Sunday, February 26, 2023

 













So Koobid buuga Atomic Habits 

James Clear waa qoraa iyo hal-abuure maraykan ah waana qoraaga buugan   Atomic Habits: An Easy and Proven Way to Build Good Habits and Break Bad

Ones.Buuggani wuxuu ku saabsanyay sida caadooyin fiican (good habits)loo samaysto kuwa xun-na (bad habits)looga takhaluso. Waana buug practical ah oo qofkii jecel inuu naftiisa horumariyo ka dheehan karo talooyin fiican oo noloshiisa uu ku dabaqi karo.


Sidee wax loo caadaystaa?

Caadadu waa wax ay naftu  la qabsatay oo aad u samayn kartid hab ‘automatic’ ah oon u baahnayn inaad ka fekertid. Tusaale ahaan: hadaadcisha kasta markaad sidaa mobile-kaaga u furtid Facebook gashid hadhow caaday ku noqonaysaa oo adigoon isogeyn ayaad camalkan samayn kartaa. Maskaxdaadu wixii aad ku tababartid waxay u qaban kartaa hab automatic ah

. Hadaba, caadooyinku waxay u kala baxaanqaarhorumarkaaga u roon (good habits) iyo kuwo u daran (bad habits).

Sirta horumarkuna waa inuu qofku samaysto caadooyin wanaagsan oo naftiisa horumariya. Hadaadaragtidqofaanwaligiihorumarin ama  horumarkiisu aad u liito waxa hubaal ah inuu leeyay caadooyin xun oo dib u haya. Dhanka kale, markaad aragtidqof si xowli ah u horumarayaogow inuu qofkaasisamaystay caadooyin wanaagsan oo horumarkiisasal u ah.

Hadaba, caado kasta waxa loo qaybin karaa hab ‘feedback loop’ ah (jawaab-celinwareegto ah) oo ka kooban afar shay:

Cue: shay-ga ku xasuusiya caadada.

Craving:dareenkaxaraarada oo kuu qabta waxaad caadaysatay.

Response: ku camal-falka caadada.

Reward:raaxo naftu ka heshosamaynta caadada.

Tusaale ahaan: waxa caado ii ah inaancabo bun badan (coffee). Markaa afartatalaabo ee kor ku xusan sidan bay noqonayaan:

Cue: inaan coffee u baahanaywaxyaabahai xasuusiya waxa ka mid ah: waqtiga (sida subaxda iyo casarka), goobta aan joogo (sida maqaaxi), coffee oo aanuriyo, …

Craving: markaan coffee soo xasuustoxaraarad baa ii qabata.

Response: coffee baan samaystaa ama dalbadaakadibnawaancabaa.

Reward: waxaan helaadareenfirfircooni iyo tamar.

Hadbasidee loo samaystaa caadooyin wanaagsan?

Hoos waxaan ku xusayaaafartamabda’ ee aanad ka maarmayn markaad samaysanaysid caadooyin horumarkaaga u roon.

Afartamabda’ ee cadooyinka cusub

Hadaad rabtid inaad caado cusub oo wanaagsan samaysatid, caadodaasi waa innay ahaato mid:

1. kuu muuqata

Cadooyinka fiican waxa ku xasuusiya ka dhig wax muuqda oo bay’adaada (environment) ka mid ah. Si hadhow bay’adaadu laftigeeda kuugu qasabto inaad la qabsatid caadada cusub. Labada shay ee caadada ugu xasuusin og waa goobta iyo goorta. Sidaa darteed, caadadaad rabtid inaad bilowdid waxaad ku xidhi karta goor iyo goob gaar ah. Waxaanad niyadda galinasaa sidan:

Goor kastoon goob hebel joogo waxaan qabanayaa…(caadada cusub).

Tusaale: markaan sidaa u soo tooso subaxdii waxaan samaynayaa 10 daqiiqo oo jimicsi ah (goortu = subaxda, goobtu = qolka jiifka).

Hadhow markaad ayaamo badan ku celcelisid waad la qabsanaysaa oo 10 daqiiqo oo jimicsi ah inaad samaysid waxay kuu noqonaysaa caado.

Waxaad kalood samayn kartaa, caado aad si fiican u qabatid iyo caado cusub ayaad isku xidhi kartaa. Si markaad caada hore samaysidba ta cusubna ugu xigsiisid (sidan waxa la yidhaa Habit Stacking).

Tusaale:  waxa caado kuu ah inaad casarka maqaaxi ku shaahaysid waxaanad rabtaa inaad wax akhriska caadaysatid. Waxaad samaysaa maqaaxida ha tagin adigoo buug sita mooyee.  Sidan waxaad isku xidhaysaa caado kuu fudud (ka shaahayntamaqaaxi) iyo mid kugu adag (buug akhris).

 Hadhow waxaad gaadhi doonta heer aanad shaahayn karin adigoon buug sidan



2. ku soo jiidata

Hadii aad ku camal-fashid caadada cusub ee aad doonaysid inaad la qabsatid, isku abaal-mari wax aad jeceshay inaad qabatid si abaal-marintani kuugu qurxiso caadada kugu adkayd.

Tusaale: waxaad doonaysaa inaad caadaysatid inaad wiigii 3 jeer gym-ka tagtid 

Tusaale: waxaad doonaysaa inaad caadaysatid inaad wiigii 3 jeer gym-ka tagtid laakin waxaad ka jeceshay inaad asxaabtaada lasoo cashaysid. Waxaad odhan kartaa: “maalintaan gym tago ayuun baan lasoo cashayn karaa asxaabtayda. Hadii kalena lama soo cashaynayo”. Markaa raacida asxaabtaada waxaad ka dhigtay abaal-marin aad heli kartid uun maalin aad gym-ka tagtay kaliya.

 Hadhow waxaad gaadhaysaa heer aad gym-ka xiisaysid waayo waxa ka danbaysa casho iyo asxaabtaadii


3. Kuu fudud

Dadku markay doonayaan inay caado cusub oo wanaagsan samaystaan si xamaasad le bay u galaan waxayna ka bilaabaan meel sare oo hadhow ku adkaata inay sii wadaan.
 Sirta hirgalinta caadooyinka cusub waxa ka mid ah innay caadadu noqoto wax kuu fudud. 
Qoraaga buuggani wuxuu leeyay cadaada cusub ee aad bilabaysid yayna kugu qaadan 2 daqiiqo wax ka badan.
Tusaale ahaan: hadii aad bilaabaysid caado ah inaad subax kasta jimicsatid, ka bilow 2 daqiiqo oo jimicsi ah ilaa iyo intaad la qabsanaysid. Hawsha meel hoose ka bilow muhiimadu waa inuu camalku joogto noqdo. Adigoo bil maalin kasta 2 daqiiqo jimicsada ayaa ka natiijo fiican adigo maalin kaliya hal saacad jimicsada. Markaa, waa inaad tababar joogto ah samaysid oo hawshaad qabanaysid ku celcelisid ilaa intay kuu noqonayso caado (habit).

