Friday, April 11, 2025

Sida Loo Dhiso Xiriir Saaxiibtinimo adiyo ilmahaaga



 
     Sida Loo Dhiso Xiriir Saaxiibtinimo Adag oo Dhex Mara Adiga iyo Ilmahaaga Marka Loo Eego Marxaladaha Da'diisa

👶 Marxaladda Koowaad (Dhalashada ilaa 3 sano) – Aasaaska Dareenka

Ujeeddada marxaladdan: Inaad dhisto xiriir kalgacal iyo ammaan dareen leh oo idin kala dhaxeeya.

• Ka jawaab degdeg ah baahiyihiisa: Marka uu ooyo ama u baahdo kalgacal, jawaab degdeg ah waxay sare u qaadaa kalsoonidiisa kugu qabo.
• Xiriirka jirka: Qabashada, dhunkashada, iyo eegmada tooska ah waxay dhisaan dareenka nabadgelyo.
•  La hadal si joogto ah: In kasta oo aanu fahmin erayada, codkaaga ayaa dejinaya.
• La ciyaar: Ciyaarta wadajirka ah waxay u dhawdahay inuu dareemo xiriir dhow.
• Muuji jacayl: Had iyo jeer u sheeg 'Waan ku jeclahay' si uu u dareemo amni.

👦 Marxaladda Labaad (4-7 sano) – Dhisidda Kalsoonida iyo Isfahanka

Ujeeddada marxaladdan: Inaad noqoto qofka ugu horreeya ee uu u yimaado marka uu u baahdo taageero.

•  Dhagayso si feejigan: Markuu hadlayo, si buuxda diiradda u saar.
•  Ku dhiirrigeli inuu is muujiyo: Weydii sida uu maalintiisu u dhacay, dareenkiisa, iyo waxyaabaha uu jecel yahay ama neceb yahay.
Ciyaar wadajir ah: Ciyaaro mala-awaal ah ama farsamooyin gacmeed waxay xoojiyaan xiriirka.
Xuduudo dejiso adigoo naxariis leh: Ha noqon mid aad u dabacsan, balse sharciyada u bar adigoo naxariis leh.
 Ammaan: U sheeg inaad ku faantay marka uu wax wanaagsan sameeyo.

🧑 Marxaladda Saddexaad (8-12 sano) – Dhisidda Madax-bannaanida iyo Kalsoonida Labada Dhinac

Ujeeddada marxaladdan: Inuu dareemo ammaan adiga agtaada, isla markaana aad siiso meel uu madax-bannaani ku yeesho.

•  Ixtiraam ra’yigiisa: U oggolow inuu go’aamo qaato, xitaa haddii ay yaryihiin (tusaale: dharka uu xiranayo).
Ka qayb geli wada hadallada qoyska: Tusi in codkiisu muhiim yahay.
Waqti wacan la qaado: Isboorti, akhris, karin—wax kasta oo idin ka dhaxeeya.
• Ka hadal anshaxa iyo qiyamka adigoo si fudud u sharxaya: Isticmaal sheekooyin iyo dhacdooyin.
Bar xalinta dhibaatooyinka: Ha u degdegin inaad xaliso mushkiladiisa, ka caawi inuu isagu fikiro.

👨‍🎓 Marxaladda Afraad (13-18 sano) – Dhisidda Saaxiibtinimada Dhabta ah

Ujeeddada marxaladdan: Inaad noqoto saaxiibkiisa dhabta ah, si uu kuula wadaago fikradihiisa iyo dhibaatooyinkiisa.

Ka fogaaw dhaleecayn joogto ah: Ha xukumin, balse u muuji garab istaag.
Ixtiraam gaar ahaantiisa: Ha faragelin wax walba, laakin joog markuu ku baahdo.
La hadal sida saaxiib: Iska ilaali amarada, fur wadahadal aan xukun ahayn.
Ku dhiirrigeli inuu dhiso aqoonsigiisa: Taageer hiwaayadihiisa iyo doorashooyinkiisa.
Aqbal khaladaadkiisa: Ha ciqaabin si adag, balse u sharax khaladka iyo cawaaqibka.

📌 Talooyin Guud oo lagu Ilaalinayo Xiriir Adag Marxalad Kasta

• Noqo tusaale wanaagsan: Carruurtu waxay wax badan ka bartaan ficilladaada.
Muuji jacayl joogto ah: Ha ka dhigin xiriirkaaga inuu ku xirnaado wanaaggiisa oo keliya.
• La qaado waqti gaar ah: Xitaa haddii aad mashquulsan tahay, waqti u gaar ah u samee.
• Dhagayso adigoon kala goyn ama ka yareynin dareenkiisa.
Ha isticmaalin rabsho ama cabsi: Xitaa markaad edbinayso, isticmaal habab deggan oo waxbaris leh.

💡 Gunaanad

Markaad carruurtaada u dhowaato marka ay yaryihiin, waxay kuu dhowaan doonaan marka ay waynaadaan.
• Dhisidda xiriir saaxiibtinimo adag waxay u baahan tahay dulqaad, danayn, iyo isfahan joogto ah – ma aha kaliya sharciyo iyo xannibaad.
Haddii aad ku guulaysato dhismaha xiriirkan, waxaad ku kalsoonaan kartaa in ilmahaagu uu kuu arko mar kasta qofka ugu dhow ee uu la tashado, oo uu ku aamino sida saaxiib dhab ah.


Turjumaadda: Nadiira Tissue


No comments:

Post a Comment

Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...