Wednesday, October 1, 2025

Nuxurka buugga The unschooled mind

 


Cinwaan:

Maskaxda aan la barin” – Fikradda Howard Gardner iyo Casharro ay Waxbarashada Soomaaliyeed Ka Baran Karto

Hordhac

Howard Gardner waa cilmi-nafsi iyo bare Jaamacadeed Maraykan ah, ku dhashay sanadkii 1943, gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Wuxuu caan ku yahay aragtida garaadka badan (Multiple Intelligences Theory) oo sheegaysa in dadka aysan ku koobnayn hal nooc oo garaad ah sida xisaabta ama luqadda, balse ay leeyihiin garaadyo kala duwan – sida garaadka muusiga, isdhexgalka bulshada, jidh-dhaqaaqa, iyo garaadka dabeecadda.

Gardner wuxuu wax ka dhigay Jaamacadda Harvard, isagoo ka tirsan Harvard Graduate School of Education.

Buugaagtiisa ugu caansan waxaa ka mid ah:


  • Frames of Mind (1983)
  • The Unschooled Mind (1991)


Aragtidiisu waxay wax weyn ka beddeshay habka waxbarashada, iyadoo macallimiinta iyo dugsiyada ku dhiirrigelisay in ay ardayda u arkaan dad leh awoodo iyo xiise kala duwan — mid kastana uu leeyahay dariiq gaar ah oo uu ku fahmo waxbarashada.

Cutubka 1: Barashada iyo Caqabadaha

Carruurtu si dabiici ah ayay wax u bartaan, laakiin dugsiyada casriga ah mararka qaar waxay burburiyaan xiisahaas, iyagoo xoogga saaraya xifdi iyo darajo halkii laga dhisi lahaa faham qoto dheer.

Cutubka 2: Horumarka Maskaxda

Cilmi-baarayaal sida Darwin, Piaget, iyo Vygotsky waxay muujiyeen in maskaxda ilmaha aysan ahayn meel madhan, balse ay leedahay awood iyo xaddidaad u gaar ah oo ku saleysan marxaladda horumarka.

Cutubka 3: Barashada Hore

Ilmuhu wuxuu leeyahay aqoon hore (intuition) oo dabiici ah — sida fahamka jirka iyo aqoonsiga wejiyada — laakiin dugsigu mararka qaar wuxuu iska indho tirayaa awoodahan muhiimka ah.

Cutubka 4: Calaamadaha iyo Astaamah

Carruurtu waxay dunida ku fahmaan calaamado sida luqad, ciyaar, sawir, iyo muusig, kuwaas oo noqon kara aalado muhiim ah oo wax lagu barto haddii si sax ah loo isticmaalo.

Cutubka 5: Dunida Carruurta Yaryar

Carruurtu waxay horay u sameystaan “theories” iyagoo ka fikiraya noolaha, walxaha, iyo maskaxda. Inkasta oo fahamkoodu aanu ahayn mid saynis ah, haddana waa bilow muhiim ah oo ay ku dhisaan aqoontooda dambe.

Cutubka 6: Qiimaha iyo Dhaqanka Waxbarashada

Waxbarashadu waa aalad lagu gudbiyo qiyamka iyo dhaqanka bulshada, laakiin dugsiyada qaarkood waxay ka fogaadaan hal-abuur iyo faham dhab ah, taas oo hoos u dhigta awoodda ardayga ee fikirka madax-bannaan.                                   Cutubka 7: Dugsiga Hay’ad ahaan

Dugsigu waa hay’ad bulsho oo gudbisa aqoonta iyo dhaqanka, laakiin taariikh ahaan wuxuu diiradda saaray imtixaan iyo xifdi, halkii uu ka dhiirrigelin lahaa fikir iyo hal-abuur.

Cutubka 8–9: Dhibaatooyinka Dugsiga

Ardaydu waxay la kulmaan faham khaldan (misconceptions) sababtoo ah habka waxbarashada ee “hal-jawaab ah” uma oggola inay si qoto dheer u fahmaan cilmiga ama nolosha dhabta ah.

Cutubka 10: Raadinta XalkaGardner wuxuu soo jeedinayaa isku dhaf ah oo ka kooban:

xirfadaha aasaasiga ah + faham qoto dheer + hal-abuur.

Tani waxay ka dhigan tahay in waxbarashada ay tahay in lagu mideeyo aqoonta iyo nolosha.

Cutubka 11: Waxbarashada Hore

Carruurtu waa in lagu baro mashruucyo iyo tababaro la taaban karo, si ay ula xiriiraan nolosha dhabta ah — halkii ay ku koobnaan lahaayeen buugaag iyo imtixaan.

Cutubka 12: Dhalinyarada iyo Fahamka

Dhalinyarada waa in lagu baraa inay burburiyaan fahamka khaldan oo ay bartaan xirfado nololeed iyo cilmi qoto dheer, si ay ugu diyaar garoobaan caqabadaha nolosha casriga ah.

Cutubka 13: Faham Qaran iyo Caalami

Waxbarashada guuleysta waa mid isku xirta fahamka ardayga, dhaqanka bulshada, iyo heerarka qaran, iyadoo la dhiirrigelinayo wada shaqeyn iyo isfahan caalami ah.

Gunaanad iyo Talo

Howard Gardner wuxuu ku boorinayaa macallimiinta, maamulka dugsiyada, iyo siyaasiyiinta waxbarashada in ay dib u eegaan habka waxbaridda.

Waxbarashada waa in aysan ku koobnaan xifdi iyo imtixaan, balse ay noqotaa mid kobcisa faham dhab ah, hal-abuur, iyo xirfado nololeed.

Talo ahaan: Sida loo adeegsan karo fikradda Gardner ee Soomaaliya


  1. Macallimiintu ha aqoonsadaan in arday kasta leeyahay garaad u gaar ah (tusaale: muusig, ciyaar, ama sawir).
  2. Dugsiyada ha abuuraan jawi furan oo ardaydu ku muujin karaan garaadkooda kala duwan.
  3. Tababarrada macallimiinta ha ku daraan fahamka aragtida “Multiple Intelligences.”
  4. Imtixaannada iyo qiimaynta ha noqdaan kuwo tixgeliya hababka kala duwan ee barashada, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo keliya oo ku saleysan qoraal.
  5. Waxbarashada carruurta Soomaaliyeed waa in ay noqotaa mid isku xirta aqoonta iyo dhaqanka, si ay u dhisto bulsho faham qoto dheer leh.


✍️ W/Q: Nadiira Abdirisak Jama

No comments:

Post a Comment

Nuxurka Buugga ليطمين قلبي

  Buuggan waxaa qoray Cumar Aala Cuudah, oo ka mid ah qorayaasha dhalinyarada Carabta ee caan ku ah qoraallada dhiirrigelinta iyo kobcinta n...