Sida kale oo caadad cusub ee aad rabtid kuugu fududaan karto waa markaad bay’ad ku munaasib ah caadadaas aad dhaxgashid. Tusaale ahaan, hadii aad rabtid in tagista gym-ku caado kuu noqoto, la saaxib koox gym-ka hore u caadaystay oo wiigii dhowr jeer taga. Naftu dhiiri-galin bay ku shaqaysaa, markaa dad caadooyinka wanaagsan kugu dhiiri-galiya doono, kuwa caadooyinka xun kugu dhiiri-galiyana ka fogow!



4. ku qancisa

Markaad caado cusub la qabsanaysid waa wax adag oo naftaadu way diidi doontaa. Laakin markaad wuxuu caado kuu noqdo naftu way jeclaanaysaa wixii ay hore u necbayd.

Tusaale ahaan: waxaad doonaysaa inaad computer programming is bartid oo aad caadaysatid inaad maalin walba hal saacad oo programming ah samaysid. Inta hore way kugu adkaanaysaa oo waxaad is odhanaysaa mayska joojisaa. Laakin hadii aad u sabartid oo aad ay caado kuu noqoto waxaad gaadhi doontaa heer programming-ku macaan ku noqoto kuna raaxaystid. Raaxo gaar ah baa jirta oo naftu dareento markaad maalin walba maalintii ka horeysay aad kasii horumartid. Hadhow waxaad gaadhaysaa heer aad si automatic ah tababarkaaga u wadatid oo programming caado kuu noqodo.

Dadku markay caado cusub bilaabaan oo maalin ama laba dhaafto way niyad jabaan oo wayna joojiyaan gebi-ahaanba caadada cusub. Qaladkan iska jir oo hadii ay maalmo ku dhaafaan adigoon hawsha qaban waxba mahee bartaasuun kasii bilow hadana. Waa laga maarmaan innay yimaadaan duruufo nidaamkaad samaysatay kaa hor istaaga. Laakin marka ugu horaysa ee aad caadada dib ubilaabi kartid dib ugu noqo.



Gabagabeyn

Halista ugu wayn ee jidka-guushamaahaguuldareysiga ee waa caajiska. Markaad caado fiican la qabsatid hadhow waad ka caajisidoontaa.Qofkahorumarku caado u noqday wuxuu kagaduwanyaydadka kale, isaguumajoojiyocaajiska oo wuu sii wadaa hawsha intay fududay iyo markay qadhaadhnoqotaba.

Sirta lugugaadho horumar luguguqiimee…

Sirta lugugaadhohorumarluguguqiimeeyo waa sidan:

caadooyin fiican+ tababar jawaabcelinleh= heer-khabiir

good habits + deliberate practice with feedback= expert level

Had iyo jeer is qiyaas is aad u ogaatid inaad hore u socotid iyo inaad goobtaadtagnayd ku wareegaysid uun. Hadii aad maalin walba ugu  yaraan 1% ka fiicnaati dheerkaadshalaymaraysaymudokadibisbdelwaynbaaddareemi  doontaa. Isbedelkayaryarnatiijadiisagadaalba laga dareemaa. Markaa waa inaad u sabirtid. Caadooyin yaryar oo wanaagsan oo bilowdid ayaa sabab u noqon kara horumarbalaadhanoodgaadhid.

Horumar fiican baan kuu rajaynayaa ee bilow!






.





























Gabagabeyn

Halista ugu wayn ee jidka-guushamaahaguuldareysiga ee waa caajiska. Markaad caado fiican la qabsatid hadhow waad ka caajisidoontaa.Qofkahorumarku caado u noqday wuxuu kagaduwanyaydadka kale, isaguumajoojiyocaajiska oo wuu sii wadaa hawsha intay fududay iyo markay qadhaadhnoqotaba.

Sirta lugugaadhohorumarluguguqiimee…Sirta lugugaadhohorumarluguguqiimeeyo waa sidan:

caadooyin fiican+ tababar jawaabcelinleh= heer-khabiir

good habits + deliberate practice with feedback= expert level

Had iyo jeer is qiyaas is aad u ogaatid inaad hore u socotid iyo inaad goobtaadtagnayd ku wareegaysid uun. Hadii aad maalin walba ugu yaraan 1% ka fiicnaatidheerkaadshalaymaraysaymudokadibisbdelwaynbaaddareemi doontaa. Isbedelkayaryarnatiijadiisagadaalba laga dareemaa. Markaa waa inaad u sabirtid. Caadooyin yaryar oo wanaagsan oo bilowdid ayaa sabab u noqon kara horumarbalaadhanoodgaadhid.

Horumar fiican baan kuu rajaynayaa ee bilow!


 SOO KOOBIDDA BUUGGA SALAAD BAA I DHAAFTA















HORDHAC

Buugga "فاتتني الصلاة", oo Afsoomaali  ahaan noqonaya "Salaad baa i dhaaftay",waxa qoray  nin reer Masar ah oo lagu magacaabo Islaam Jamaal. Buuggani sida ka muuqata waxa uu ka hadlayaa salaadda, sidee ayuu uga hadlayaa salaadda? Ma sidii aynu isla naqaannay ee ay wadaaddadu ilaa yaraanteenni innoogu soo koobi jireen xadiiska ah: "salaaddu waa waxa ugu horreeya ee maalinta qiyaame la innaga xisaabinayo", iyo tobanaan ciqaabood oo hoog iyo halaag ah oo ku dhicidoona qofka tukan waaya salaadaha?! Jawaabta oo kooban waa maya! Buuggani waxa uu ka kooban yahay seddex iyo toban iyo gunaanad.


