Tuesday, November 24, 2026

Soft Skills iyo Jaamacadaha Soomaaliyeed: Sidee Waxbarashada Sare loogu Diyaarin karaa Arday Awood u Leh Nolosha iyo Suuqa Shaqada?



Qore: Nadiira Abdirisak Jama

Education & Training Professional | Educator | Founder of Higsi forum

Hordhac

Waxbarashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee horumarka qofka iyo bulshada. Jaamacaduhu waxay door weyn ka ciyaaraan diyaarinta jiilka mustaqbalka, iyagoo ardayda siinaya aqoon, xirfad iyo faham ay kaga qayb qaataan horumarinta dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira su’aal muhiim ah oo ay tahay in laga fikiro: Ma ku filan tahay in ardaygu jaamacad ka qalin-jabiyo isagoo haysta shahaado iyo aqoon maaddo, balse aan lahayn xirfadaha uu ku maareeyo shaqada, xiriirka bulshada iyo caqabadaha nolosha?

Su’aashani waxay ina tusaysaa baahida loo qabo in waxbarashada sare lagu daro xirfadaha loo yaqaan Soft Skills.

Dunida maanta, aqoonta maaddooyinka gaarka ah iyo xirfadaha farsamo waa muhiim, laakiin waxaa sii kordhaya qiimaha xirfadaha qofka u suurtageliya inuu aqoontiisa si wax-ku-ool ah u isticmaalo. Ardayga yaqaan waxa uu bartay, isla markaana awood u leh inuu fikraddiisa si cad u gudbiyo, koox ula shaqeeyo, dhibaatooyinka xalliyo, waqtigiisa maareeyo, go’aanno qaato, isla markaana la qabsado isbeddelka, wuxuu helayaa fursado badan oo horumarineed.

Sidaas darteed, Soft Skills-ku ma aha waxbarasho dheeraad ah oo laga yaabo in ardaygu barto marka uu jaamacadda dhammeeyo. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah waxbarashada sare, waana in si qorshaysan loogu dhex daraa manhajka, habka waxbaridda iyo qiimaynta ardayda.

Waa maxay Soft Skills?

Soft Skills waa xirfadaha qofka ka caawiya inuu si wanaagsan ula macaamilo naftiisa, dadka kale, shaqada iyo xaaladaha kala duwan ee nolosha.

Waxay ka duwan yihiin xirfadaha farsamo ee si gaar ah ula xiriira xirfad ama maaddo, sida xirfadaha caafimaadka, injineernimada, xisaabaadka, IT-ga ama waxbaridda.

Soft Skills-ku waxay ka mid yihiin:

  • Communication Skills – Xirfadaha isgaarsiinta
  • Leadership – Hoggaaminta
  • Teamwork – Wada-shaqaynta
  • Critical Thinking – Fikirka falanqaynta
  • Problem-Solving – Xallinta dhibaatooyinka
  • Time Management – Maareynta waqtiga
  • Emotional Intelligence – Fahamka iyo maaraynta dareenka
  • Decision-Making – Go’aan qaadashada
  • Adaptability – La qabsiga isbeddelka
  • Professional Ethics – Anshaxa shaqada
  • Creativity – Hal-abuurka
  • Conflict Resolution – Xallinta khilaafaadka

Xirfadahani waxay ardayga ka caawiyaan inuu aqoontiisa ku dabaqo xaaladaha dhabta ah, isla markaana noqdo qof wax-ku-ool ah oo masuuliyad leh.

Maxay Soft Skills muhiim ugu yihiin ardayda jaamacadaha?

1. Waxay ardayda u diyaariyaan suuqa shaqada

Shahaadada jaamacaddu waxay muujinaysaa in ardaygu soo bartay aqoon gaar ah. Hase yeeshee, shaqo-bixiyeyaashu waxay sidoo kale eegaan awoodda qofka ee wada-shaqaynta, isgaarsiinta, masuuliyadda iyo xallinta dhibaatooyinka.

Ardayga ka qalin-jabiya jaamacadda waa inuu awood u yeeshaa inuu:

  • Si xirfad leh u qoro email iyo warbixin.
  • Ka qaybqaato shirar iyo dooddo.
  • U bandhigo fikradihiisa si kalsooni leh.
  • La shaqeeyo dad leh fikrado kala duwan.
  • U hoggaansamo waajibaadka iyo waqtiga shaqada.
  • Si habboon uga jawaabo caqabadaha goobta shaqada.

