Monday, June 26, 2023

Gorfeynta buugga: "Wax akhris miro dhal ah"












Bugaan waxa qorey suriyan ah oo magiciisa la dhaho DR Cabdilkariim bin Muxamed Al-Xasan Bakkar waxa uu ka mid yahay qorayaasha caanka ka ah dhinacyada waxbarashada iyo fakar. 

Dulucdan uso koobey , waxa aan ku soo koobay dhinacyada wax-akhriska ah ee kaa caawin kara in aad horumariso habkaaga wax-akhris-haddii aad hore wax u akhrinaysay-ama kaa caawin kara in aad wax-akhriska bilowdo.

Tiirarka akhriska 

Halkan, tiirarka wax-akhriska, waxa aan uga jeedaa waxa loo baahan yahay in la helo si loo faafiyo dhaqanka wax-akhris ee bulshadeenna, kuwaas oo kala ah.

1- Dhiirigelin

Haddii aad rabto inaad wax akhrido, raadso dhiirigelin aad ku akhrido. Si aanad jidka badhtankeeda ugu istaagin, oo aanad ka caajisin ama aanad u dareemin in wax akhriskaagu aanu qiimo lahayn.

2- Samaynta dhaqanka wax akhriska

Tani waa mas'uuliyadda waalidiinta, ka dibna xarumaha waxbarashada si ay u dhamaystiraan waxa waalidku bilaabay. Haddii aad doorbidayso inaad dhisato caado inaad wax akhrido, waxaan kugula talinayaa inaad hubiso buugga "Awoodda Caadada."

3- Bixinta kitaabka

Halkani waxa uu qoraagu ku diiday dooda dadka sheegaya in qiimaha buugaagta qaaliyoobay, isagoo sheegay in dhibtu aanay ahayn lacag la’aan, balse ay tahay wax damac ah oo ay ka qabaan shirkadda buuga, sida uu hadalka u dhigay. wuxuu raacay in uu soo bandhigay xalal qalafsan - sida uu tilmaamay - si uu u bixiyo buugaag.

4- Wakhti u lumin wax akhriska

Tani waa cudur daar kale oo loogu talagalay kuwa aan akhriyin, iyo xalka? Qoraagu wuxuu kugula talinayaa inaad heshid "saacadaha dahabiga ah" markaad ku jirto meesha ugu sarreysa ee hawshaada iyo inaad u isticmaasho akhriska.

5- Abuuridda jawi wax-akhris

Waxaad u abuuri kartaa jawi akhris sax ah adiga oo raacaya talooyinkan:

• Abaabulka iyo nadiifinta goobta wax-akhriska si xilliyo ah

• Meeshu ha noqoto mid hawo leh oo iftiin fiican leh

• Ka fogow buuqa iyo buuqa intii aad awooddo

Ku fadhiiso kursi raaxo leh; Waxay kugu dhiirigelinaysaa inaad sii waddo akhriska

Bixi agabka lagama maarmaanka u ah akhriska; sida tixraacyo iyo qaamuusyo

Meel dhig nasashada nasashada waqti ka waqti si aad uga fog

 Noocyada wax akhriska

1: Akhrinta daahfurka:

Tirada buugaagta ayaa si joogto ah u koraysa oo sii kordheysa. Tani waxay lagama maarmaan ka dhigaysaa inaan baranno xirfad noo suurtagelinaysa inaan dooranno buugga ku habboon. inaad doorato buugga kugu habboon:

1- In la akhriyo hordhaca buugga: si loo ogaado qaybta uu buuggu u adeegayo, iyo haddii uu sharraxayo ama ka hadlayo arrin gaar ah.

2- Akhrinta Tusaha Mawduuca: in la sameeyo dulmar guud oo buugga ka tarjumaysa isku xidhnaantiisa iyo midnimadiisa ujeeddada

2: Akhriska degdegga ah 

AKhriska degdega ah waa xirfad lagu kasbado hababka qaarkood oo kordhiya xawaaraha akhriska qofka ee qoraal weyn ama mid yar iyada oo la gaadhayo fahamka wakhtiga.

3. Akhris xul ah

Akhris xul ah: Waa akhrinta uu qofku si qoto dheer ugu dhuuxo mawduuc gaar ah, tusaale ahaan:

 akhrinta buug gaar ah si uu u raadiyo fikrad gaar ah, 

Markii halkaaan la jogo buugtu waxey ukla baxaan 2 nooc 

 Nooca 1 aad :

Buugaag goobta ku jira oo ka kooban mawduuca aad rabto inaad dhex gasho, tani waa isha koowaad ee raadintaada. 

Nooca 2aad :

Buugaag aan ka tirsanayn goobta uu ka kooban yahay mawduuca aad rabto in aad u dhex gasho, akhriska noocaan oo kale waxa uu la mid yahay in aad ka raadiso irbad caws ku jir

4 - Akhrinta gorfaynta:

MarKa aad heer sare ka gaadho akhriska, waxa aad ka faa’iidaysan kartaa buugga oo aad dul istaagi doontaa dhaliilaha uu leeyahey 

5 - Akhrinta muhimka ah:

Waa akhriska ujeeddadiisu tahay in la helo macluumaad, fikrado iyo fikrado la xidhiidha mawduuc gaar ah, sida uu sameeyo cilmi-baadhaha raba in uu wax ka qoro mawduuc.

Mahadsanidin.

Nadiira Abdirisak Jaamac









Saturday, June 10, 2023














Magaca Buuga:   80/20 Principle

Qoraaga: Richard koch (dhalashadiisa ingiriis)

Aragtida: Vilfredo Pareto (italian)


Xeerkan waxa lagu magacaba pareto law ama the princip
of at least effort.

Waxa uu pareto ogaaday xeerkan kadib markii 80% dhu
talyaaniga ee la beeranayay uu ogaaday in ay leeyihin 20%
dadka ku nool wadanka. kadib wuxuu tijaabiyay beer uu laha waxa uu arkay 20%  midhaha uu galiyo ay soo saaran 80% maxsuulka ka soo baxa

Aragtidan waxa aad u isticmaala ganacisayada iyo qayb
kale ee bulshada.

*Tusaaleyaal*
Pareto waxa uu ina leeyahay marka aynu dib ugu noqo

nolosheena caadiga ah waxyaabaha aynu ku guulaysano

80% waxa ay ka yimadeen 20% Waqtigii aynu galinay.

80% output kaaga waxa uu ka yimi 20% input kii aynu
galinay.

Ganacsiga hadii aynu u fiirsano 80% wax so saarka ka ama

Adeega  uu bixiyo shirkadu waxa iibsada 20% macaamiisha.

Dambiyada aduunka ka dhaca 20% dambiilayaal ah u
sababa 80% dambiyada.

■Sida caadiga ah dharkeena waxaynu xidhna 20% kami
halka 80% ka kale ay yaalaan.

Hadaba xeerkan waxa dib usii raacay Prof iyo dad cilmi
badhayaal ah. Waxa kamid aha.
●Prof George bare ka ahaa jamacada Harvard
Juran oo caalim reer japan ah


*Hadaba waa maxay Ahmiyada xeerka 80/20*

Qoraagu waxa uu ina leeyahay Sabab kasta waxaynu u
haysanaa in ahmiyad inoo leedahay

Waxaynu u haysanaa dhamaan in macaamiishaada

 ganacsigaaga   ku xidhan inoo leyihiin ahmiyad isku mid ah,

 Balse markasta waxa inoo muhiim ah 20% faa iidada kuso dara

 aytahayna in aynu xooga  saarno waxaynu u haysana in dham

n maxsulka ka aynu iibinayno , ahmiyad ino wada leyihin balse

 waxa muhiim ah inta yar ee Macaamisheena   aadka u iibsadaan in aynu badino.

■Waxa aynu u haysanaa in dhamaan shaqalaha  shirkada 

 muhiim inoo wada yihiin balse waxa muhiim ah in inta yar

ee maxsuulka shirkada  kor uqaada dhiiri galino.

In asbuuc  kasta bilkasta iyo sanad kasta aynu qabano

waxyaabo inoo wada muhiim ah balse taa badalkeeda

waynu mashquulsanhy lkn wax yar ayaa faa iido leh.

In dhamaan asxabtu faa iido inoo wada leyihin balse inyar

oo kamid ah ayaa nolosheena wax kuso kordhisa.

In dhamaan  wicitaanadu  aynu samayno ino wada muhiim yihin

balse 20% aya laga yabaa in shaqo ama hawl muhiim ah u


samaysay iyo qodobo kale.


*Hadaba qoraagu waxa uu ina leyahay xeerkan waxa uu
anfacacayaa in uu adeegsado*

qof kasta oo  caqli u saaxiib ah 

Qaybaha kala duwan ee bulshada waliba ganacsiyada.
Xeerkan waxa uu ku siinaya xoog saaris waxa uu yareenaya 
waqtiga.

III : Xeerkan waxa uu ku siinaya xog saarid  waxa uu yareenaya 
Waqtiga.

*Hadaba sidee u dabaqi karna*

Marka hore baadh waxa aad qabato nolol maalmeedkaaga 
Kadib  ahmiyada sii shayga kuugu muhiimsan.

Kadib ogow shaqada aad ka hesho faa iidada ugu badan
taasna  xoga saar  (Hadii lacagtaada ugu badan kaso gasho
Qaybta ugu yar dhaq dhaqaaqaga taas xooga saar )

Meesha ka saar waxyaabaha waqtiga badan galiso balse
aan faa iido badan lahyn.