1- SALAAD BAA I DHAAFTAY


Cutubkan, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa oday duq ah oo madaxa saaray da’da siddeetamaadka, kaas oo ku tukubaya ushiisa; si uu u tago masjidka, halka uu qoraaguna samaysanayo cudurdaarro ay ka mid yihiin: in aanu haysan wakhti ku filan, in uu mashquulsan yahay, iyo arrimo kale oo badan ilaa ay salaaddiiba dhaaftay. Qoraagu waxa uu isweydiiyay sirta ka dambaysa ilaalinta salaadaha, sidaa aawadeed ayuu go’aan ku gaadhay in uu ka warsado kuwa ilaaliya salaadaha. 

Sidoo kale, qoraagu waxa uu xusayaa in ay jirto astaan ay wadaagaan guud ahaan guulaystayaashu.


2- MAALIN UUN!


Dadku waxa ay ka wada warqabaan liibaanta, ladnaanta iyo xisilloonida in laga helo salaadda, haddana ma tukadaan. Qoraagu waxa uu isku hawlay sababaha, waxa aanu ogaaday qodobka ugu muhiimsani in uu yahay kuwa aan tukan oo samaystay caalam dhalanteed ah oo lagu magacaabo maalin uun! Waxa aynu aammisannahay xaalkeenu in uu isbeddelidoono maalin uun oo aynu ka mid noqondoonno kuwa tukada, sidoo kalena waxa aynu samaysannaa cudurdaarro aan dheef lahayn, balse waa aragti qalloocan oo gurracan. Waxa wanaagsan in aynu ka leexanno jidkan, sidoo kalena qaadanno sababaha innagu kaalmaynaya ilaalinta salaadaha.


3- ADIGU WAXA AAD TAHAY ARAGTIYAHAAGA


Hadalkan, qoraagu waxa uu uga dan leeyahay guuxa iyo wada sheegaysiga ka dhex aloosan garaadkaagu in ay yihiin qaabeeyayaasha habsami u socodka noloshaada, guud ahaan arrimaha aad samayso maalin kastana waa adiga oo fulinaya aragtiyaha ku xooggan garaadkaaga. Sidaa darteed, wanaaji aragtiyahaaga oo ha dhayalsan. Ka ilaali caqligaaga aragtiyaha taban, kuna beddelo kuwo togan; si ay u hagaagto noloshaadu. Maadaama oo uu garaadku u shaqeeyo hannaankan, waa in aynu u adeegsannaa qaab qumman; si uu innoogu kaalmeeyo salaadda, halkii aynu uga kaashan lahayn sidii aynu uga tegi lahayn salaadaha innaga oo ban-abuuranayna cudurdaarro bug iyo been abuur ah.


4- ASTAANTA MUCJISADA AH!


Cutubkan, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa astaanta mucjisada ah ee ay wada wadaagaan dadka tukadaa, kuwaas oo aan lahayn awoodo u gaar ah iyo duruufo aan lala wadaagin, laakiin astaantan mucjisada ah ayay ku sameeyaan horumar ilaa ay noloshooda ka mid noqotay. Astaantani waa furaha guul oo idil, la’aanteedna xog kastaa waxa ay noqotaa bilaa dheef. Sidoo kale, qoraagu waxa uu innala wadaagayaa xogo door ah oo caddaynaya astaantan, aanay ka mid yihiin:

 Xakamaynta Nafta: qoraagu waxa uu uga jeedaa wax kasta oo waajib kugu ah in aad qabato wakhtiga ku habboon, jeclow ama necbowba oo.

 Hala Tashan Garaadkaaga: la tashiga garaadku waxa uu u baahan yahay tamar badan, waana sabab ka mid ah kuwa keena wahsiga. 

 Bar-tixraaca: qoraagu waxa uu ka wadaa shaqo aad hore u qabatay tiiyoo ay kugu hareeraysnaayeen duruufo gaar ahi, falkanina waxa uu kuu noqonayaa dhiirrigeliye.

 Milaygani waa uu tegayaa: mar kasta maanka ku hay, guud ahaan shaqooyinka culusi waa ay tegayaan. 


5- BAAHI MA QABTAA?!


Qoraagu, isaga oo adeegsanaya aragtiyo iyo xogo ayuu innagu qancinayaa in xikmadda ka dambaysa dhibaatooyinka iyo caqabadaha nolosha ee maalinlaha ahi in ay yihiin kuwa kaa dhigaya qof si dhab ah ugu xidhan Ilaahay. Amminta aad xidhiidh xooggan la yeelato Alle (swt), macnaha sharafta iyo maamuuska dhabta ah ayaad dareemidoontaa marka aad aragto yada oo laguu gudayo baahiyahaaga, sidoo kalena waxa aad baranaysaa macnaha dhabta ah ee iimaanka. Salaaddu waa hilin lagu suubbiyo arrimaha, lagu hirgeliyo baahiyaha, sidoo kalena qalbiga waxa ay u soo jiiddaa xasillooni iyo deganaasho gudeed. 


6- DAWADA CAADADA (HAWLMAALMEEDKA)

Qoraagu, cutubkan waxa uu kaga hadlayaa insaanku haddii uu samaysto caado dheef leh in ay waajib ku tahay in uu naftiisa u sameeyo dhiirrigelin uga dhigan abaalmarin; si uu qabashada hawshan ugu helo awood iyo tamar, una sii joogteeyo. Qoraagu waxa uu leeyahay:

 cutubyadii hore waa dhiirrigeliyayaal iyo yada oo la inna jeclaysiinayay salaadda, abaalmarinta laga helayo caadadani waa xasillooni iyo raaxo, arrinkanina waxa uu ku hirgelayaa khushuucda oo ah jidka xasilloonida. Salaaddu, khushuucda ayay ku noqotaa cibaado xilli kasta cusub oo aan ahayn mid soo laalaabata, waxayaabaha khushuucda keenana waxa ka mid ah: xubanaha oo laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa iyo Quraanka la akhriyayo oo la dhuuxo macnihiisa ilayn tartan laguma jiree. 

Sidoo kale, faqu waa muhiim. Haddii aad doonto in aad beddesho dareenkaaga adiga oo tukanaya, wardiyada salaadda ha u akhriyin sidii oo aad cod duubayso, balse dheh adiga oo dhuuxaya, kuna baraarugsan in uu ku dhegaysanayo mid ku maqlaya oo kaaga warcelinaya. 