Sidaas darteed, Soft Skills-ku waxay buuxinayaan farqiga u dhexeeya aqoonta jaamacadeed iyo baahida dhabta ah ee goobta shaqada.

2. Waxay kordhiyaan kalsoonida iyo awoodda ardayga

Arday badan ayaa leh aqoon iyo fikrado wanaagsan, laakiin waxay ku adkaataa inay dadka hortooda ka hadlaan, su’aalo weydiiyaan ama fikradahooda difaacaan.

Marka jaamacaddu si joogto ah u bixiso fursado lagu barto public speaking, presentation iyo communication, ardaydu waxay helaan kalsooni ay ku muujiyaan awooddooda.

Kalsoonidu ma aha oo keliya in qofku hadlo; waxay sidoo kale ka dhigan tahay inuu garanayo awooddiisa, aqbalo meelaha uu u baahan yahay inuu horumariyo, isla markaana diyaar u yahay inuu wax cusub barto.

3. Waxay kobciyaan hal-abuurka iyo ganacsiga

Jaamacaddu waa inay noqotaa meel ardaydu ku bartaan sida fikrad loo abuuro, loo qorsheeyo, loona beddelo mashruuc ama ganacsi.

Soft Skills-ku waxay ka caawinayaan ardayda inay:

  • Aqoonsadaan dhibaatooyinka bulshada.
  • Soo saaraan fikrado cusub.
  • Sameeyaan qorshe mashruuc.
  • La shaqeeyaan koox.
  • Maareeyaan khayraadka.
  • U bandhigaan fikradahooda maalgeliyeyaasha ama bulshada.

Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dalalka ay dhalinyaradu wajahaan caqabado shaqo-abuur, maadaama waxbarashadu ay sidoo kale dhiirrigelin karto iskaa-u-shaqaysi iyo hal-abuur ganacsi.

4. Waxay ka caawiyaan ardayda inay la qabsadaan isbeddelka

Suuqa shaqadu si joogto ah ayuu isu beddelayaa. Tiknoolajiyada, hababka shaqada iyo baahiyaha bulshada ayaa isbeddelaya.

Ardayga leh adaptability, critical thinking iyo lifelong learning wuxuu awood u leeyahay inuu la qabsado xaaladaha cusub, barto xirfado cusub, isla markaana sii wato horumarkiisa.

Jaamacaddu waa inay ardayda barato in waxbarashadu aysan ku dhammaan shahaadada, balse ay tahay geeddi-socod socda oo nolosha oo dhan ah.

Caqabadaha ka jira isku xirka Soft Skills iyo waxbarashada jaamacadaha

Inkasta oo Soft Skills-ku muhiim yihiin, haddana waxaa jira caqabado u baahan in si dhab ah loo wajaho.

1. Manhajka oo xoogga saara aqoonta aragtiyeed

Jaamacado badan, waxbarashadu waxay inta badan ku tiirsan tahay casharro, qoraallo iyo imtixaanno. Habkani wuxuu muhiim u yahay fahamka aqoonta, laakiin haddii aan lagu darin hawlo wax-ku-ool ah, ardaydu waxay ku adkaan kartaa inay aqoontooda u adeegsadaan xaaladaha dhabta ah.

Waxaa loo baahan yahay in manhajku isku dheellitiro theory iyo practice.

2. Fursadaha wax-ku-oolka ah oo xaddidan

Ardaydu waxay u baahan yihiin fursado ay ku sameeyaan presentations, group projects, internships, debates iyo community projects.

Haddii fursadahaasi yaraadaan, xirfadaha ardaydu waxay ku ekaan karaan heer aragtiyeed.

3. Xirfadaha guud oo aan si rasmi ah loo qiimayn

Mararka qaarkood ardayga waxaa lagu qiimeeyaa imtixaanka maaddada oo keliya. Waxaa muhiim ah in sidoo kale la qiimeeyo sida uu u wada shaqeeyo, u soo bandhigo fikradaha, u xalliyo dhibaatooyinka iyo u maareeyo mashruuca.

4. Iskaashiga jaamacadaha iyo suuqa shaqada oo u baahan xoojin

Jaamacadaha iyo shaqo-bixiyeyaashu waa inay yeeshaan xiriir joogto ah. Shaqo-bixiyeyaashu waxay jaamacadaha ka caawin karaan inay fahmaan xirfadaha ay u baahan yihiin, halka jaamacaduhu ay ardayda siin karaan fursado internship iyo practical learning.