Buugan waa buug sida guud ka hadlaya hal fikrad oo
ah 80/20 Principle 
lkn waa xeer aad ugu muhiim ah
nolosheena, Waxa uu inoo fududaynaya hadii aynu dabaqno

in Aynu meesha ka saarno waxyaabaha aynu waqtigeena

galino ee aan faa iidada ino lahay (Waxa laga yaabaa in aad

malinkii oo dhan mashquulsanthy balse hadii dib ugu

noqono aysan wax badan oo faa iido leh inosoo baxayn)


Buugu waxa uu ka kooban yahay 16 chapter lyo ku

dhawaad 300 oo page waxa uu taabanaya dhinacyo badan

sida aad dadaal yar u bixin lahay ee aad hadana natiijo fiican
u heli lahayd.

Friday, May 19, 2023

So koobida nuxurka buuga Eat that frog 


Buuggan waxa qoray qoraa Canadian ah, Brian Tracy, oo ah qoraag

 buuggan waa qoraa ku xeeldheer culuumta hormarinta aadanaha,

 wuxuu qoray in ka badan 70 buug oo badi ku saabsan Culuumta

 hormarinta aadanaha. Buuggan "Eat that Frog" wuxuu ku saabsan

 yahay daaweynta dibUdhigashada ama berriyaynta iyo sida qofku

 Waqtigiisa uga faa'ideysan lahaa. Wuxuu anfacayaa qofwalba oo raba

 in Waqtigiisa ka faa'ideyso si uu noloshiisa u hormariyo. Qoraagu

 buugga wuxuuu kusoo bandhigayaa ilaa 21 hab oo qofku ku joojin

 karo dib u dhigashada Waqtigiisa na uga faa'ideysan karo

Waa kuwaan 21 hab 


1.jadwal dajiso

  • "Ku fikir warqad dusheda 
  • "Mid ka mid ah isticmaalka ugu xun ee waqtiga ayaa ah in la sameeyo wax aad u wanaagsan oo aan loo baahnayn in la sameeyo."
  • "Ka fikir yoolalkaaga oo dib u eeg maalin kasta. Subax kasta marka aad bilowdo, qaado tallaabo hawsha ugu muhiimsan ee aad qaban karto si aad u gaadho yoolkaaga ugu muhiimsan wakhtigan.

  • 2. Qorshayso Maalin kasta Horudhac

  • "Mar walba ka shaqee liiska."

  • "Liiskaaga samee habeenka ka horreeya maalinta shaqada ee soo socota."

  • "Waxaad u baahan tahay liisyo kala duwan ujeedooyin kala duwan."

  • "Marka hore, waa inaad abuurtaa liis Master ah oo aad

  •  ku qorto wax kasta oo aad ka fikiri karto oo aad rabto

  •  inaad sameyso mar mustaqbalka."

  • "Labaad, waa inaad haysataa liis bille ah oo aad

  •  sameyso dhammaadka bisha bisha soo socota."

  • "Saddexaad, waa inaad haysataa liis toddobaadle ah oo

  •  aad qorsheynayso usbuucaaga oo dhan ka hor."

  • "Ugu dambeyntii, waa inaad ka wareejisaa alaabta

  •  liiskaaga billaha iyo toddobaadlaha ah liiskaaga

  •  maalinlaha ah


  • 3. Ku dabaq sharciga 80/20 wax kasta

  • "Kahor intaadan shaqada bilaabin, had iyo jeer
  •  isweydii naftaada, 'Hawshu miyay ku jirtaa boqolkiiba

  •  20 ee ugu sarreeya hawlahayga mise boqolkiiba 80 ee
  •  ugu hooseeya?'"

  • "Ka hortag inaad isku daydo inaad nadiifiso

  •  waxyaabaha yaryar marka hore."

  • "Awoodda aad ku kala dooran karto kuwa muhiimka

  •  ah     iyo kuwa aan muhiimka ahayn waa go'aamiyaha ugu

  •  muhiimsan ee guushaada nolosha iyo shaqada."

  • 4Isticmaal habka ABCDE si joogto ah

  • "Waxaad ku bilaabaysaa liis ah wax kasta oo ay tahay

  •  inaad sameyso maalinta soo socota. Ka fakar warqad.

  •  Kadibna waxaad dhigtaa A, B, C, D, ama E agteeda shay

  •  kasta oo liiskaaga ku jira ka hor intaadan bilaabin hawsha ugu horreysa."

  • Thursday, May 11, 2023

    Gorfeynta Buuga :- Men are from mars, women are from venus.



     



    Magaca buuga :Men Are From Mars, Women Are From Venus 

    Raggu waxay ka yimaadeen Mars, Dumarkuna waxay ka yimaadeen Venus

    MARS :Mars waa meeraha afraad ee ka yimaada Qoraxda - waa duni boodh leh, qabow, oo saxare ah oo leh jawi aad u khafiif ah.

    Venus:   Venus waa meeraha labaad ee ugu dhow Qorraxda. ... Waa meeraha ugu kulul ee Nidaamka Qorraxda. ...

     

    Qoraaga buuga  : John Gray


    Wadanka lagaso saarey  :United States


    Luuqada  :English


    Nooca  : Non-fiction/ aan khayaali aheyn


    Bogga. : 307


    Gorfeynta Buuga :- Men are from mars, women are from venus. 


    Horudhac

    W/Q :Nadira tissue


    Bismillaah, ugu horeyn waxay mahad o idil u sugnaatay Alle SW oo ii suura galiyay akhrinta buugan hoose, waxaa qoray John Gray o ah qoraa u janjeedha ama wax ka qoray xidhiidhada dhex mara lamaanayasha, buugan waxa uu suuqa soo galay 1992 ilaa iminka na waxa uu ku jiraa buugta dhinacaa loogu jecel yahay waxaa la daabacay 15 Million o jeer iyadoo isla markaa na loo rogay afaf gaaraya 45.  


    Fariinta uu buuga dirayo.


    Buugu waxa uu ka kooban yahay 307 bog oo u qeybsan 13 cutub o runtii mid ba midka kale ka xiiso badan yahy, guud ahaan buugu waxa uu diirada saaraya kala duwanaanshaha u dhaxeeya RAGA iyo DUMARKA, qoraagu marba doc buu iska dul taagay farqiga, tan hore qoraagu waxa u sharaxayaa jaceyl ka iyo darfaha aynu ka kala taaganahay Rag iyo Dumar ba. 

    Halkan qoraagu waxa uu lee yahay Ragu waxa ay daremaan in jaceyl loo hayo marka la xuso abaal ka ay galaan, loo mahadceliyo ama aaminaad loo muujiyo, halka dumarku ay jaceyl dareeman marka loo muujiyo damqasho, daneyn, xushmad iyo dareen kooda o la fahmo. Ragu waxa ay xiiseyan walxaha sida dhisida buundo, soo saarida gaari cusub ama xalinta dhibaato jirta halka dumar ku ay aad uga fog yihiin. Iyagu wa dumar ke waxa ay daneeyan quruxda, xidhiidhada iyo dadka. 


    Qoraagu waxa u lee yahay halka kale e leysku maandhafsan yahay wa raga o ku foogan xalinta mushkiladaha, ha ahaato mid gurigiisa ka jirta ama mid guud ba, docda kale dumar ku sidaa maaha iyagu ma jecla isuma na hawlaan in ay ka hadlaan dhib heysata xalkeeda e dhibta lafteeda ayay ka hadlaan sidaas ayay na nafis ku dareeman, 

    tusaale :- Waxa dhici kareyso in xaas kaagu ay ku tiraahdo waxan aad ugu xiisay hooyadey, markiiba waxa laga yaaba inteena badan inan lasoo deg degno wayahee orod oo aad. Sidaa maaha hada ba raggow iyadu waxa ay cabireysaa kaliyah xiisaha mugga weyn ay u qabto hooyadeed, hadii aad si dareen leh uun kaliyah u dhageysato wax weyn ayay u noqon laheyd.


    Hadii aynu u nimaadno walwalka la tacaalidiisa aad baan ugu kala duwanahy gabadhu waxa ay jeceshahay in ay ka hadasho walwalka laftiisa si ay isaga dulqaado culeyska heysta, halka nin ku aanu sida aheyn; Waxa uu jecel yahay inu isu kali yeelo dhibta soo food saarty ilaa uu xalkeeda helo, waxa dhici karta in ay xaas kaagu kugu celceliso in caruurtii ay ka go'een canaha ama kirada guriga ba wakhtigedii dhaaftay, ku cel-celintaa adigu wa kugu culeys halka iyadu nafis ku dareemeyso. 


    Dumar ka iyo ragu wa kala af. 


    Qoraagu waxa uu halkan lee yahay "Martian and venusian languages had same words, but the way they were used gave different meanings" 

    Waxa aynu isku dayeynaa in aan halkan ku xusno ereyada qaar e laga yaabo in gabadh ama xaas kaagu ba ay malin ku tiri, macnaha uu noqon karo iyo macnaha sax da ah e aynu innagu u naqaan. 


