why-men-don't-have-a-clue-and-women-always-need-more-shoes.
Maxay Raggu Waxba U Fahmi Waayaan, Dumarkuna Mar Walba Kabo Dheeraad ah U Doonaan?”
Hordhac: Qoraaga Buugga
Allan Pease waa qoraa Australian ah, khabiir ku takhasusay body language-ka iyo isgaarsiinta dadka. Wuxuu si gaar ah u bartay sida ragga iyo dumarku u kala duwan yihiin marka ay hadlayaan, dareemayaan ama xiriir sameynayaan. Buuggan wuxuu la qoray xaaskiisa Barbara Pease, waxaana ay isku dayeen inay arrimaha xiriirka ku sharxaan tusaalooyin nololeed, cilmi-nafsi iyo kaftan.
Buuggu guud ahaan muxuu ka hadlayaa?
Buuggan wuxuu ka hadlayaa sida ragga iyo dumarku mararka qaar si kala duwan u fikiraan, u hadlaan, u muujiyaan dareenkooda, una fahmaan xiriirka. Qoraayaashu waxay taabanayaan waxyaabo maalin kasta ka dhex dhaca lammaanaha: muranka, hadalka badan, oohinta, hooyada ninka, soo jiidashada iyo xitaa hawlgabka.
Waxa aan ka fahmay buugga waa in mararka qaar dhibaatadu aysan ahayn in qofku ujeeddo xun leeyahay, balse ay tahay in labada qof ay fariinta si kala duwan u fasirayaan. Tusaale ahaan, haweeneydu waxay oran kartaa, “Waxaan rabaa inaan kula hadlo,” iyada oo rabta in la dhageysto; ninkuna wuxuu isla markiiba bilaabi karaa inuu xal raadiyo.
Cutubka 1aad: Nagging – Markaad wax badan ku celceliso
Cutubkani wuxuu ka hadlayaa marka qofku marar badan qof kale wax xasuusiyo ama ku cadaadiyo inuu wax sameeyo. Dumarku mararka qaar waxay u arkaan xasuusinta inay tahay daryeel, halka raggu u arki karaan dhaleeceyn ama cadaadis.
Tusaale:
Xaaska ayaa ninkeeda ku leh: “Qashinka soo saar.”
Wuu iska ilaawaa, markaas ayay mar kale tiraahdaa: “Miyaadan maqlin? Qashinka soo saar.”
Iyadu waxay leedahay, “Waxaan rabaa inuu shaqada qabto,” laakiin isaga waxaa laga yaabaa inuu dareemo, “Mar walba waa la i dhaleeceeyaa.”
Casharka: Hadalka cad iyo waqtiga ku habboon ayaa ka wanaagsan ku celcelin aan dhammaanayn.
Cutubka 2aad: 7 Waxyaabood oo Raggu Sameeyaan oo Dumarka Waaliya
Cutubkani wuxuu taabanayaa caadooyin ragga qaarkood leeyihiin oo dumarku ay dhibsadaan. Waxaa ka mid ah inay talo bixiyaan marka haweeneydu rabto oo keliya in la dhageysto, inay waxyaabo gaar ah ku mashquulaan, ama ay hal hawl si xooggan ugu jeestaan.
Tusaale:
Haweeney ayaa ninkeeda ku leh: “Maanta shaqada aad bay ii daalisay.”
Ninku wuxuu ku jawaabaa: “Markaa shaqada iska daa ama sidan samee.”
Iyaduna waxay is leedahay, “Talo ma aanan weydiisan, waxaan rabay inaad i dhageysato.”
Casharka: Mararka qaar qofku xal ma raadinayo; wuxuu rabaa oo keliya in la fahmo.
Cutubka 3aad: Maxay Dumarku u Ooyaan?
Cutubkani wuxuu sharxayaa oohinta iyo sida dareenka loogu isticmaali karo xiriirka. Oohintu waa falcelin dabiici ah, laakiin buuggu wuxuu ka digayaa in ilmada mararka qaar loo adeegsan karo cadaadis dareen ama emotional blackmail.
Tusaale:
Qof ayaa yiraahda: “Haddii aad dhab ahaan i jeceshahay, tan waad ii samayn lahayd.”
Qofka kale wuxuu dareemayaa inuu ku qasban yahay inuu sameeyo, sababtoo ah wuxuu ka baqayaa inuu qofka dhaawaco.
Casharka: Jacaylku waa inuu ku dhisnaadaa wada-hadal, ee ma aha in qof lagu qasbo dareen.