7- NOQO JARMAADE

Qoraagu, cutubkan dheer waxa uu kaga hadlayaa sheekada Hal Elrod iyo buugiisa “Waaberiga Mucjisada ah”, kaas oo tubta toosan ku hagay nolosha kumanaan qof iyo sidii uu jarmaadku uga badbaadiyay xalaaddii isku buuqa ahayd. Qoraaga buugganina isna waxa uu soo warinayaa sheekadiisa, waxa aanu u bixiyay Salaadda Mucjisada ah maxaa yeelay; diinteenna toosan ayaa inna fartay jarmaadka iyo in aynu tukanno salaadda subax. Salaadda subax waa mucjiso

 aad ku hirgelin karayso yoolashaada, haddii aad ugu talagasho wakhti gaar ahna, noloshaad oo dhami waxa ay isku beddelidoontaa dhanka togan, sidoo kalena waxa ay ku siinaysaa aragti wanaagsan oo kugu hagaysa in aad noloshaada oo idil suubbisato.


8- HALKAA GURI BAA AH!

Qoraagu waxa uu yidhi isaga oo ku halqabsanaya xadiiskaRasuulka (NNKH) ee ah: “maalin kasta qofka tukada 12 rakacadood ah oo aan waajib ahayn, jannadaa looga dhisaa guri.” Xataa haddii aynu maalin keliya tukanno gurigaa waa la innoo dhisayaa, dammanadda jannada waa aynu haysannaa, Eebbena ma dayaco addoon jannada guri looga dhisay waayo; isagaa ugu caddaalad badan.


 Salaadaha sunnaha ah ayaa guriga la innooga dhisayaa jannada, sidoo kalena xilli walba oo ay hagaagto salaadda sunnaha ahi waa ammin walba oo ay tamadarreeyaan labadaada cadow (nafta iyo shaydaanku). Marka walba oo uu Alle ku jeclaado waxa uu ku siinayaa raalli ahaansho.


9- KARA HORRAYSIINTEEDA

Qoraagu, waxa uu banka soo dhigayaa sababta ugu weyn ee innagu keenta salaad la’aantu in ay tahay qorshe xumo maxaa yeelay; guud ahaan dhibaatooyinka innagu habsadaa waxa ay ka dhashaan arrin aynu fahmi weynay habka ugu fudud ee aynu ku xallin karnayno, ilaa haatanna kala garan mayno arrimaha mudan in la geliyo awood iyo kuwa aan sii ridnayn ee aan u baahnayn wax uun dedaal ah.

 Sidaa aawadeed, waxa waajib ah in aad nidaamiso maalinkaaga iyo hawlahaaga iyo in aad halbeeg uga dhigto salaadaha, halkii ay arrimahaagu salaadda u noqon lahaayen halbeeg, kadibna aad khasaari lahayd. 


10-  DOQONIIMOOYIN AAN HORE U SOO SAMEEYAY


Qoraagu waxaa uu leeyahay dhammaanteen waxa aynu leenahay tagtoooyin wada turaanturrooyin ah oo inna kala irdheeyay innaga iyo salaadaha, isla wakhtiganna waxa suurtaggal ah in aynu u adeegsanno hagaajinta timaadadeenna maxaa yeelay; tagtadu waa talada iyo tilmaanta ugu hodansan ee aynu ku hagaajin karno nolosheenna. Sidaa darteed, Muslinka god laba jeer laguma wada qaniino, ee iska jir oo yaanu kaa faa’idaysan shaydaankaagu, ammin kasta oo ay salaaddu ku dhaaftana isweydii oo faalle sababta, hana ku laaban gefkaagii hore.

11.TAMAR MA LIHID

Cutubkan, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa xalalka ugu tunka weyn ee lagu dawayn karo xaaladaha iskugu jira: daalka, hurdada iyo wahsiga oo ay ka mid yihiin: 

 Waysada: waysada waxa ay leedahay muhiimad weyn, waxa ay kordhisaa qulqulka dhiigga oo isna kordhiya firfircoonida xubnaha waysada, sanka ayay ka ilaalisaa Bakteriyada iyo xanuunnada, qoraaguna waxa uu xusay dheefo kale. 

 Tegista Masjidka: dhaqdhaqaaqa iyo socodku waxa ay isbeddel ku sameeyaan falgallada ka dhaca jidhka, waxa ay dejiyaan xaaladda neerfaha, sidoo kalena waxa ay ka qaybqaataan dhimista iyo dhawrista miisaanka jidhka. 

 Rukuucda iyo Sujuudda: cilmibaadhsiyo badan ayaa xusaya dhaqdhaqaaqyadani in ay ka qaybqaataan yaraynta xannuunada ku dhaca dhabarka, macaanka iyo cayilidda, sidoo kalena waxa ay isku dubaridaan hawlaha ka dhexdhaca jidhka. 

 Wakhtiyada Salaadaha: cilmibaadhisyo ayaa sheegaya wakhtiyada salaaduhu in ay yihiin goobta uu insaanku ka helo tamarta uu ku shaqeeyo maalinka oo dhan, sidoo kalena waxa uu ka dhaxlaa deganaan ruuxi ah iyo nafis. 

 Caadooyinka yaryar: qoraagu waxa uu qabaa noloshu in ay tahay caadooyin yaryar oo isku tegay, kuwaas oo aynu u samayno si maalinle ah, waxaana suurtaggal ah in ay innagu hagaan badhaadhe ama ba’. 


12- KU FARA ADAY SALAADDA


Hadalkan qoraagu waxa uu innagu farayaa adkaysi iyo tababarasho maalinle ah waayo; midhaha salaadda laguma goosto maalin iyo habeen, balse caqabad kasta oo kaa hortimaadda ayaad ku goosanaysaa. Sidaa aawadeed, salaaddu waa siminaar la siinayo nafta, kaas oo ay qaadanayso nolosha oo dhan; si ay u hagaagto. 


13- SIDAA BAAN KU BARTAY ISAGA


Qof kasta oo u dhowaada Ilaahay waxa uu ku noolaadaa nolol bilaa buuq iyo rabshad ah. Waxa kugu filan in aad qaadato amarkiisa, isna wax walba ayuu kaaga filnaan maxaa yeelay; Alle isagaa ka weyn wax walba. Haa, dunidu waa wada jillaafooyin iyo jidgooyooyin, laakiin haddii aad ka mid tahay kuwa tukada ee salaadaha u ilaaliya sida uu Alle doonay, adiga iyo dhibaato waa aad kala dheer tihiin. Dunidu haddii ay kugu gardarrooto, uga ashtakoo Allaha abuuray ee iska leh.

 Dunidu hawsheeda ha wadato, innaguna aynu wehel ka dhiganno  Allaha naxariista iyo danbidhaafka badan, kaas oo innagu galladay nimcooyin ciiddaa iyo camaarkaa ka badan. 