    A. Dibada uma wada baxno "We never go out" waxa laga yabaa in markii ba aad lasoo boodo saw innagii wada baxnay bishii hore. Iyadu se waxa ay ula jedaa o qoraagu soo warinayaa "Gacaliye muddo meynan wada bixin waxan jeclan lahaa inan wakhti gaara isu helno" 


    B. Gurigu marley ba aad ayuu isugu dhex yaacsan yahy. "The house is always mess" Lkn mar waliba sidaa maaha inad dhahdo ayaa dhaceysa, iyadu se waxa ay ula jedaa macne kale o ah. "Hawsh guriga wan ku daalay waxan doonaya nasiino, ama waxaa dhici karta in ay markaa jeclan laheyd inad ka caawiso hawsha guriga. 

    Marka ay xaas kaagu sida u cawato ama kuula hadasho hadii aad si dareen leh kaliyah u dhageysato, wax weyn ayaad u qabatay, taasi in badan ma dhaceyso o ragu waa "More solution oriented" kuwa mar waliba ku foogan xal raadin. 


    Dumar ku waxyaabaha yar yar farqi weyn ayay u sameyaan "For a women little things make a big difference" 


    Qeybtan qoraagu waxa uu ku doodaya in dumar ku ay isku doc ka taagan yihiin wax yaabaha yar-yar iyo waxyaabha wa weyn.



    Ninku waxa uu modaa inuu abaal gud fiican ka helayo xaaskiisa hadii uu u iibiyo gaari ama ba u kaxeeyo dalxiis, halka uu isle yahy abaalgud badan kuma heleysid xaas kaaga o aad laab galiso, ubax u keentid ama aad casho geysid, tusaale :- Gabdha waxa isugu mid ah kirada guriga o aad wakhtigeeda bixiso iyo inaad ubax u keento bishiiba mar, waxa xaqiiq ah in habluhu kala duruufo yihiin gabadha joogta Galbeed ka waxaa laga yabaa in ay wax weyn u aragto xaflad dhalasho ay dhigato ama ubax yaroo lo keeno halka tan joogta wadan kii laga yaabo in aysan macno buuran u yeelan arimahaa o idil. 


    Sameynta wax yaabaha yar yar wax weyn ayay dumar ku u tahay, ragu se ma fahamsana intooda badan tusaale :- gabadha jaceyl ka ay nin keeda u qabto waxa lagu tusaaleyn karaa taan-giga shidaal ka qaada e gaariga ku xeran o kale had ba halka aad gaari karto waxay ku xeran tahay sida aad u buuxiso taangiga, shidaal ka dhaqaajin dona qalbiga xaas kaga wuxuu noqon donaa waxyaabaha yar yar e aad u sameyso. Hadda ba raga qaar baa iswaydiinaya maxey noqon karaan wax yaabaha yaryar e dhaqaajin kara niyada gabadha,


     aynu eegno tusaalle yaal uu ina siiyay qoraha, sida aan horey usoo sheegay ba waxaa dhici karta in waxyaabaha yaryar e aynu xusi doono qeyb ka mida aysan dumar keena jooga wadan ka aysan farqi u sameyn, balse waxa ay ku xeran tahay hadba baahida gabadha iyo deegan ka.


    1) Marka aad shaqada kasoo rawaxdid e aad guriga timaadid, raadi o laab gali


    2) Mar waliba dhageyso o si dareen leh u dhugo


    3) Mar waliba xusuusnow tariikhaha agteeda qaali ku ah, sida aqalgalkiina ama dhalashadeeda


    4) Mar waliba gacan kasii hawsha guriga


    5) In badan o malin ka kamida ku dheh wan ku jecelahay o laab gali. 


    6) Xusuusnow waxyaabha ay ka hesho 


    7) Marka aad wada hadleysan u dhawaaw o gacmaha u saar gacmaha 


    8) Mac-macaan usoo iibi ama cadar 


    Intaa iyo ka badan ba hadii ay raggu sameyan xaasas koodu abaal bey uga heyn laheyeen. Ragu iyaga uma baahna waxaa oo daal ah, kaliyah waxa ay kaaga baahan yihiin waji furan iyo mahdcelin dabacsan.


    Ragu garaacasho ayay lee yihiin e garasho male.


    Innagoo ku baraarugsan kala duwanaanshaha u dhaxeyaa raga iyo dumar ka waxa jirta gabadhu in ay aaminsan tahay hadii u qofkani jecel yahay looma baahna inad waydiiso waxaa iyo waxaa halka ragu aysan sidaa aheyn. Hadii aysan gabadhu waxba waydiin nin ku waxaa dhacda inuu aamino inaysan waxba qaldaneyn, hadii uu markaa nin ku fahmi waayo hadal ka waxa dhaceyso in ay gabadhu hadalka dadabto tasoo runtii xalada sii murjin karta, aynu wada eegno tusaale yaashan hoose iyo sida ay habluhu hadal ka u dadbaan.


    A. Qudaarta gaariga ayay ku jirtaa wali, wa soo qaad anigu wan daalanahaye


    B. Wakhti aan casho ku sameeyo ma hayo, markan waxay ula jedaa dibada casho ma innaga so siin kareysaa 


    C. Haanta xashiish ku way buuxda o xashiis kale ma qaadeyso, waxa ay ula jedaa haanta xashiish ka inoo soo baneey

    Waxa laga yabaa in raga Soomalida iyo dumar kooda ba aysan halkan isla soo gaarin maadama aysan wax badan wadaagin marka la joogo hawsha guriga, hadii halkaa ba leysla soo gaaro qoruhu waxa uu ku talinayaa in ay habluhu hadal ka toosiyan o kalsooni hadlaan.


    ◇ Gabagebo


    Buugu runtii wa mid intaan ka balaaran, waxanse isku dayay inan aragti guud ka baxsho, waxan kugula talin lahaa inaad buuga baadi goobto hadii nuxur ku kaa daadegay. Waxan kale o aan rabaa inan ka afeefto wixii gaf ah e iga dhacay, ha ahaato hab qoraal ka faalada ama qaladaad kale e naxwe. 


    Mahadsanid.

     Nadiira Abdirisak jaama



    https://youtu.be/ibfHhZh2FSM


    Sunday, March 5, 2023

     

    Casharradii aan ka bartay buuga maskaxda  oo la maamula  ma aha maamulka waqtiga



    1.In aad wax soo saartid maanta maaha maaraynta wakhtiga ee waa maaraynta maskaxda.

     2.Maareynta waqtigu waxay wanaajisaa kheyraadka waqtiga. Maareynta maskaxdu waxay wanaajisaa ilaha tamarta hal abuurka.


    3 Dhammaan saacadaha ma wada sina : Haddii aad wax qorto saacad maalintii, sannad gudihii waxaad yeelan doontaa buug. Laakiin taa beddelkeeda si fudud uma qori kartid 365 saacadood oo toos ah, oo aad hesho natiijo isku mid ah


    4.Xeerka Saacadda Kowaad si fudud waa kan: Bixi saacadda ugu horreysa ee maalintaada si aad uga shaqeyso mashruucaaga ugu muhiimsan.


    5.Haddiiaad bilowdo maalintaada in aad ka shaqeyso waxa ugu muhiimsan, waxaa yaraanaysa fursadda ay waxyaallaha kale kuhoristaagikaraan.


    6. Mararka qaarkood maskaxdaada ayaa ku habboon in ay si hal abuur leh u fikirto. Mararka qaarkood maskaxdaada ayaa ku habboon in si gorfayn ah looga fikiro.


    7. Barta waqtigu waa in aan la buuxin inta ugu badan ee suurtogalka ah halbeeg waqti la siiyay. Ujeedka waqtigu waa in waqtiga loo isticmaalo hage si loogu noolaado nolol buuxda.


    8. Kordhinta celceliska hal saac ee hurdo maalmeedka waxay kor u qaadaysaa wax soo saarka wax ka badan hal sano oo waxbarasho ah.


    9. Marka aad si aan kala sooc lahayn ugu beddelato hawl kale, tamartaadu way soo daadataa


    10. Daraasad Harvard ah ayaa lagu ogaaday in shaqaalahaaqoonta badan ay yihiin, inta ay yar yihiin hal-abuurka; Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in markii shaqaaluhu noqdeen kuwo mashquul ah, ay yaraadeen waxqabadyada fikirka hal-abuurka sida; maskax-dhisidda. Waxay soo sheegeen fikrado yar iyo shaqadooda sidoo kale waxaa lagu qiimeeyay inay yihiin kuwo ka yar hal-abuurka asxaabtooda.


     11 Heerka qaylada wuxuu  kaloo saameyn karaa awoodaada inaad si hal abuur leh u fikirto...daraasadyadu waxay soo jeedinayaan in heerka dhawaaqa asalka ah ee ku saabsan todobaatan decibels


    12. Arrimuhu ma adka in la sameeyo; waxa adag waa in aan nafteena gelino xaaladda maskaxda si ay u sameeyaan.


    Thanks for reading 



     

    SO KOOBIDA BUUGA the 10 keys to success

     



     






    Horudhac buugga the 10 keys to success

    buugga the 10 keys to success waxaa qoray John Bird aas-aasaha the big issue. Waxaa buuggaan magaciisa la yiraahdaa 10 ka fure ee guusha. The 10 keys to success waa buug aad u kooban oo qiyaastii ah 86 bog. Buuggaan waxa uu koobanyahay 10 cutub, cutub walba waxa uu qoraagu ku sharaxay mid ka mid ah furayaasha uu arkay in ay kuwa guush


    Cutubka 1aad: Noqo sida ama waxa ugu wanaagsan ee aad noqon karto

    Furaha 1aad eeBuugga The 10 keys to success waa in aad noqoto waxa ugu wanaagsan ee aad boqon karto . Marka aad rabto in aad noqoto qof guuleysta waa in aad noqotaa waxa mise sida ugu wanaagsan ee aad noqoon karto. Waxaad xasuusataa in aadan noqon karin waxwalba ee aad rabto in aada noqoto laakiin xaqiiqada ayaa ah in aad wax uun noqon karto. Marwalba isku day in aad si daacadnimo ah oo taxadar leh aad u eegto awoodahaaga  ama xooganaantaadaiyosidoo kale daciifnimadaada.