Cutubka 4aad: Dhibcaha Qarsoon ee Xiriirka
Cutubkani wuxuu ka hadlayaa sida qofku mararka qaar maskaxdiisa ugu tiriyo waxyaabaha uu xiriirka u qabtay. Qof ayaa xusuusta inuu guriga wax badan qabtay, halka qofka kale uu xusuusto waxyaabihii uu isagu sameeyay.
Tusaale:
Xaasku waxay tiraahdaa: “Toddobaadkan guriga oo dhan anigaa qabtay.”
Ninkuna wuxuu leeyahay: “Aniguna kirada iyo biilasha ayaan bixiyay.”
Labadooduba waxay dareemayaan inay iyagu wax badan qabteen.
Casharka: Xiriirku ma aha tartan lagu ogaado qofka dhibcaha badan leh.
Cutubka 5aad: 7 Sir oo Ku Saabsan Ragga
Cutubkani wuxuu isku dayayaa inuu sharaxo sababta raggu mararka qaar u dhaqmaan sida ay u dhaqmaan. Waxaa laga hadlayaa commitment, gadgets, sports, hadalka ragga iyo sida raggu hal hawl ugu xoogga saari karaan.
Tusaale:
Haweeney ayaa ninkeeda la hadlaysa isagoo TV daawanaya.
Waxay u malaynaysaa inuu iska indhatirayo, laakiin isaga waxaa laga yaabaa inuu si dhab ah ugu mashquulsan yahay waxa uu daawanayo.
Casharka: Mar kasta ha u fasiran aamusnaanta ama mashquulka qofka inuu yahay nacayb ama danayn la’aan.
Cutubka 6aad: “Haweeneyda Kale” – Hooyadiis
Cutubkani wuxuu ka hadlayaa xiriirka ka dhexeeya ninka, hooyadiis iyo xaaskiisa. Dhibaatadu ma aha hooyo kasta, balse ku-tiirsanaan xad-dhaaf ah ama boundaries la’aan ayaa khilaaf dhalin karta.
Tusaale:
Nin ayaa arrin kasta oo gurigiisa ka dhacda hooyadii kala tashanaya, xitaa arrimaha isaga iyo xaaskiisa u gaarka ah.
Xaaskiisu waxay dareemeysaa in aysan ahayn qofka ugu horreeya ee noloshiisa.
Hooyaduna waxay u malaynaysaa inay wiilkeeda caawinayso.
Casharka: Qoysasku waxay u baahan yihiin xuduud caafimaad leh iyo ixtiraam.
Cutubka 7aad: Sirta Hadalka Dumarka
Qoraayaashu waxay sharxayaan in dumarku mararka qaar hadalka u isticmaalaan inay ku dhisaan xiriir, ku muujiyaan dareenkooda ama uga yareeyaan stress-ka. Raggu se waxay inta badan hadalka u isticmaalaan inay dhibaatada xal u helaan.
Tusaale:
Haweeney ayaa leh: “Maanta wax walba ayaa igu adkaaday.”
Ninku wuxuu isla markiiba leeyahay: “Maxaad shaqada uga tagi weyday?”
Iyaduna waxay leedahay: “Maya, waxaan rabay inaan kuu sheego waxa maanta dhacay.”
Casharka: Dhageysigu mararka qaar waa caawinta ugu fiican.
Cutubka 8aad: Soo Jiidashada Dumarka
Cutubkani wuxuu ka hadlayaa sida muuqaalka, labiska, quruxda iyo body language-ku uga qayb qaadan karaan soo jiidashada bilowga ah. Buuggu wuxuu xoogga saarayaa in muuqaalka dibadda uu door ku leeyahay first impression.
Tusaale:
Qof ayaa markii ugu horreysay qof kale arkaya.
Kahor inta uusan aqoon dabeecaddiisa ama akhlaaqdiisa, wuxuu marka hore arkaa labiskiisa, wajigiisa iyo sida uu isu soo bandhigayo.
Casharka: Muuqaalku wuxuu saameyn karaa aragtida koowaad, laakiin ma aha waxa keliya ee lagu qiimeeyo qof.
Cutubka 9aad: Maxaa Indhaha Soo Jiita?
Cutubkani wuxuu sii wadaa arrinta attraction-ka. Qoraayaashu waxay ka hadlayaan sida qofku si degdeg ah u sameyn karo first impression iyo sida muuqaalada qaarkood loogu fasiri karo caafimaad, qurux ama soo jiidasho.
Tusaale:
Markaad qof cusub la kulanto, dhowr ilbiriqsi gudahood waxaad yeelan kartaa fikrad ku saabsan qofkaas, xitaa adigoon weli la hadlin.
Casharka: First impression-ku waa xoog badan yahay, laakiin mar walba sax ma aha.