Sidee Soft Skills loogu dari karaa jaamacadaha Soomaaliyeed?

Si xirfadaha Soft Skills-ku u noqdaan qayb waarta oo ka mid ah waxbarashada sare, waxaa loo baahan yahay qorshe nidaamsan oo ay wadajir uga qayb qaataan maamulka jaamacadaha, macallimiinta, ardayda, shaqo-bixiyeyaasha iyo xarumaha tababarka.

1. In la sameeyo maaddo rasmi ah oo Soft Skills ah

Jaamacaduhu waxay samayn karaan maaddo la yiraahdo:

Soft Skills and Employability Development

Maaddadan waxaa laga dhigi karaa mid ay wada qaataan ardayda kulliyadaha kala duwan, sida Education, Business, Health Sciences, Engineering iyo IT.

Maaddadu waxay dabooli kartaa:

  • Communication and Public Speaking
  • Leadership and Teamwork
  • Critical Thinking and Problem-Solving
  • Time and Stress Management
  • Career Planning
  • CV Writing and Interview Skills
  • Professional Ethics
  • Entrepreneurship and Innovation

Maaddadani waa inay lahaataa casharro, hawlo practical ah iyo qiimayn cad.

2. In Soft Skills lagu dhex daro maaddooyinka kale

Soft Skills-ku khasab ma aha inay ku koobnaadaan hal maaddo.

Tusaale ahaan:

  • Ardayda Education-ka waxaa laga siin karaa hawlo ku saabsan classroom communication, leadership iyo conflict management.
  • Ardayda Business-ka waxaa lagu tababari karaa negotiation, teamwork iyo customer communication.
  • Ardayda Health Sciences-ka waxaa lagu horumarin karaa patient communication, empathy iyo professional ethics.
  • Ardayda IT-ga waxaa lagu dari karaa project management, teamwork iyo presentation of technical solutions.

Habkan wuxuu Soft Skills-ka ka dhigaya kuwo la xiriira xirfadda uu ardaygu baranayo.

3. In la adeegsado hababka waxbaridda ee ardaygu ka qaybqaato

Macallimiintu waa inay ka gudbaan habka casharka oo keliya, una gudbaan habab ardayga siinaya fursad uu ku fikiro, ku hadlo, ku shaqeeyo, kuna xalliyo dhibaatooyin.

Hababka la adeegsan karo waxaa ka mid ah:

Group Projects: Ardayda oo kooxo loo qaybiyo si ay u qorsheeyaan una fuliyaan mashruuc.

Class Presentations: Ardayda oo fikradahooda ama natiijooyinka cilmi-baaristooda dadka hortooda ku soo bandhiga.

Case Studies: Ardayda oo falanqaysa xaalado dhab ah, kadibna soo jeedisa xalal.

Debates: Doodo waxbarasho oo kobciya fikirka, dhageysiga iyo ixtiraamka aragtiyada kala duwan.

Role Play: Ardayda oo jilaysa xaalado shaqo, wareysiyo, shirar ama xalinta khilaafaadka.

Hababkani waxay ardayda siinayaan fursad ay ku bartaan xirfadaha iyagoo adeegsanaya, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo keliya akhriya ama xafida.

4. In la abuuro Career Development Center

Jaamacad kasta waxay ka faa’iidaysan kartaa inay yeelato xarun u gaar ah horumarinta xirfadaha shaqo iyo qorshaynta mustaqbalka ardayda.

Xaruntani waxay bixin kartaa:

  • CV iyo cover letter writing.
  • Mock interviews.
  • Career counselling.
  • Internship opportunities.
  • Job readiness workshops.
  • Networking events.
  • Entrepreneurship support.

Xaruntu waxay sidoo kale la xiriiri kartaa shirkadaha, hay’adaha, NGO-yada iyo ganacsatada si ardaydu u helaan fursado waxbarasho iyo shaqo.

5. In internship-ka laga dhigo qayb muhiim ah oo waxbarashada ah

Internship-ku wuxuu ardayga siinayaa fursad uu ku arko sida aqoonta jaamacaddu uga shaqayso goobaha shaqada.

Jaamacaduhu waa inay iskaashi la sameeyaan:

  • Shirkadaha gaarka loo leeyahay.
  • Hay’adaha dowladda.
  • NGO-yada.
  • Iskuullada iyo xarumaha waxbarashada.
  • Isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka.
  • Xarumaha tiknoolajiyada iyo ganacsiga.