    Waxaa taas dheer waa in aad go’aansataa habka ugu wanaagsan ee aad u isticmaali karto xooganaantaada iyo awoodahaaga iyo sida aad usiii xoojin karto. Ka fikir oo go’aanso daciifnimada aad u badali karto xooganaan. Macnaha meeesha aad hada daciif ka katahay oo aad ka dhigi karto mid ka mid ah aawoodahaaga. Iyo sidoo kale go’aanso daciifnimada aadan wax ba ka badaliikarin. Sababtoo ah qof walba iin waa uu leeyahay laakiin iin walba lama sixi karo oo lama hagaajin karo. Marka kala garo iinta aad hormarin karto iyo midda dabiiciga ah eedan waxba ka badali karin si siixi deede  aadan waqti iskaga lumin.


    Sidoo kale kashaqee oo diiradsar waxa aad heysatao halkiii aad ka rajeyn laheyd waxa adan heysan  mise wax qof kale uu heyto.  Waalaga yaabaa in dad badani ay waqti   ku lumiyaan fiiritaanka iyo rajeynta waxyaabaha dadka kale heytaan laakiin tan aad guusha ku gaari karto ayaa ah in marwalba aad isticmaasho waxa aad heysto oo aad ayaga hormariso halkii aad dayici laheed. Sidoo kale waxaad xasuusataa in dhamaanteen wax uun sameyn karno laakiin marka 1aad waxa loobaahanyahay ayaa ah in aad hesho waxa aad sameyn laheed. Markasta oo aad dareneto waxaan ad heyso in ay wax saxan yihiin waa marwalboo ay tahay in aad ka shaqeyso waxaas wiliba sida ugu fiican.


    Cutubka 2aad: maalin kasta u dagaalan yididiiladaada 

    Furaha labaad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aad u dagaalantaa yididiiladaada. Marwalba oo aad rabto in aad guull gaarto waa in aad si feecan ukala saari kartaa waxa aad rabto iyo waxa aadan rabin, waxa muhiimka kuu ah iyo waxa aan kuu aheyn, waxa aad qiimeyso iyo waxa aadan qiimeyn. Kadib, waa in aad isku daydaa in aad iska indho tirto fikradaha khaldan. Macnaha kuwu taban oo aan wanaagsaneyn oo kasoo horjeeda waxa adiga muhiimka kuu ah. Waa in aad joojisaa in aa dadka kale kka raadiso aqbalaad xitaa ay haddii ay kuu dhawyihiin. Maadama aad taqaan qiimaha iyo ahmiyadda waxa aad rabto muhiim maahan in aad dhageysato fikradaha dadka. 


    Isku day in aad ku noolaato aduun dhab ah oo aad ka dhigto waxa ad rabto waxx shaqeynaya. Wa alaga yaaabaa in dadka qaar ay ku khaldaan waxa la dhaho riyo maalmeed iyo yididiilo. Ha isku khaldin waa kala labo. Ahmiyadda  saar yididiiladaada. Ha is ka dhiibin oo ka cajisin in aad yididiiladaad gaarto. Maalinn kasto u dagaalan yididiiladaada.


    Cutubka 3aad: waqtiga saxda ah ha sugin 

    Furaha 3aad ee buugga The 10 keys to success waa in aan la sugin waqtiga saxda  ah. da d badan maanta ficil ma ay sameeyaa waayoo waxa ay sugayaan waqtiga saxda ah oo ay blaabi lahaeyeenn ficilkaas laakiin xaqiiqda ayaa ah in waqtiga saxda ah uu yahay maalinta aad adigu go’aan gaarto. Waqti sax ah ma jiro oo wax la bilaabo laakiin waxa kaliya ee aad u baahantahay ayaa ah in aad hadda bilaawdo. Yacni haa waad ku fikiri kartaa diyaargarowga sida uu muhiim uyahay oo marka aad rabto in aad wax blaawdo waa in aad u diyaargarowdaa ma fiicna in aad iskaga boodo adoon u diyaar aheyn laakiin waa in aad hadda bilaawdo diyaaargarowga. 


    Ha sugin in ay wax walba si dhameystiran ay kuugu socdaan, dabcan waad la kulmee caqabad iyo carqalad. Laakiin waa in aad hormar sameysaa oo caqabad walba aa dcashar ka qaadataa. Mararka qaar  waa caadi in aad cabsi dareentaa laakiin waxa muhiimka ah ayaa eh in cabsi daarteed aadan u joojin howsha aad wado. Waa caadi waana wax wanaagsan in mararka qaar aad waxa ka badasho qaabkii aad horay wax ugu waday laakiin marwalboo oo aad dareento in isbadal la rabo waa in aad sameyso isla xiliga aad dareento.


    Cutubka 4aad: Hubi in waxaaad jeceshahay ee yihiin wax shaqeyn kara oo dhab noqon kara


    furaha 4aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aad hubisaa in waxa aad rabto in aad sameyso ay yihiin wax shaqeyn kara. Qof walba waxbuu jecelyahay oo fikr ayuu ku hamiyaa in uu hirgaliyo. Laakiin waxaad ogaataa himilo weyn iyo hadaf weyn muhiim maahan laakiiin muhiimadu waa  ma shaqeyn karaan hadafyadan aad leedahay. Haddii hadafkaaga aan la xaqiijin karin micnaha waxa aad wadaa waa wax kama jiraan. Waa in yoolkaagu uu noqdaa mid laga shaqeysiin akro oo la xaqiijin karo. Hadaad moodo in yoolkaagu uu muhiim yahay macnaha maahan in qof walba ay sidaas u arkeyso. Waxaad na ogaataa marwalba oo fikir kaagu uu yahay mid adag oo aan horay loo arki jirin waa marwalba aoo ay bataan dadka kaa hor imaanaya mise waa mmarwalba oo  ay adkaataa in aad iibiso fikirkaas. 


    Laakiin ogaaw haddii aad adigu aamiinsantahay fikirkaaga oo wax badna oo fikirkaaga ku aadan aad heyso mise taqaan waa marwalboo ay kuu sahlanaato in aad si fududu  sharaxdo oo aad dadka ka iibiso. Hadaad isku kalsoontahay dadkuna waa ay ku aaminayaan. Kaliya iskutaxaluji sida aad naftaada u aamini karto oo aad iskugu kalsoonaan karto kadibni hubi in yoolkaagu uu yahay mid dhab noqon kara oo aduunka maanta ah ka suurtagala in uu ka hirgalo, intaas kadib iksu day in aad fikirkaaga dadka ka gaddo.


    Cutubka 5aad: tillaabooyin yar yar ku bilaaw

    Furaha 5aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aadan quursan tilaabooyinka yar yar. Qofkasta  in uu gaarid sameeyo waa uu rabaa laakiin waxaa lagu kala duwanyahay xiliga la bilaabo gaaridda iyo sida loo joogteeyo. Waa laga yaabaa in aad yool weyn aad leedahay laakiin waxaad isku daydaa in yoolkaada aad ku bilaawdo tillaabooyin yar yar kuwaasoo kuu jiheynaya dhanka yoolkaaga. Isku dar ka tillaabooyinka yar yar waxa ay dhalin kara natiijo loo wada riyaaqo. Ku bilaaw waxyaabaha sida fudud loo qaban karo ooloogu guuleysan karo. Waligaa ha iilaabin in aad aasaaska 1aad diirad saarto. Haddii aad aasaas sameyso waad sii dhisii kartaa yool walba. Kaalminaasha iyo in ad wax dhameystiran heshaa meel iska dhig, kaliya isku day sida aad hormarro yar yar ah aad u sameyn karto.


    Birito haka fikirin laakiin maanta si fiican ugu shaqeeya waxa aad heysato. Sidoo kale xasuusnaan, xitaa ganacsiyaha waaweyn waxa ay kasoo bilaawdeen wax yar iyo meel hoose. Marka haka xishoon in aad meel hoose wax ka bilaawdo. Nacasnimo maahan in marka 1aad aad sameyso waxyaabaha fudud. In waxyaabaha fudud aad bilaawdo waxaad kuheleysaa kalsoono iyo caqli kadibna waad awoodi kartaa in aad u gudubto waxyaabaha ad adag.


    Cutubka 6aad: safar dheer u diyaar garoow

    Furaha 6aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aad u diyaar garowdid safar dheer. Cutubkaan waxa uuna faarayaa in furayaasha guusha mid ka mid ah ay tahay in loo diyaargaoobo meesha fog ee aan hiiigsa rabno. Hiigsagaada ma gaai kartid sahan ku filan la’aantiis. Waa in aad sahan kugu filan aad diyaarsataa si’aad hiigisgaada u dhabeyso. In fikir kaaga iyo naftaada aad aaminto waa qeyb ka mid ah u diyaar garowga. Inta aad diyaar garowga ku jirto waxaa lagama maarmaan ah in aad dhib la kulmeyso, laakiin dhibka iyo caqabadaha haka cararin.