GUNAANAD

Qoraagu buuggiisa waxa uu ku soo afmeeray qiimaha ay leedahay in aad habeenkii saqda dhexe qol madow hoosta ka soo xidhato, kadibna aad halkaa kula xanshaashaqdo Allaha naxariista badan ee xilli kasta heeganka kugu jiraha danaha iyo daryeelka addoomihiisa.







Saturday, February 25, 2023

  So koobida Buuga so Doog 





Hordhac


Buugga Soo Doog waxaa  qoray Cabduqaadir  Diiriye. Buugga waxa uu u socdaa qaab sheeko ah waxaana ku jira dhowr sheeko oo midba cashar gooni ah ay xambaarsan tahay. 


Buugga Soo Doog sheekooyinka ku qoran waa kuwa isku xiran laakiin ay matalayaan jilaayaal kala duwan oo midkasta ay noloshu waji gooni ah tustay.


Si guud sheekooyinka Buugga Soo Doog waxa ay quseeyaan xiligii kala cararku uu ka bilaawday Soomaaliya iyo sidii dadku ay iskugu dayayeen in ay noloshooda ka badbaadiyaan qaxarkii socday. 


Waxaa qof walba uu qaadayay tilaabo ugub ku aheed iyo sidoo kale waxaa qof walba raadinayay hab uu nolosha ku sii wadan karo.


Waxa Buugga Soo Doog uu muujinaya sida dhibtu ay u qaabaysay bulshada caqligeeda iyo dareenkeeda, sida dadku ula soo baxay dabeecado aan horay u jirin iyo sida dadku ugu kala qaybsameen in ay kala qaataan dowrar kala duwan.


Waxa Buugga Soo Doog na baraya is badbadalka nolosha ee aadanahu uu wajahayo marka nidaamka sare uu isbadalo iyo sida qolo cusub ay ugu faa’iideyso nidaamyada cusub.


Waxaan isku dayaa in aan si kooban u dulmaro sheekooyinka shaqsiyaad ka ugu saamaynta badan buuggaan oo na tusinaya mise na baraya casharka dhabta ah ee buuggaan.

Sheekadu waxey ku bilaabaneysa sidan 


Faadumo dalka ayeey ku soo laabatay ayadoo ka fikiraysa sida ay u aqoon doonto saaxiib teed Xaawo oo 30 sano kahor ay ugu danbaysay. Faadumo waxaa ugu yimi ayraboorka Sahro oo ah gabadha Xaawo dhashay. 


Faadumo inta ay gaariga soo saarneed waxa ay fiirinaysay wadooyinka iyo dhismayaasha burbursan. Faadumo markii danbe waxa ay soo gaartay goob ayada xasuus ku leh. Faadumo waa ay iska il maysay.


Faadumo iyo Xaawo waxa ay ahaayeen saaxiibo tan iyo xiligii iskuulka. Faadumo marka ay iskuulka dhamaysay ayeey aaday waxbarasho dibada ah laakiin uma suura galin in ay dhamaysato. Faadumo dalka ayeey ku soo laabatay waxa ay na guursatay Xuseen.


Xaawo marka ay iskuulka dhamaysay waxa ay guursatay Maxamuud. Faadumo iyo xuseen waxa ay ag dageen Xaawo iyo Maxamuud. Halkaas ayeey ku ahaayeen laba qoys oo saaxiibo ah.


Waxaa ag daganaa labadaan qoys reer Coon. Labadaan qoys waa ay caawin jireen reer Coon. Coon waxa uu ahaa nin si maalinla ah u raadsada qutul yowmka oo waxa uu cidaha u dhisi jiray wixii dhismo u baahan. Coon waxa uu qabay Muumino.


Ree Coon waxa ay ahaayeen qoys faqiir ah oo nolosha meel hoose kaga nool. Waxa ay dhaleen wiil la dhaho Cabdullahi. Cabdullaahi waxa uu ahaa nin firfircoon laakiin marwalba waxa uu dhib kala kulmi jiray carruurta kale ee iskuulka ayagoo ku caayayay hanti la’aanta.


Hooyo Muumino marwalba wiilkeeda niyadda ayeey u dhisi jirtay waxa ayna siin jirtay talooyin uu ka heli karo dhabar adeeg iyo rajo. Marwalba waxa ay ku tiraa “hooyo noloshu muuqaalka maahan sida aad hadba fasal uga gudubto ayaad uga gudbee dhibka iyo dheefta.”


Waxaa jiray Dahabo iyo Caabi oo ahaa qoys taajir ah oo xaafadaan wax ka daganaa. Caabi waxa uu la shaqayn shaqaynayay haayado caalami ah. Waxa ay dhaleen wiil la dhaho Guuleed. Dahabo iyo Caabi wiilkooda waxa ay u direen dabada.


Waxaa meesha xafdda ku tiillay warshad oo waxaa ka shaqyn jiray Kalafoge iyo Aamusane oo kala qabay Mako iyo Sakiyo.


Maxamuud oo qabay Xaawo waxaa ay qaraabo ahaayeen nin la yiraahdo Ciddiyebirre. Ciddiyebirre shaqadii ayaa laga soo eryay asigo u maleeya in qabiil ahaan loo soo buriyay. Ciddiyebirre hadda waxa uu bilaabay in qabiilkiisa uu qaraanka ukala qaado.


Qabtii ayaa bilaabatay. Magaalada dhinac ayaa laga soo galay. Dadkii wax haysatay meel ay wax ka gataan malahan. Meelkasta tuugo ayaa taagan. Xuseen oo ah Faadumo ninkeeda waxa uu u baxay in uu aado dukaanka Cali dheere si uu uga soo qaado Raashin uu carruurta siiyo.


Xuseen ma uu san soo noqon. Faadumo waxa badan ayeey sugaysay. Maalmo kadib waxaa u yimid wiil ina Cali Dheera ah. Waxa ay weydiisay in uu Xuseen arkay iyo Inkala. Waxa uu yiri inankii maanan arkin.


Faadumo inankii ayeey tiri iila sii joog carruurta waxaan raadinayaa Xuseen. Faadumo waxa ay soo heshay meeshii Xuseen lagu aasay. Kadib Xaawo iyo Maxamuud ayaa Faadumo iyo carruurteeda kaxeeyay.