Inta internship-ku socdo, ardayga waa in lagu qiimeeyo aqoontiisa, masuuliyaddiisa, isgaarsiintiisa, wada-shaqayntiisa iyo awoodda uu wax ku baranayo.

6. In la dhiirrigeliyo ardayda inay sameeyaan mashaariic bulsho

Jaamacaddu waa inay ardayda ku dhiirrigelisaa inay aqoontooda ku dabaqaan dhibaatooyinka bulshada.

Tusaale ahaan, ardaydu waxay samayn karaan:

  • Mashruuc wacyigelin caafimaad.
  • Barnaamij taageera waxbarashada carruurta.
  • Mashruuc nadaafadda deegaanka.
  • Fikrad ganacsi oo dhalinyarada shaqo u abuurta.
  • Barnaamij digital ah oo bulshada adeeg u ah.

Mashaariicdani waxay ardayda barayaan leadership, teamwork, planning, communication iyo social responsibility.

Qaab tusaale ah: Soft Skills Development Pathway

Jaamacaddu waxay Soft Skills-ka u qorshayn kartaa afarta sano ee waxbarashada, si xirfaduhu ugu koraan heerar kala duwan.

Sannadka koowaad: Self-Development

Ardaydu waxay bartaan is-fahamka, kalsoonida, communication basics, time management iyo study skills.

Sannadka labaad: Teamwork and Leadership

Ardaydu waxay bartaan wada-shaqaynta, public speaking, leadership, conflict resolution iyo decision-making.

Sannadka saddexaad: Professional Skills

Ardaydu waxay bartaan CV writing, interview skills, project management, digital communication iyo internship preparation.

Sannadka afraad: Career Readiness

Ardaydu waxay ku tababartaan job readiness, entrepreneurship, networking, professional ethics iyo final practical project.

Qaabkani wuxuu Soft Skills-ka ka dhigaya kuwo si tartiib-tartiib ah u kobcaya, halkii laga siin lahaa tababar gaaban oo aan lahayn dabagal.

Sidee loo qiimeyn karaa Soft Skills-ka ardayda?

Xirfadaha Soft Skills-ka laguma qiimeyn karo imtixaan qoraal ah oo keliya. Waxaa loo baahan yahay habab qiimayn oo muujinaya waxqabadka ardayga.

Jaamacaduhu waxay adeegsan karaan:

Practical Assessment: Ardayga oo sameeya presentation, project ama simulation.

Portfolio: Ardayga oo ururiya shaqooyinkiisa, mashaariicdiisa iyo caddeymaha horumarkiisa.

Peer Assessment: Ardaydu waxay qiimeeyaan wada-shaqaynta iyo ka qaybgalka xubnaha kooxdooda.

Self-Reflection: Ardayga oo ka fikira xirfadaha uu horumar ka sameeyay iyo kuwa uu u baahan yahay inuu sii kobciyo.

Internship Evaluation: Shaqo-bixiyaha ama supervisor-ka oo qiimeeya xirfadaha ardayga inta uu shaqada ku jiro.

Qiimaynta noocan ahi waxay jaamacadda ka caawinaysaa inay ogaato in ardaygu xirfadaha bartay iyo in kale, isla markaana ay horumariso habka waxbaridda.

Doorka macallimiinta, maamulka iyo xarumaha tababarka

Hirgelinta Soft Skills-ku ma aha masuuliyadda hal qof ama hal waax. Waa hawl wadajir ah.

Maamulka jaamacadaha wuxuu masuul ka yahay siyaasadda, manhajka, khayraadka iyo qorshaha hirgelinta.

Macallimiinta waxay door muhiim ah ka ciyaaraan abuurista jawi ardaydu ku fikiraan, ku hadlaan, ku wada shaqeeyaan, kuna bartaan xalinta dhibaatooyinka.

Ardaydu waa inay noqdaan ka qaybgalayaal firfircoon, diyaar u ah inay tijaabiyaan, khaladaadkooda wax ka bartaan, isla markaana horumariyaan xirfadahooda.

Shaqo-bixiyeyaasha waxay jaamacadaha la wadaagi karaan baahiyaha suuqa shaqada, waxayna siin karaan ardayda internship iyo practical opportunities.

Xarumaha tababarka waxay ka caawin karaan jaamacadaha inay diyaariyaan tababarayaal, workshops, curriculum support iyo barnaamijyo horumarineed oo la jaanqaadaya baahida ardayda.