    Marka howsha aad ku  jirto ay shaqeyn weyso, aqbal guul darrada, in aad waxbadashana isku day si hal waddo oo guul aysan ka soo socon aadan ugu qalalin. Laakiin hadakaaga msie hiigsagaaga marna ha iska dhiibin. Majiraan wax si dabiici ah loo gaaaro. Wax kasa oo la gaaray waaa loo diyaar goobay, oo dhabar adeyg ayaa loo muujiyay. U dhabar adeyg si aad u gaarto yoolkaada, xasuusnaawna waxkasta oo aad sameyneyso waxbey ku soo kordhinayaan guushaada.


    Cutubka 7aad: guuldarrada qaado

    Furaha 7aad ee Buugga The 10 keys to success waa in aanan ka cararin guuldarrada. Waanoo caado ibni aadan ahaan in aan ka cararno guuldarrada. Laakiin isku day in aad aqbasho gafaf kaa dhacaya iyo khaladaadka aad sameyneyso. Aqbal oo garwaaqso in gafka casharvla gabarto, guul darraduna ay tahay macalin ka ugu wanaagsan. In aad guuldarrada ka cabsato wax ay la micna tahay in si buucda aadan noloshaada ugu  noolaan. Haka cabsan guuldarrada oo awood in aad noloshaada ugu noolaato si dhameystiran.


    Marwalboo aad guul darreyste noqto waa  marwalboo aad si fudud aad ubarato casharada nolosha. Ka takhalus cabsida aad guuldarra ka qabto oo diirad saar in hadafyada aad rabto in aad gaarto halkii aad cabsidaada buunbuunin laheed. Haddii aad wax isku daydo oo waxaasi ay shaqeyn waayaan xasuusnaaw in aad guuleysatay. Waxaad baratay in waddo khaldan aad qaaday taasina waa cashar wanaagsan. 


    Cutubka 8aad: naftaada banaankeeda eeg 

    Furaha 8aad ee Buugga The 10 keys to success waa in aan eegno heerka dadka kale mise nolosha dadka kale. Haa waa laga yaabaa in aad ku fiikireyso in ay tahay in marwalb aad naftaada uun eegto, macnaha in naftaada aad la tartanto oo dadka kale aadan la tartamin. Haa waa sax. Wax fiican maahan in aad la tartanto dadka kale oo naftaada aad barbar dhig u sameyso. Laakiin waxa cuutubkaan uunafarayo ayaa ah in aan eegno hareerahaeen iyo waxa dadka kale ay sameynayaan. Waa wax fiican in naftaada aad  la baarbardhigto kuwa kale si aad wax ugu barato.  Waa inaad ogaato wax ay ku wanagsanyihiin iyo waxa aadan ku wanaaganeyn si aaad isku hormariso.


    Caado ka dhigo in aad ayaga weydiiso su’aalo. Caado ka dhigo in aad wax baarto oo aad indho indheyso. Daka uu ogolaaw in ay hadlaan oo adna dhagayso si aad wax ugu barato. Ha moodin in aad wax kasta taqaano oo ha joojin in aad dadka noloshooda aad wax ka barato. 


    Cutubka 9aad: ogsoonow in guushu ay isbadbadasho

    Furaha 9aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aan ogaano in aan ku guuleysan karno waxyaabo badan. Cutbkaan waxa noo sheegaya in guusha aysan aheyn wax cayiman. Waxaa laga yaabaa in markii aad yool gaarto kadib aad cajis dareento sababtoo waxa dhan ee aad rabtay yoolkaas ayuu ahaa hadana waad gaartay. Laakiin waxaad ogaataa in guushu aysan aheyn wax nagan oo hal  meel ku saabsan. Marwlaba horay waa u socon kartaa oo waad yeelan kartaa yool kale si aad u dareento micno iyo dhiiranaan oo aadan aduunka ugu arag wax gaaban.  Markasta oo aad meel ku guuleysato waxaajirto meelkale oo aad ku guuleysan karto. Macnaha guul walboo aad gaartoo waxa ay kuu fureysaa albaab kuu sahlaya in aad hadaf yeelato oo aad bursato hadafkaas.


    Guushu marwalba waxa ay siyaadineysaa kalsoonidaada oo markaad guul gaaaarto waxaad dareemee in aad marar badan aad guuleysan karo oo aad waxyaabo badan aad qaban karto. Guusha waxa ay kuu fududeynee inaad tijaabiso waxyaabao badan oo kala gadisan.


    Cutubka 10aad: qofna albaab ka muu uu kuu furayo adiga mooyee

    Furaha 10aad ee Buugga The 10 keys to success  waa in aan xaqiiqsano in qofna aysan albaab noo fureyn in anagu aan nafteena u furno maahe. Aduunka haddaad rabto in aad guul gaarto waxaad ogaataa in qof aan adiga aheyn aysan kaa caawin karin in aad tilaabo qaado. Waa adiga qof ka ay tahay in uu fikiro. Isku day in aad fikir la imaato si aad u noqoto qof guuleysta. Ka fikir meeloo kale duwan iyo yooolal kala duwan oo la ga gaari karo nolosha. Fikirkaaga iskuday inn aad ficil ku daarto waayoo aduunka ficil la’aan waxba ma shaqeynayaan. Haddii fikirlaaga aadan ficil u badalin ogsoonoow yoolshaada ma xaqiijin kartid. Wax walba waxa ay noqonayaan riyo maalmeed. Waa adiga uun qofka ay tahay in uu ficil qaado. Qofna adiga ficil kuuma sameyneyso aad ku gaarto hadafkaaga. 


    Ficil kadib ka shaqee yool kaaga. Waqtiga ugubadan gali. Maskaxda ugu badan gali. Fikradodan soo aruurso. Hadba wixii khalda badal. La jaanqaad isbadallada aan la xakameyn karinn oo nolosha ku gadaaman. Waa adiga uun qof ka aytahay in uu ka shaqeyyo yoolkaaga. Dadka caawimaad waad ka heli kartaa laakiin qofna sida aad rabto waxba kuuguma qabaneyso. Adiga uun ka shaqeey.  Fikir kadib, ficil ku xiji, ficil kadin shaqo adag ku dar, shaqo adag kadib waad guuleysatay. 


    Buugga The 10 keys to success waxa uu na siiyay 10 fure oo naga caawinaya in aan ku guuleysanno waxa aan rabo. Buugga The 10 keys to success waa mid ka mid ah buugaagta uga qurxda badan ee aan akhriyay.














    So koobida buuga   Dab iyo dhagax


    Hordhac

    Dab iyo Dhagax: Aafada Gaaleysiinta Muslimiinta

    Buugga dab iyo Dhagax: Aafada Gaaleysiinta Muslimiinta waxaa qoray Muxxamad Yuusuf. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 137 bog. Sida guud buugaan waxa uu ka hadlaya dhibaatada ay leedahay in qof muslim la gaaleysiiyo mise in la sahashado gaaaleysiinta muslimiinta. Bulshadeena aad ayeey ugu badantahay in shaqsiyaadka qaar ay ridaan xukun gaaleysiin ah.

    Buugggaan waxaa ku dhex jira 5 cutub oo kale ah; Duminta Darbiga,Hoobad,Kalmadda; Laa ilahaillallaah,Tusbax Furtayiyo Oodo Dhacameed. Waxaan isku dayi doonnaa in cutubkasta aan kala soo baxno Ujeedka iyo doodda adag ee uu xambaarsanyahay. 


    1.Duminta Darbiga

    Qeebtaan uu qoraagu ku magax daray Duminta Darbiga waxa ay ka hadleysa si guud sida diinta islaamka ay kusoo bilaabatay, xiligii Nabi Muxammad SCW lagu soo dajiyay nabinimada, sidii asxaabtu ay u soo dhaweysay, sidii mushrikiintu ay u dhibaateeyeen Nabiga SCW iyo saxaabada, hijrooyinkiii nabigu sameeyay, duullaannadii iyo hishiisyadii nabigu sameeyay, geeridii Nabiga SCW, iyo sidii saxaabadda khulaafada ay talda ugu kala horeeyeen. 


    Inta taariikhdaan uu qoraagu ku dhex jiray waxa uu iftiiminayay dadkii nabiga scw u dhawaa iyo sida saaxabada qaar ay maal iyo xoogba ugu horeen fidinta diinta. Tusaale ahaan, sida Cali uu uga qeyb qaatay markii nabiga iyo Abuu Bakar ay madiino u hijroonayeen, sida Abuu Bakar uu aga qeyb qaatay faafinta dacwada asagoo ku lugyeeshay  islaamidda Subayr ibnul Cawaam, Cusmaan ibnu Cafaan, Dalxa ibnu Cubaydillaah, Sacad ibnu Abii Waqaas, iyo Cabdiraxmaan ibnu Cawf.



    Waxaa taas sii dheer, kaalintii balaarneed ee Cusmaan qaatay.  Markii Muhaajiriintiii ay Madiino tageen waxaa ku adkaatay in ay cabaan biyaha magaalada mana aysan awoodin in ay gataan biyaha ka imaada ceelka macaan. Cusmaan ayaa ceelkii iibiyay uguna dhigay waqaf.  Sidoo kale, duulaan kii Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaariyo masjidka.