Maalmo kadib Cali dheere ayaa u yimi Faadumo. Kadibna waxa uu ku dhahay na keen Faadumo adiga iyo ilmaha waxaan idiin ka xayn wadanka banaankiisa. Faadumo waa ay baxday ayada iyo carruurteeda ilaa Mareykanka ayeey gaareen.


Reer Coon waxa ay damceen in ay aadaan meel awoowgood uu dhul beereed ku lahaa. Xaafad ayeey marti ku noqdeen intii aysan tuulada gaarin. Xaafaddi ayaa tuugo u soo dhacday halkaasna Coon ayeey ku dileen. Coon waa uu dhintay.


Muumino oo aheed Coon xaaskiisa waxa ay go’aansatay in ay socod kii sii wadato. Waxa ay gaareen tuuladii awoowgood uu daganaa. Ilmuhu saa’id ayeey u farxeen oo waxa ay dareemayeen in cuntadu ay ka macaan tahay midii magaalada.


Hooyo Muumino waxa ay tiraa ” cuntada waxaa macaaneeya oo dhadhanka u yeela waa gaajada. “


Cabdullahi oo ah ina Coon waxa uu yiri hooyo iyo awoowe anigu magaalada ayaan aadaya oo shaqo ayaan raadsanayaa maadaama aan iskuulka dhameeyay. Cabdullaahi waala fasaxay waxa uuna tagay magaalada.


Cabdullahi waxa uu helay shaqo. Waxa uu bilaabay in uu hormariyo qoyskiisa. Ree Coon waligoodba faqiir ayeey ahaayeen oo gaajo waa soo mareen iyo daruuf. Laakiin markaan wiilkooda ayaa shaqo fiican helay. Waxa uu wax ka badalay nolosha qoyskooda.


Dahabo iyo Caabi oo ahaa cidii taajirka ayaa xaladuhu si xun u saameeyeen. Dahabo iyo Caabi wax hadal ah kama helaan wiilkoodii ay dibadda u direen. Caabi dhowr qaliin uu maray darteed waa uu dhintay. Waxaa soo haray waa Dahabo iyo gabadheeda.


Dahabo gabadheeda waxaa guursaday nin aan waxba haysan oo xafadda wax ka waardiyeeya. Dahabo waxa ay bilaawday in ay suuqa ku iibiso khudaar si ay u soo dhiciso biilkooda.


Sakiya iyo Mako oo ahaa labadii xaas ee kalafoge iyo Aamusane hadda waxa ay ku noolyihiin tuulo yar oo hadba ciidan hor leh uu la wareego. Qofba mar ayaa noloshu u wacnaata kan kalana waa ka hagaastaa ayadoo ay ku xirantahay labada korneel ee magaaladaan ku dirira kuwaasoo oo qofba mid uu ku jufo yahay.


Ciddiyebirre waxa uu kala gadaa qurbajoogta iyo qoraxjoogta. Qurbajoogta ku qabiilka ah qaaraan ayuu ka soo qaadaa asigoo dhahaya qabiilkeenii ayaa dalkii ku dhibaataysan. Qoraxjoogtana waxa uu ku booriyaa in ay dhulbadan qabsadaan oo qabiilka magac u keenaan.


Cali dheere oo ahaa Xuseen saaxiibkiisa waa nin ganacsada ahaa ilaa hadana ah oo marwalba isku daya in uu dadka wax ku soo kordhiyo. Waxa uu aad u neceb yahay hay’adaha iyo deeq bixiyayaasha caalamiga.


Waxa uu marwalba ku booriya dadka in ay ayagu ceelal qotaan oo is xilqaamaan halkii ay wax ka sugi lahaayeen gacan kale. Waxa uu dadka uga digi jiray dhaqanka baryootanka iyo gacan hoorsiga.


Maxamuud oo ahaa xaaska Xaawo waxa uu ahaa nin wax badan akhriyay bulshadana ku dhex jira oo fikirkiisa qofna ku qasbin una ogolaada qof walba in uu kaalintiisa hadlo.


Maxamuud waxa uu inta badan wax ka qora arrimaha bulshada iyo sida isbadalka uu u dhacay. Markaan wax kasta oo lagu faani jiray xiligii nabada waalaga cararayaa. Qofna ma haysto wax qurxan. Waxkasta oo qurxan waala foolxumeeyay. Waayoo hadaa gaari qurxan lagugu arko waalagaa dhacayaa. Waxaa naftu baday in wixii cusub ama qurxan loo yeelo ceeb si tuugada looga badbaado.


Maxamuud ayaa waxa uu arkay wiil dhar qurxan sita oo kusoo ordaya oo leh adeer seetahay. Maxamuud waxa uu aqooday in wiilku uu Cabdullaahi Coon yahay. Cabdullaahi iyo Maxamuud ayaa wada sheekeysteen. Maxamuud ma uu san ogeyn in uu Coon dhintay oo Cabdullaahi ayaa markaan u sheegaya.


Cabdullaahi waxa uu tagay gurigii Maxamuud waxa uu la kulmay carruurtii ay iskugu danbaysay waqti hore. Si feecan ayaa loo sheekeystay. Reer Coon iyo reer Maxamuud markale ayeey isku soo dhawaadeen.


Cabdullaahi waxaa la siiyay Sahra oo ah gabadha Maxamuud. Cabdullaahi waxa uu kireeyay 3 guri oo isku dhaw. Mid uu ugu talagalay hooyadiis iyo walaalihiis midna uu ugu talagalay Maxamuud iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa iyo mid asiga iyo Sahra ay dagaan. Markaan Cabdullaahi ayaa u wada arrimiya qoysaska.


Dahabo oo aheed xaaskii Caabi ka dhintay wili wax war ah kama hayso wiilkeedii Guuleed. Kaliya waxa ay maqashay in Guuleed uu guursaday gabar cadaan ah.


Faadumo marka ay u soo labatay wadanka waxa ay la kulantay saaxiibteed Xaawo. Waxa ay ogaatay in Cabdullaahi oo ah ina Coon uu xaafadaha masuul ka yahay oo uu qabo gabadha Xaawo.


Sahra iyo Faadumo ayaa suuqa aadeen. Waxaa jirtay haweeney ay Sahra waxa ka gadan jirtay. Laakiin Sahra aqoon uma laheyn haweeneydaan. Faadumo ayaa aqootay in islaantaani ay tahay Dahabo. Waxa ay tiri Dahabo maxaa kugu dhacay? Aaway Caabi?