Cutubka 10aad: Soo Jiidashada Ragga
Cutubkani wuxuu ragga ku qiimeynayaa waxyaabo ay ka mid yihiin muuqaalka, humor-ka, dhaqaalaha, fahamka dareenka dumarka iyo shakhsiyadda. Ujeeddadu waa in ninku fahmo waxyaabaha kordhin kara soo jiidashadiisa.
Tusaale:
Nin muuqaal fiican leh laakiin aan qofka kale dhageysan karin ayaa laga yaabaa inuusan xiriir wanaagsan dhisin.
Nin kale oo aan “perfect” ahayn laakiin leh akhlaaq, humor iyo faham ayaa qofka kale si weyn u soo jiidan kara.
Casharka: Soo jiidashadu kuma koobna muuqaal; hab-dhaqanka qofku sidoo kale wuu muhiim yahay.
Cutubka 11aad: Maxaa Ragga Ka Dhiga Soo Jiidasho?
Cutubkani wuxuu sheegayaa in dumarku ay ragga ka raadiyaan waxyaabo ay ka mid yihiin xoog, kalsooni, awood iyo isla markaana daryeel iyo emotional intelligence. Labadan dhinac ayaa mararka qaar isla socda.
Tusaale:
Haweeneydu waxay rabtaa nin mas’uul ah oo go’aan qaadan kara, laakiin sidoo kale marka ay dhib qabto fahmi kara dareenkeeda.
Casharka: Xoog keliya ama naxariis keliya ma dhisaan xiriir caafimaad qaba; isku dheelitirnaan ayaa muhiim ah.
Cutubka 12aad: “Dharkani ma I buurnaynayaa?”
Cutubkani wuxuu ka hadlayaa beenta iyo sababta dadku mararka qaar runta uga leexdaan. Qofku wuxuu been sheegi karaa si uu naftiisa u ilaaliyo, qof kale uusan u dhaawicin ama uu si wanaagsan isu soo bandhigo.
Tusaale:
Haweeney ayaa saaxiibteed weydiisa: “Dharkani ma igu fiican yahay?”
Saaxiibteed waxay aragtaa inuusan si fiican ugu habboonayn, laakiin waxay tiraahdaa: “Haa, aad buu kuu qurux badan yahay,” si aysan u niyad jabin.
Casharka: Beentu mararka qaar waxay ka dhalataa cabsi, is-difaac ama rabitaan qofka lagu farxad gelinayo—laakiin kalsoonida xiriirka waxaa muhiim u ah daacadnimo.
Cutubka 13aad: Marka Shaqadu Dhamaato – Hawlgabnimada
Cutubka ugu dambeeya wuxuu ka hadlayaa sida qofka, gaar ahaan ninka shaqadiisa aqoonsigiisa ku dhistay, uu u dareemi karo madhnaan marka uu hawlgab noqdo. Sidaas darteed qofku wuxuu u baahan yahay inuu helo waxyaabo cusub oo noloshiisa macne siinaya.
Tusaale:
Nin 30 sano shaqeynayay ayaa maanta shaqadii ka fariistay.
Markii hore wuxuu lahaa jadwal, dad uu la kulmo iyo masuuliyad; hadda maalintiisa oo dhan waa faaruq.
Haddii uusan helin hiwaayad, bulsho, waxbarasho ama shaqo kale oo macno leh, wuxuu dareemi karaa inuu qiimihiisii lumay.
Casharka: Hawlgabku ma aha dhammaadka nolosha; waa marxalad cusub oo u baahan qorshe cusub.
Gunaanad
Markaan buuggan akhriyo, waxa ugu weyn ee aan ka fahmay waa in ragga iyo dumarku aysan mar walba isku si u fahmin hadalka iyo dhaqanka qofka kale. Waxa mid u arko daryeel, kan kale wuxuu u arki karaa cadaadis; waxa mid u arko xal, kan kale wuxuu u arki karaa inuusan fahmin dareenkiisa.
Buuggu wuxuu qofka ku dhiirrigelinayaa inuu lammaanihiisa fahmo ka hor inta uusan xukumin. Mararka qaar waxaad u baahan tahay inaad weydiiso: “Maxaad hadda iga rabtaa—inaan ku dhageysto mise inaan xal kuu raadiyo?”
Ugu dambayn, buuggan waxaan ka qaadan lahaa hal fariin oo fudud: xiriir wanaagsan ma yimaado marka laba qof ay isku fikir noqdaan; wuxuu yimaadaa marka laba qof ay bartaan sida ay u kala duwan yihiin, haddana ay is ixtiraamaan.
W/Q: Nadiira Abdirisak Jama
No comments:
Post a Comment