14 Talo oo Qur’aanka Lagu Jeclaysiin Karo Carruurta
Buuggaan wuxuu asal ahaan ka koobnaa 29 cutub oo si qoto dheer u iftiiminaya dariiqyada lagu jeclayn karo Qur’aanka. Halkan waxaan kasoo xushay 14 cutub oo muhim ah, kuwaasoo aan u arko inay kaalin weyn ka qaadan karaan baridda Qur’aanka carruurta si kalgacal leh, xikmadaysan, isla markaana xiiso leh.
1. Qur’aanka Jacayl Ku Bar
Ilmaha ha lagu baro Qur’aanka si kalgacal leh, adigoo ka fog garaacid, cadaadis iyo cabsi.
2. Xifdin = Ciyaar iyo Abaalmarin
Ku xiro xifdinta waxyaabaha ilmaha jecel yahay sida ciyaarta, si uu si dabiici ah ugu jeclaado Qur’aanka.
3. Saacaddii Xifdintu Ha Noqoto Farxad
Bedel jawiga muranka ah ee xifdinta, kuna beddel deganaan, kalgacal iyo dhiirrigelin.
4. Qur’aanka Baaskiil Saar Ku Baro
Xifdinta Qur’aanka ha ku koobnayn miis iyo kuraas—waa la xafidi karaa xilliyada dhaqdhaqaaqa.
5. Xagaaga Ha Noqdo Mashruuc Qur’aaneed
Fasaxa xagaaga u qorshee sidii mashruuc Qur’aan barid leh abaabul, abaalmarin iyo farxad.
6. Qur’aanka Kombiyuutar Ku Baro
Ka faa’iideyso barnaamijyada casriga ah si carruurtu ugu xifdiyaan Qur’aanka qalabkooda ay jecel yihiin.
7. Kalgacal Qur’aanka Ku Lifaaq
Kalgacalka waalidka wuxuu furaha u yahay qalbiga ilmaha—markuu dareemo jacayl, wuu xifdinayaa.
8. Sheeko Qur’aaneed Ku Bar
Sheekooyin xiiso leh oo ka yimid Qur’aanka ha loo adeegsado baridda si ilmaha uu u fahmo una xasuusto.
9. Hooyo Hal-abuur Leh = Qoys Guuleysta
Hooyo dulqaad leh oo Qur’aanka nolol-maalmeedka ka dhigta waxay hogaamineysaa ubad guuleysta.
10. Codka Ilmaha Ha La Duubo
Duubista codka ilmaha marka uu akhrinayo Qur’aanka waxay kor u qaadaa kalsooni, saxitaan iyo xasuus.
11. Qaladkii Ha Noqdo Fursad
Qaladka ha lagu dhiirrigeliyo—ha noqon ciqaab—si ilmaha uu u fahmo in qaladku yahay waddo horumar.
12. Fahamku Waa Furaha Xifdinta
Ilmaha ha lagu baro micnaha aayadaha si uu si qoto dheer ugu xidho Qur’aanka noloshiisa.
13. Qur’aanka Ha Noqdo Saaxiib Ilmo
Ilmuhu ha la noolaado Qur’aanka, u arko saaxiib uu la tashado marka uu faraxsan yahay ama murugsan yahay.
14. Halqadda Qur’aanka Ha Noqoto Beerta Farxadda
Goobta xifdinta Qur’aanka ha noqoto meel kalgacal, ciyaar iyo dhiirrigelin leh—ilmo jeclaada in uu ku laabto.
Gunaanad
Gunaanad ahaan, talooyinkan waxay inoo muujinayaan in baridda Qur’aanka aysan ku xirnayn maskaxda ilmaha oo keliya, balse ay tahay in laga shaqeeyo qalbigiisa. Haddii ilmaha la siiyo kalgacal, la fahmo duruufihiisa, laguna dhiirrigeliyo siyaabo kala duwan, wuxuu noqonayaa mid Qur’aanka jeclaada, fahma, kuna dhaqma. Ilaahay ha inaga dhigo waalidiin iyo macallimiin hagaya ubad Qur’aanka ku barbaara.
W/Q: Nadiira Tissue
No comments:
Post a Comment