Dahabo waxa ay u sheegtay Faadumo in ninkeedii uu dhintay wiilkeedina aysan war ka hayn. Faadumo waxa ay bilaawday in ay raadiso dad qurbaha ku nool si ay ugu hesho Dahabo wiilka ay dhashay.


Faadumo soo noqod keeda waxa uu fursad u ahaa Dahabo. Oo Dahabo waxa ay hadda maqashay codka wiilkeeda oo dhowr iyo sodon sano aysan maqlin. Guuleed waxa uu ku soo laabtay dalka si uu u arko hooyadiis iyo walaashiis.


Guuleed hadda waxaa ku dhacay baraarug waxa uu dareemay kaalinta uu cidleeyay. Guuleed waxa uu bilaabay in uu ka warhayo hooyadiisa iyo walaashiis.


Galabta waxaa meesha wada fadhiya Xaawo iyo ninkeeda Maxamuud, Cabdullaahi oo ah ina Coon iyo xaaskiisa Sahra oo ah gabadha Maxamuud iyo Xaawo, Faadumo oo ahaa xaaskiis xuseen ku dhintay sidoo kalana ah saaxiibta Faadumo tan iyo xiligii iskuulka, Cali dheere oo ah saaxbiibka Xuseen, iyo Cali dheere wiilkiisa oo ah xildhibaan.


Intaan waxa ay ka hadlayaan xaaladda dalka uu marayo. Sida dastuurka iyo baarlamaanka ay u badaleen awood qeebsigii hubka ku saleysnaa. Dowladaan ka hor waxa arimi jiray cidii hub culus heysato. Laakiin hadda waxaa arrimiya cidii hela kalsoonida xubnaha ugu badan ee baarlamaanka.


Dad aan tali jirin ayaa dastuurka fursad siiyay. Inkastoo dastuurkaan iyo nidaamkaan ba uu yahay mid laga soo minguuriyay galbeedka hadana Soomaalidu waxa ay isku dhex wadaa dhaqankii qabiilka ku salaysnaa iyo dhaqankaan reer galbeed laga soo keenay.


Ugu danbayn, gorfayn iyo rog badan waxa ay qireen in raggu wax qasayay hadana dumarku aysan ka marnayn qaska oo daaha gadaashiisa ay qaska ka hagayeen. Waxaa fadhigaan lagu soo gaban gabeeyay in dalku uu isbadalayo sidoo kale waa ay u wada duceeyeen

W/Q Nadiira tissue 

Thursday, February 23, 2023

 





Hordhac

Buugaan  Ego is The Enemy  waa buug uu qoray Ryan Holiday oo ka hadlaya siyaabaha uu Qabka dib inoogu celin karo noogana hor istaagi karo inaan gaarno yoolkeenna iyo inaan ku noolaanno nolol dhammaystiran. Fikradda ugu weyn ee buuggu waa in ego, ama qab wenida dareenka ah ee  nafteena ku jira, ay caqabad ku noqon karto koritaankeena iyo guushayada. 

Buuggu waxa uu ku doodayaa in qabweynidu ay nagu keeni karto in aynu si xad dhaaf ah u eegno nafteena, taas oo dhalineysaa kibir, wax kasta xaq-u-yeelasho, iyo is-hoosaysiin la’aan. Waxa buuggaani uu soo jeedinayaa si’aan u gaarno guusha  waxaan u baahannahay inaan iska dhaafno qabka  oo aan diiradda saarno waqti xaadirka, iyo baahida dadka kale ay noo qabaan. Buuggu waxa kale oo uu ka hadlayaa muhiimada ay leedahay is edebinta, dedaalka, iyo kartida ama awooda aan wax uga baran karno guul-darrooyinkeena. 

Rayan Holiday waxa uu ku doodaa in dhibaatada na  haysata aysan ka imaan banaanka mise arimaha dibadda. Dhibaato kasta oo na soo abaarta waxa ay ka timaadaa gudaheena, ama qabka gudaheena ku jiro

 Buuggaan waxaa loo qeybiyay 3 qeybood oo kale ah  Hammi, Guul iyo iyo Guul Daro.

Qaybta I: Hami






Waxkastoo  aa sameyn  maagto cadawgaaga ugu weyn adiga gudahaaga ayuu ku jiraa. Nolosha qof ka inta uu noolyahay waxa uu leeyahay hammi. Haa waa run. Laakiin wayahaan danbe qofkasta hammi ayaan leeyahay ayuu dhahaa si uu qabkiisa kor ugu qaado. 

Hammi weyn ayaan leeyahay oo waan kaa hammi weynahay waa waxa ugu badan ee aad maqleyso. Kaagada darane qofkasta waxa uu aaminsan yahay in uu hammigiisa uu si sahlan ku gaari karo maanta uu usoo jeesto. Waa qab waxaasi. Qof aan wax ficil ah sameyn in uu ku doodo hammi  fog ayaan leeyahay waa qab.

Kartidu waa meesha laga bilaabo waxwalba. Waxaasa fiican in aad isweydiiso in kartidaada aad sida ugu wanaagsan aad u isticmaali karto iyo in isla kartidaas ay xumaato kuu horseedi karto. Qof ku waxa uu hammigiisa ku gaari karo waa ficil. Qab ka ayaa dadka qaar u diida in ay ficil yar qaadaan. Taas ayaa ku kalifta in aysan ficil oo dhan qaadin ba. Qabka dartiis ayeey wax la’aanta ka door bideen waxa yar. 

Mararka qaar qabka dartiis ayaan moodnaa in aamusnaantu ay daciifnim tahay. Inta aad ka carareyso in daciif lagugu tilmaamo ayaad waxyaabo badan aad dhahaysaa taas oo kaa hor istaagi kartaa in hammigaaada nololeed aad gaarto. Aamusnaantu maahan calaamad daciif nimo ah laakiin waa calaamad muujineysa adkeysi iyo xooganaan. Wiliba marka aad ku jirto safar ka hammiggaada waxa ugu qurxan oo aad ku waji karto kuna sii wado karto safarkaas ayaa ah aamusnaanta. 

Nolosha maahan in aad ka fikirto qofka aad noqon laheyd laakiin waa in aad ka fikirto waxa ay tahay in aad fuliso macanaha waxa aad fulin karto oo aad xaqiijin karto. Waxaa jiro qof qab weyn laakiin aan waxba xaqiijin. 

