cusub si uu u saadaaliyo weerar ka dhaci kara halka ay degayn. Arintaan waxay soo jiidanaysaa alchemist. Aakhirkii labadooduba way kulmayaan, oo ninkii (alchemist) waxa uu barre u noqonayaa wiilkii yaraa. Alchemist-ku waxa kale oo uu u barayaa muhiimada Halyeyga Shakhsiyeed.


Wixii uu ka bartay alchemist-kii, ayuu wiilku wuxuu isku badelayaa dabayl markii qabiil ka mid ah askarta Carabta ay qabteen oo ay ugu hanjabeen inay dili doonaan. Alchemist-ku wuxuu sii wadayaa inuu wax baro wiilka, laakiin ugu dambeyntii waa ay kala tagayaan ka hor inta uusan wiilka yaraa gaarin Masar.


Markii uu Masar gaadhay waxa uu bilaabay in uu qodo hantidii uu ku riyooday markii uu geedka hoos hurday, goobtii uu wax ka qodayay ayaa lagu garaacay, meeshaas ayaana lagu dhacay mar kale. Mid ka mid ah raggii garaacay ayaa u sheegay riyadiisii, in ku riyooday isagoo hanti ka qodaya geed hoostiisa oo ku yaala banaanka hore ee kaniisad ku taala Isbayn.


Wiilku waxa uu gartay calaamooyinkan oo hadda waxa uu garanayaa meesha dhabta ah ee hantidiisu taal. Waxa uu ku soo laabtay Spain si uu u tago goobta saxda ah ee uu ku riyooday riyadiisii ugu horeysay, ka dibna uu sii ambaqaado inuu fuliyo Halyeygiisa Shakhsi ahaaneed.


Si la mid ah ninkan dhalinyarada ah, waxaad ku kufi doontaa safarkaaga. Laakiin haddii aad go'aansato inaad mar kasta kacdo oo aad sii socoto, caalamku wuxuu mar kale kugu garab istaagi doonaa inuu kugu hoggaamiyo meesha aad u baahan tahay inaad gaadhid.






Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...