    Waxaa taas sii dheer, in markii uu dhacayay duulaankii ugu danbeeya uu nabiga ka qeyb galay oo lagu aaday Tabuuk ay adkaatay in la aruuriyo dhaqaalo lagu taageero ciidanka, laakiin Cusmaan ayaa keenay 1000 diinaar oo ciidanka lagu diyaariyo. 


    Cusmaan waa saaxibga qabay Ruqiya Bintu rasuul. Waa xaaskii uu jirradeeda darteed ugu haray ka qeyb qaadashada dagaalka badar laakiiin rasuulka ayaa ku yiri Cusmaan waxaad leedahay ajarka iyo qaniimada qof ka qeyb qaatay Badar. Ruqiyo markii ay dhimatay Cusmaan waxaa loo guuriyay Ummu Kalthuum oo ah gabadha Nabiga. Waana sababta loogu baxshay Cusmaan “Dan Nuureyn.”


    Caa’isha RC waxa ay tidhi: maalin ayaa Nebiga SCW oo guriga jooga dhinacna u jiifa (dengiiga), oo bawdadiisa ama dhudhunkiisa maradii ka faydantay, waxaa u yimid Abuu Bakar RC isaga oo sidiisi ah waana ay sheekaysteen, dabadeedna waxaa u yimid Cumar RC isaga oo sidiisi ah waana ay sheekaysteen. Ka dib waxaa u yimid Cusmaan RC, markaas ayaa uu Nebigu SCW fadhiistay maradiina hagaajistay. Markii laga wada tagay, ayaa ay Caa’isha weydiisay sababta uusan Abuu Bakar iyo Cumar dan uga galin e, uu Cusmaan isaga ururiyay. Nebigu SCW waxa uu ugu jawaabay: “Miyaanan ka xishoonayn nin malaa’igtu ka xishooto?!”


    Cusmaan waxa uu ahaa saaxibaga inta uu nabigu noolaa dacwada islaamka qeyb lixaad leh ka qaatay. Ka dib marka uu nabigu Dhintayna, Waxaa taladii Muslimiinta qaaday Abuu Bakar RC. Isna waqti badan ma joogin waxaana ku xigsaday Cumar RC. Sannadkii 24H waa tii Cumar RC oo salaaddii ku jira la dhaawacay ee maalmo ka dibna uu geeriyooday.


    Kadib, Cusmaan ayaa loo dhiibay taladii. Waxa uu Cusmaan khaliif  ahaa 24H ilaa 35H markaas oo gurigiisa lagu dhex dilay. Cusmaan waxaa dilay rag aaminay oo iska dhaadhiciyay in uu san diinta si sax u heysan.


    Waa ay gaaleysiiyeen Cusmaan, Ayagoo ku doodaya in Cusmaan ibnu Cafaan ku jiray raggii cararay maalintii Uxud, in uu ka maqnaa Beder oo uusan ka qaybgalin, iyo  in uu ka haray Baycatur Ridwaan oo uusan goobjoog ka ahayn. 


    Waxa ay iska indho tireen in Alle ka cafiyay cararkii maalintii Uxud(eeg Aala Cimraan: 155), in ka maqnaashaha Beder ay sababtay jirradii gabadhii Rasuulka Alle SCW ee uu qabay  oo uu Nebiga SCW ayaa ku yidhi waxa aad leedahay ajarka nin Beder ka qaybgalay iyo qaniimadiisi, iyo  In Baycatur Ridwaan ay dhacday intii uu Makah ku maqnaa, Nebiga SCW ayaana gacantiisiimidig| 3yidhi waa gacantii Cusmaan oo ku dhuftay gacantiisii bidix isaga oo dhahaya: waa baycadii Cusmaan.


    Qeybtaan uu qoraagu ku magac daray Dab iyo dhagax waa qeybta muujiinaysa halka ay kasoo bilaabatay gaaleysiinta qof Muslim ah. Dadkaas wax gaaleysiinaya waa dad aan heysan cilmi ku filan haddii aysan lahaayeen sidaas uma sahashaded xukun ka gaaleysiinta Cusmaan ayeey gaaleysiiyeen. Waa saxaabiga ka mid ah 10kii jannada loogu bishaareeyay,  waa saxaabiga uu nabigu yirii malaa’igtaa ka xishooto. 


    Dadkii gaaleysiinayay waa dad ayagu waxa isku beegbeegtay, aan  raadin xaqiiqo iskuna  maleeyay in ayagu ay waddo sax ah hayaan. Cusmaan RC inta ay gaaleysiinayeen hal mar ma uusan galeysiin mana uusan ula dhaqmin qaabkii ay u dhaqmayeen. 


    Waa ay dileen, hantidiisana waa ay bilaqeysteen iyagoo leh gaal dhiigiisa uu xalaal noo yahay miyaa hantidiisu ay xaaraan naga noqee. SUBXAANALLAH.


    UGU DANBEYN , Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalana kuuma geyso.”—Gaaleysiinta Muslimiintu dadkana waa ay kaa dhex saartaa, adduun iyo aakhirana waxba lagama dheefo aan dab iyo dhibaato ka ahayn. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka ashahaadanaya. 

    2.Hoobad


    Qeybtaan waxa ay ku saabsantahay dhibaatadii bilaabatay markii Cusmaan la dilay sida ay u siii socotay iyo sida muslimiinta kala firirkooda oo usii joogtoobay. 


    Cusmaan dilkiisa ka dib Cali ayaa khaliif noqday. Muslimiintu waxa ay u kala jabeen qaar dhaha Cusmaan ayaan u aareyn iyo qaar diida. Shaam oo Mucaawiye RC ka talinayay ilaa xilligii Cumar RC, aad baa looga gubtay wixii dhacay, dadkiina dagaal baa lagu guubaabiyay. Oo waa ay diideen in ay ka amar qaataan Cali oo haa khaliifka.

    Cali waxa uu goostay in uu Shaam iyo Mucawiyo ku duulo maadama ay ka amar diideen. Koox kale oo Caaisha ay hogaamineyso ayaa aaday Basra si ay ciidan u aruursadeen kuwa 


    Cusmaan dilay oo halkas joogana u laayaan.Cali RC waxa uu go’aansaday in uu Basrah u dhankeeda u leexo  inta uusan Mucaawiya iyo Shaam aadin. Dagaal ba’an ayaa dhacay. Dhan waxaa hoggaaminaya Cali RC, dhanna hooyadii Mu’miniinta Caa’isha bint Abii Bakar RC oo ay weheliyaan Subayr RC iyo Dalxah RC. 

    Ugu dambayn Cali ayaa gacansarreeyay, Caishana gurigeeda ayaa loo soo celiyay. Cali RC iyo Caa’isha RC labaduba aad ayaa ay uga xumaadeen musiibada dhacday.

    Fidnada bilowgeedu dadka waa uu indhatiraa waana dhegatiraa. Hadhow baa la wada dhahaa: maxaa nagu watay! Dalkeenna dagaalkii sokeeye ee ka dhacay, wixii dil, kufsi, dhac, burbur,… ka dhashay, cidna xisaabta kuma darsan markii Siyaad Barre beddela qorshuhu ahaa. Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yaman,… 


    Cali RC markii uu Ciraaq arrinteedii meel saaray, waxa uu sii watay qorshihii hore iyo in uu Mucaawiyah RC arrintiisa meel saaro. Dagaal ayaa la isugu soo baxay waxaana muddo la isku horfadhiyay Sifiin. waa la dagaallamay ilaa warammadii af beeleen, fallaadhihii dhammaadeen, seefihiina jajabeen.


    Sifiin dadkii labada dhinac iskaga dileen waxaa lagu qiyaasay toddobaatan kun (70, 000)—45 kun oo reer Shaam ah iyo 25 kun oo reer Ciraaq ah. 77 maalmood baa la isjafayay! 


    Camr ibnul Caas RC ayaa ku la taliyay Mucaawiyah RC in Cali uu u diro musxaf uguna yeedho

    kitaabka Alle. Cali waa uu oggolaaday in Kitaabka Alle loo xukuntamo.Waxaa lagu hishiiyay in Cali RC uu wakiisho qof ka masuul ah, Mucaawiyana sidoo kale. Labadaas qof ayaa ka fadhiisanaya go’aanna ka sameynayo wixii maslaxada Muslimiintu ku jirto. 


    Mucaawiyah RC waxa uu wakiil ka dhigtay Camr ibnul Caas RC, Calina RC waxa uu wakiil ka dhigtay Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC. Laakiin Cali waxaa ka diiday khawaarijtii Cusmaan dilay ee la socday, waxa ay dhaheen cid aan Abuu Muusaa al-Ashcari RC ahayn ma rabno.


    Markii la damcay in qoro warqadda labada wakiil, waxaa dood ka dhalatay Cali waa amiirkii Mu’miniinta iyo haddii uu yahay miyaan la dagaallami lahayn! Cali ayaa yirii tirtira amiirul mu’miniin oo ku qora Cali ibnu Abii Daalib, isaga oo soo xusuustay heshiiskii Xudaybiyah. 


    Hishiiskaan Cali ayaa qoray oo Qureysh ayaa dhaheen Nabiga uma aqoonsanin nabi. Markaas ayuu Nabigu SCW uu yiri ku badal Muxammad ibnu Cabdullahi. Cali ayaa diiday oo yiri tirtiri maa laakiin Rasuulka ayaa yiri iii idhiib aniga ayaa tirtirayee.