Waxaa muhiim ah in iskaashigan lagu saleeyo qorshe cad, heshiisyo, masuuliyado iyo qiimayn, si uu u noqdo mid waara.

Talooyin wax-ku-ool ah oo jaamacadaha Soomaaliyeed bilaabi karaan

Jaamacad kasta oo doonaysa inay Soft Skills-ka horumariso waxay ku bilaabi kartaa tallaabooyin macquul ah:

  1. In la sameeyo qiimayn lagu ogaanayo xirfadaha ay ardaydu hadda leeyihiin iyo meelaha ay ku liitaan.
  2. In la sameeyo curriculum ama module Soft Skills ah oo ku habboon heerka jaamacadda.
  3. In macallimiinta la siiyo tababar ku saabsan active learning iyo practical assessment.
  4. In semester kasta la qabto ugu yaraan dhowr workshops oo xirfadeed.
  5. In la abuuro student clubs ku saabsan leadership, debate, entrepreneurship iyo volunteering.
  6. In la xoojiyo internship iyo xiriirka jaamacadda iyo shaqo-bixiyeyaasha.
  7. In ardayda la siiyo fursado ay ku sameeyaan mashaariic wax-ku-ool ah.
  8. In la qiimeeyo natiijooyinka barnaamijka, lana sameeyo horumar joogto ah.

Hirgelinta tallaabooyinkan waxay u baahan tahay qorshe, taageero maamul iyo ka qaybgalka ardayda. Jaamacaduhu uma baahna inay hal mar wax walba beddelaan; waxay ku bilaabi karaan pilot programme, kadibna ku ballaarin karaan natiijooyinka laga helo.

Gunaanad

Waxbarashada sare waa inay ka jawaabtaa baahiyaha ardayga, bulshada iyo suuqa shaqada. Jaamacaddu ma aha oo keliya meel lagu helo shahaado, balse waa goob lagu dhiso aqoon, dabeecad, xirfad, kalsooni iyo awoodda qofku ugu adeegayo bulshada.

Soft Skills-ku waxay ardayda ka caawinayaan inay aqoontooda u beddelaan waxqabad, inay la qabsadaan isbeddelka, inay la shaqeeyaan dadka kale, isla markaana ay abuuraan fursado shaqo iyo horumar.

Sidaas darteed, jaamacadaha Soomaaliyeed waxaa muhiim u ah inay Soft Skills-ka u arkaan qayb ka mid ah tayada waxbarashada, ee aanay u arkin tababar dheeraad ah oo gooni u taagan.

Ardayga jaamacadda ka qalin-jabiya waa inuu la baxaa saddex waxyaalood: aqoon uu bartay, xirfado uu ku shaqayn karo, iyo awood uu ku sii baran karo nolosha oo dhan.

Haddii aan doonayno jaamacado soo saara hoggaamiyeyaal, hal-abuurayaal, macallimiin tayo leh, xirfadlayaal iyo ganacsato, waa inaan maanta bilownaa inaan Soft Skills-ka ku dhex darno waxbarashada sare.

Waxbarashada tayada leh ma aha oo keliya waxa ardaygu yaqaan; waa sidoo kale waxa uu awood u leeyahay inuu aqoontiisa ku sameeyo.

Tixraacyo iyo akhris dheeraad ah

  • World Bank. (2023). Higher Education and Employability: Skills for the Changing World of Work.
  • Advance HE. Embedding Employability in Higher Education Framework.
  • Agilan, N. (2026). A conceptual framework (the IDEA framework) for developing soft skills to enhance graduate employability in higher education institutions.
  • Hashi, A. H. (2026). Readiness for adopting outcome-based education in higher education institutions in Mogadishu, Somalia.
  • Hassan, M. H. (2026). Digital skills development for employability in Somali higher education: Policy priorities and training implementation gaps.
  • Mohamed, B. S. (2026). How Lecturer Pedagogy Shapes the Market-Readiness of IT and Computer Science Students in Somali Universities.

No comments:

Post a Comment

Soft Skills iyo Jaamacadaha Soomaaliyeed: Sidee Waxbarashada Sare loogu Diyaarin karaa Arday Awood u Leh Nolosha iyo Suuqa Shaqada?

Qore: Nadiira Abdirisak Jama Education & Training Professional | Educator | Founder of Higsi forum Hordhac Waxbarashadu waa tiirka ug...