    Muhiimaddu waxa ay aheed in labada qaadi wax ku xukumi doonaan Kitaabka Alle, wixii ay xukunkiisa ka waayaanna ay sunnada Nebiga SCW ka eegi doonaan. 

    Ciidankii Cali rag ka mid ahaa ayaa ka  horyimid arinkii iyaga oo leh sidee ayaa xukunka diinta Alle aad rag gacanta ugu galinaysaa?  Waxa ay dhaheen Cid aan Alle ahayn wax ma kala xukumi karto.


    Sidoo kale waxa ay Cali ku heysteen sababta uu uga taanaasulay daarajada amiirnimada, laakiin Cali waxa uu yiri: Rasuulka Alle waxaa idiin ku sugan ku dayasho wanaagsan—ciddii Alle iyo maalinta aakhiro rejaynaysa. Waayoo Rasuulka ayaa tan horay u sameeyay Xudeybiyah.


    Cali waa ay gaaleysiiyeen oo asagoo khudbeynaya ayeey ku lahaayeen shirki ayaad waddaa oo Alle iyo rag baad diintii wadaajisay, xukunkana Alle keli ah ayaa iska leh. 


    Habeenkii dagaalka Khaybayrka horreeyay ayaa waxa ju Nebigu SCW yiri: “Berri calanka waxa aan siinayaa nin jecel Alle iyo Rasuulkiisa, Alle iyo Rasuulkiisuna ay jecel yihiin, isaga ayaana furaya Khaybar.” Cumar RC waxa uu yidhi: “Maalintaa oo keli ah ayaa aan jeclaystay madaxtinnimo.” 


    Kadib subaxdii ayaa uu Nebigu SCW calankii qaaday oo Cali RC ayuu u dhiibay, sidii ayaana Cali ku keenay guul oo qalcadihii Khaybar ee adkaa uu ku qabsaday. Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaariyo masjidka.


    Caliga kawaarijtu ay gaaleysiinayaan waa Saaxaabigaas. Waa saxaabigu nabigu ku yiri:  miyaadan raalli ka ahayn in aad ii joogtid halkii Haaruun u joogay Muuse—aan ka ahayn in aan nebi kale iga dambaynayn? 


    Cali marna ma gaaleysiin, shirki kuma eedayn, waxa uuna yidhi: masaajidda Alle idin ka hor istaagi mayno, dagaalna idin ku bilaabi mayno ilaa aad nagu bilowdaan.


    Labo sano ka dib, sannadkii 40-aad bishii Ramadaan, habeen Jimce ah, ayaa ay ku sugeen masjidka dhexdiisa. Dadkii isaga oo salaaddii subax u toosinaya, ayaa ay weerareen. 


    Cabduraxmaan ibnu Muljim ayaa isagoo dhaahya hadalkii khawaarijta ee Alle mooyee cid kale xukunka ma laha, adiga Cali ah iyo saaxiibbadaana ma laha, waxa uu seeftii ku dhuftay Cali RC. 3 ayeey aheeyeen. Mid baa fakaday, midna waa dhintay, Cabduraxmaan ibnu Muljimna waa la qabtay. 


    Cali oo dhaawac ah ayaa yir hadaan dhinto dila, hadii aan noolaadana anaa aqaan waxaan ku sameyn. Markiii Cali dhintay waxaa lagu aasay daartii imaarada cabsi laga qabo in khawaarijtu ay la baxaan meydkiisa owgeed.


    Cali waxa uu islaha ku didaal muslimiinta midnimadooda laakiin darbigii dumay dib uma dhismin.


    3.KALMAD: LAA ILAAHA ILLALLAAH

    Usaamah ibnu Sayd ibnu Xaarithah kama uusan qeyb galin dagaalkii uu Cali ku jiray asigoo dhahaya  Caliyoow waan jeclaan lahaa in xitaa aan af libaax kaa daba galo si aan u wada dhimano lakiin arintaan socota kama qeyb qaadanayo. 


    Sababta Usaama uusan dagaalkaas ugu qeyb qaadan ayaa ah in Usaama uu dilay nin mushrik ahaa oo dhibaato badan ugeystay muslimiinta. Ninkaan markii la qabtay ayuu ashahaatay lakaiin Usaama muusan deyn ee waa uu dilay. Arinkii ayaa Nabiga SCW gaaray. 


    Markaas ayuu nabigu yiri ma asagoo ashahaadanaya ayaa dishay?   Markaas ayaa Usaame dhahay rasuul Allow waaa uu ku gabanayay? Dhowr jeer ayaa nabigu ku celceliyay su’aashaas oo Usaame uu isku difaacayay jawaabtaas. Markaas  ayaa rasuulku yiri maxaad qalbigiisa u jeexi weysay si aad u ogaato in ay run ka tahay iyo inkale? Sideed ka yeeli kalamadda laa ilaaha illaalaah?


    Waa maalintaas marka Usaama uu ballanqaadka la galay Nebiga SCW. balanqaad kaasoo ah  in uusan la dagaallamin cid dambe oo dhahaysa laa ilaaha illallaah. Waana sababta uu u diiday in uu Cali RC la safto, isaga oo ka fogaanaya in uu galo dagaal u dhexeeya Muslimiin, sababta uu doono ha lahaado e.


    Waxaad halkaan ka fahmee in qof ashahaadanaya aadan xukmin karin oo aadan dhihi karin waa uu kuu qaraabanayaa. Waayoo adigu ma ogid waxa qabigiisa ku jira. 


    Qisa kale oo waxaa jirtay mar in muslimiintu ay dagaal galeen kadibna ay qabteen nin. Ninku muslim ayuu ahaa laakiin qaraabadiisa ayuu iska qarinayay. Markii uu arkay ciidnaka muslimiinta ayuu ashahaatay. laakiin waxaa dilay al-Miqdaad ibnul Aswad. 


    Kadib ayaa arinkii nabigu gaaray. Markaas ayaa nabigu SCW yiri Miqdaadoow ma waxa aad dishay nin dhahaya laa ilaaha illallaah? Sideed berri ka yeeli laa ilaaha illallaah?!  


    mar kale ayaa Miqdaad uu Nebiga SCW weydiiyay: —Rasuulkii Allow, haddii aan la kulmo gaal oo aan dagaallanno, oo inta uu gacanta seef igaga dhufto uu jaro, dabadeedna inta uu geed ku gabbaddo uu yidhaahdo waa aan islaamay, ma dilayaa ka dib marka uu intaa yidhi? Nebigu SCW waxa uu yidhi: 


    —Ha dilin.


     —Rasuulkii Allow, gacmahaygii baa uu mid gooyay, ka dibna sidaas ayaa uu yidhi, ma dilayaa? 


    —Ha dilin. Haddii aad dishid, isagu waxa uu joogaa meeshii aad joogtay intii aadan dilin ka hor, adiguna waxa aad joogtaa meeshii uu joogay intii uusan weedhiisaa odhan.


    Waxaa qeybtaan ku  jira dhwor qiso oo mujinaya ixtirraamka qof ka ashahaadanay.


    Diintu waxa ay ina fartay in aynu dadka kula dhaqanno waxa ay muujiyaan ee la inama farin in aynu quluubtooda daalacanno. Qofka ashahaadanaya xurmadiisa meesha ay diintu ka joogtana waa aynu aragnaa. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka ashahaadanaya. Kuna dayo Nebiga SCW oo kalimatu tawxiidka xaqeeda sii, qofkii dalladdeeda hoos hadhsanayaana nabad iyo tixgalin ha kaa helo.


    4.TUSBAX FURTAY

    Dilkii cusmaan iyo Cali iyo gaaleysiintii indhaha la’ayd ee ay Khawaarijtu waday wixii ka dhashay ilaa maanta waa ay socdaan. Waa aynu soo aragnay wixii dhiig dareeray iyo sidii ummaddu u kala furfuratay ee u kala qaybsantay. Dilkii Cusmaan RC ayaa noqday bilawgii fidnada, hubkii Muslimiintu isu qaateen iyo dhiiggii dhexdooda ay iska daadinayeyn ayaan joogsan. 


    Muslim hub isku qaatay oo sidii ay rabeen wax u noqotay lama hayo, markii maalmo la nastaba mid kala furanta. Dilkii Cusmaan RC waxa uu nay marxalad kalawareeg. Wixii ka dambeeyayna ummaddu guud ahaan xilli fidno iyo kala qaybsanaan ayaa ay ku jirtay.


    Xudayfah RC waxa uu leeyahay: dadku waxa ay Rasuulka wax ka weydiin jireen khayrka, aniguse waxa aan weydiin jiray sharka, aniga oo ka cabsanaya in uu i haleelo. 


    Waxa uu yidhi: Rasuulkii Allow, waxa aan ku jirnay jaahiliyo iyo shar, ka dibna khayrkan baa Alle noo keenay, ee khayrkan shar ma ka dambayn doonaa? 


    —Haa. 


    —Sharkaana khayr ma ka dambayn doonaa? —Haa, laakiin ma dhammaystirna oo waa uu kala dhantaalan yahay. 


    —Oo iintiisu maxay tahay?


     —Dad aan ku socon hanuunkaygii, oo wax aad garato iyo wax kalaba wada.


     —Khayrkaa shar ma ka dambeeyaa? —Haa, kuwo albaabbada Jahannama dadka ugu yeedhaya oo ciddii raacda ku tuuraya. —Rasuulkii Allow noo tilmaan.


     —Waa kuwo innaga ah oo muuqeenna leh, afkeennana ku hadlaya. 


    —Maxaad i faraysaa haddii aan arko?


     —Ku dedaal jamaacada Muslimiinta iyo hoggaamiyahooda . 


    —Haddii aysan jamaaco iyo hoggaamiye jirinna? 


    —Kooxahaas oo dhan ka fogow, xitaa haddii aad geed jirriddii qaniinsanaato ilaa adigoo sidaas ah geeridii kuu timaaddo. 


    Nebigu SCW waxa uu sheegay Xudayfa in khayr uu jiri doono laakiin kheyrkaad uu san sidii hore ahaan doonin. Laf jabtay sideedii ma noqoto, macnaha muslimiinta sidii ay iskugu xirnaayeen oo isku raacsanaayeen ma dhacayso. Kala dhantaalkaas waa in lagu xisaabtamaa.


    Saxaabadii ayaa fidnada ka nabad qabi weyday oo dhexdooda ayaa dagaal ka dhacay marka dadka kale maxaa laga sugayaa?


    Nebigu SCW bilowgii Islaamka waxa uu juhdi aad u badan  galiyay sidii uu dadka diinta ugu sheegi lahaa, uguna qancin lahaa.


    Caa’isha RC waxa ay leedahay: Qur’aankii ugu horreeyay ee soo degay waxa uu ahaa suurado gaagaaban oo ka hadlayay Jannada iyo Naarta, ilaa ay dadkii ka qaateen Islaamka, ka dibna waxaa soo degay aayadihii xalaasha iyo xaaraanta. Haddiise waxa ugu horreeya ee soo degaa uu ahaan lahaa: ‘ha cabbina khamriga,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tagi mayno khamriga.’ Haddii ay soo degi lahayd, ‘ha sinaysannina,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tagi mayno sinada’.


    Sidaas oo kale waa in bulsho kasta loo tarabiyeeaa oo diinta loogu kala fududeeyaa. Dagaal iyo gaaleysiin iyo qasab waxba kuma hagaagayaan mana ahan hadyigii Nabiga SCW. Bulshadu xumaan iyo wanaag waa ay falaan. Marka eeg wanaagga marka 1aad intii xumaanta aad si dagdag ah u xukmin laheed.


    Si bulshada aad wanaag ugu hogaamisid waa in hubka aad meel dhigato, oo afka aad kula hadleyso aad dabcisid oo wanaajisid. Macnaha ha gaaleysiin, hana caayin. Xisaabtana ku darso bulshadii Nabiga scw oo kale marna arkimeysid ee isku day in kala dhantaalnaanta aad ku waddo.


    Dib u milicso sidii Nabigu howsha uu ugu sameeyay heerar. Mid u soo bandhig, haddii ay kaa yeelaan midkale, ku wad si tartiib ah. Hal mar dadka laguna qasbo nolol iyo dhaqan aysan lahaan jirin. Waa in si taako ah loo baraa oo loo fahansiiyaa oo loola qabadsiiyaa oo waqti la siiyaa.


    Qofku marka uu darermo macaanidda diinta isaga ayaaba qaadanaya amarada. Marka adiga kaalintaadu waa in aad jecleysiidaa oo aad ugu kaalmeysaa wanaagga.


    Xitaa gaalada diinta ka baxday asxaabtu kama aysan quusan jirin, anaguna waxaan sumadeyheynaa qof muslim ah oo macsi kaliya ku dhacay.

    Diintu caadifad iyo xammaasad waa ka balaarantahy kaliya waxaad dadka ku leedahy wax u sheeg, qofna qasab iyo habaar kuma lihid. Qof ka shacabka ah uma banaana in wax u sheegiisu uu gaaro hub iyo dagaal.


    Waaniye iyo bishaareeye noqo intii aad iska dhigi lahayd qaadi maxkamad fadhiya. Alle ayaa dadka xisaabinaya ee adigu waani, oo wanaag iyo hanuun la jeclow — ka guuleyso iyo dood helid iyo foorjayn yaysan kaa noqon. Dad badan oo mawjad fidno ahi sidato ayaa jira ee ha ku sii riixine xadhig u tuur oo soo jiid. Intii aad dhihi lahayd ‘kaafiryahow’, ku dheh ‘waxani waa gaalnimo ee iska daa’. 


    5.Oodo Dhacameed

    “Haddaad ka mid tahay dad safar ah oo habeen meel xeeb ah seexday, oo iyagoo hurda baddii ku soo dhawaatay, oo aad adigu ugu hor toostay, ha qaylin ee tartiib dadka u toosi. Qayladu inay ka nixiso oo ay badda ku yaacaan ayaa dhici karta. Haddaad isu qabto inaad adigu heshay hanuun diimeed oo dadku ka hurdaan, ama maanfurnaan iyo ilbaxnimo dadkii kale ka gaabiyeen, fadlan ha nagu qaylin. Inaan meel qaldan u boodno ayaa laga yaabaa ee bal wax na fahamsiiya. Xoogaa waa dhega nugul nahay, laakiin yaan afarta jiho nalooka qaylin.” —Cabdulqaadir Diiriye 


    —Cabdulqaadir Diiriye 

    Gaaleysiintu waa xukun ka qofka aan heysan xukunkii islaanimada. Qof kasta uma banaana in ay wax gaaleysiiso. Cid aan ahayn qaadi iyo culamada aqoonteedii leh kama xayuubi karaan qof islaanimadiisa. Qaadi sharci ah iyo guddi culamo kaliya ayaa go’aankaa loo dabo fadhiisan karaa.


    Qof hadii tuugnimo lagu eedeeyo waxaa loo baahanyahay qaadi xukun kaas rida, sidoo kale qofka sinada lagu eedeeyo iyo dadka hantida isku heysto, marwo iyo nin la kala furayo, iwm, dhamaantood waxa ay ubaahanyihiin qaadi xukunka rida. Sidaas oo kale ma banaana in qof dhiiggiisa la bannaysto xukun  qaadi la’aantiis. 


    Dhiigga Muslinku miyuusan wax kasta ka xurmo badnayn? Kacbada duminteedu miyaysan ka fududayn in dhiig Muslin xaqdarro lagu daadiyo? Adduunka oo inta uu suulo la waayo gebi ahaantiisaba, miyaysan ka dhib yarayn in qof Muslin ah xaqdarro lagu dilo? Qofka miyaan loo oggolayn haddii la kala doorransiiyo in la dilo ama uu sino ku dhaco, in sinadaasi u bannaanaanayso si uu naftiisa u badbaadiyo? Miyaan loo oggolayba in uu gaalnimo ku kaco si uu naftiisa u badbaadiyo haddii la qasbo?


    – Dab iyo Dhagax

    Waxaa laga yaabaa in aad ku fikrto mise aad ku eedeyso in maamuladda Soomaaliya ay hareer mareen shareecada islaamka sababtoo ah waxa ay sameysteen Dastuur mana banaana in la isku xukmiyo wax aan shareecada islaamka aheyn. Waaa sax laakiin dastuurka Soomaaliya, Soomaaliland, iyo Puntland intuba waxa ay qorayaan in dalkaan diintiisa ay tahay islaam, diin ka baxsan tan islaamkana aan lagu faafiin karin gudaha deegaannadaas iyo in dastuurku uusan qabanayn qodob kasoo horjeed kitaabka Alle iyo sunnada.


    In diinta ku dhaqankeeda laga gaabiyo  iyo in laga hor imaado oo la dafiro gabi ahaanba waa kala labo. Maamulada Soomaaliya ka jira diinta ma dafirsana laakiin khalad waa ay sameeyaan oo waa dhacda si shareecada hareer marsan in ay u dhaqmaan taasina macnaheeda maahan in gaalo lagu tilmaamo markii ay gaf sameeyaan.


    Maamul iyo qofna waa kala labo. Maamul shareecada ku dhaqma ayaa waxaa ku jiri kara qof shareecada aan oggolayn. Nebigu SCW waxaa salaadda la tukanayay oo jihaad la aadayay munaafiqiin aan diintaba aaminsanayn. Waxa la xukumayaa waa nidaamka ee qofka sidiisa ayaa loo abbaarayaa.

    Haddii dowladu aysan fulin xaddi sharciyeedyada macnaheedu maahan in ay gaalo yihiin oo ay ogolaadeen in fasahaad dhaco. Xilliga nabiga waxaa dhacday dad soo sineystay oo nabi inta u yimi ku yira na dahir nabiguna yiri orodo iska baxa oo Alle danbi weydiista. 


    Sideedaba diintu maahan wax qof lagu dhibayo. Waxwalba waxa ay ku saleysan yihiin inta aad awoodo, iyo in aad ukala hormariso sida ay u kala qatar badanyihiin.  


    Wax aan Alle kugu adkayn la iskuma adkeeyo. Adiga oo helaya nidaam aad yoolkaaga ku gaadhi kartid, in aad dagaal iyo dhiig daata ka doorbiddid, waa caqli xumo iyo diin xumo.

    Siyaasadda ummad lagu hoggaaminayaa waa in ay ku dhisan tahay sidii loo heli lahaa maslaxadda ugu badan, wixii dhib ahna loo yarayn lahaa, haddii aan la baabi’in karin. Waana qodobka ay shareecadu ku dhisan tahay. 















    Active learnng 📝

      Title  Moving Beyond Passive Listening: Active Learning for Deeper Understanding Introduction Active learning is a teaching approach in ...