Qofka inta uu la nool yahay qabka ah waxaan maxaad ka baraneysaa, waligiis ma xaqiijin kari doono in uu waxaas si dhab ah u barto. Qabka waxa uu kuu diidayaa in aad waxbarasho dhab ah aad sameyso. Inta aad aaminsantahay waxaan waa taqaanaa si dhab ah waxaas uma baran doontid. Inta aqoontaasi ay kaa maqantahay hammiga dhabta ah ee aad rabto in aad gaarto waaa ay kugu adkaaneysaa.

Qabku waxa uu kugu kalifayaa in xaqiiqadu ay kaa qarsooto. Waxa uu kaa xiraya oo uu iskaga kaa aadinayaa in aad hormar sameyso. Qof walba qad dartiis ayuu muujinayaa in uu mashquulyahay. Laakiin sidee ayeey macquul u tahay in uu jiro qof maantaas oo dhan mashquul ahaa oo hadana waxbo aan sameyn, macnaha waxa la taaban karo. 

Qofka waxa uu u baahanyahay waa in uu helo u jeedo nololeed taasoo la macno ah jacayl xadidan. Macanaha wax qofku uu jacayl yahay laakiin sabab loo jecel yahay. Waxaaan waan jeclahay macnaha waa is ka jeclahay oo waan ku waalanahay wax la dhaho waa marin habaabin. Ujeedadu waa in qof ku raacdo wax ka baxsan naftiisa waxaas oo farxad siinaya. Dadka qaar in ay u jeedo cayimana yeeshaan waxaa u diido qabka. 

Naftaada la xiriiri dadka iyo ururada guuleystay. Waxaa laga yaabaa in qabku uu kuu diido in aad si uun ula xiriirto qof ama koox aad guul ku tumeyso. Laakiin qabkaas kaliya adiga ayuu gadaal kuu celinaa. Qofka hammiggiisa gaar waa qof u ag dhawaada dadka ay is ku mihnadda yihiin. 

In aad noqoto qof guuleysta oo weyn waxaa ka horeysa in aad muujiso mutadawacnimo. Qofku haddii uu aaminsan yahay in uu ka sarreeyo dadka kale haddii uu dadka is kala qab weynyahay meesha uu rabo ma gaarayo. Qof hoose u muuqo oo wax badan la imaaw. 

Naftaada waxaad caawin kartaa marka aad dadka kale caawiso.  Sidoo kale waa in kibirka aad turto ka hor inta uusan ku haligin. Qofku waa uu noqon karaa qof wanaagsan oo heerka uu rabo waa uu gaari karaa oo sidoo kale sharaf waad sameysan kartaa. Laakiin marka qab iyo kibir kugu jiro waxaad rabtana heli maeysid dad daacad ahna heli meysid. 

 

Qaybta II: Guul








Markaan  guul yar gaarno, Egada mise qabka waxa uu bilaabayaa in uu na burbuiryo oo uu nusqaamiyo rabitaan kii awal nagu jiray. Qabka ayaa naga dhex saaraya dadkii aan ku dhex jirnay. 

Muhiim maahan waxkastoo aad sameysay, waxa fiican iney ahaadaan ,laakin mar walba adi arday iska ahow . Haddii aad waxbarashada joojiso qab darteed maskaxda koboco waa ay joojinee, jirkuna waa uu la socdaa maskaxda, taasna cimrigaada ayeey dadajin kartaa. 

In aan kulaabano tagtadu waa wax halis nagu ah. Waayo markasta oo tagtada aad u laabato waxaad farshaxaneysaa  oo qurxinee sheeko adiga kugu dhacday. In sheekadaada aad sameyso oo sheekadaada aad toostoosiso waxa ay kugu dhalinee qab iyo kor is ku qaadid. 

Inta aad matali laheed in sheeko fiican ay kugu dhacday macnaha inta sheeko aadan lahay aad sheegan laheyd waxaa fiican in aad howl fulin aad lahaato.

Inta badan guusha waxa ay nagu kaliftaa in aan dareenno in wax kasta aan u xaq leenahay oo xitaa aan ka xaq badannay dadka dhan. Guushu waxa ay nagu kaliftaa cuqdad ah in dadku ay cadaw nagu yihiin, in qof walba uu khlad keena raadinyo. Guusho waxa ay nagu kaliftaa in aad noqono dad amarkooda la maqlo ama  dad in la dhagaysto mudan macanaha waxa ay naga dhigtaa dad control badan. 

Markasta oo qofku guul gaaro waxaa ku dhacdo in uu noqdo qof wax yar sameeya oo waxbadan ka hadla.  Hal abuurnimo in markasta aad lahaato si sanad walbo aad u noqoto xidiga shidan waa wax loo baahan yahay laakiin guul aan hal mar gaarno darteed ayaan isla dhiganaa oo waan joojinaa waxqabadaka iyo juhdiga. Waxaas waxaa u wacan qabka guushu ay dhalido. Bal u fiirso qof kastoo aad guul ku tuhmeyso in uu maalin gaaray waxaa u shidan heestii aheeed cadawgu darbiyada ha jiiro. 

Qaybta III: Fashilka







Guuldaradu inta badan waxa ay timaad ayadoon loo wacan waxaasa  u sabab ah qabka. Is badalku waa u muhiim nolosha. Laakiin qab dartiis ayaan wax iskaga dhagnaa. Markaas ayaa waxaasi inoo shaqeyn waayaan oo marka xeerada salkeeda soo taabano  ayaan aragnaa waxa aan ku soconay aayaha ka dhashay. 

Waxaa fiican in natiidajada dhalan doonta aanan isku lifaaqin oo aan isku dhajin oo aanan rabitaan badan u muujin. Guuldarada dhan waa marka wax aad isku hagajineysay ay kuu shaqeyn waayaan. Marka si guuldarro aadan u wajihin waxna ha isku dhajin, macnaha, muhiimadu waa in waxaan aad ka shaqeyso inta aad ka shaqeyn akrto laakiin waa in aadan  sugin natiijo cayiman. 

Shaqadaada qabo wiliba u qabo sida ugu wanaagsan kadibna ilaahey u talo saarso  In shaqadaada aad si hufan u qabato ayaa kaaga filan.

Marka aad dareento in guushu ay farahaaga ka sii baxayso isku day in naftaada aad gadaal ugu laabato oo naftaada aad ka shaqeyso. Badan keena guuldarada waxaba naga dhibto haddii ay anaga nagu egtahay laakiin fashilka aan ka baqno waa midka dadka kale ay ogaanayaan. Markaas waxaad halkaas ka arkee waxaan diirad saaryenaa wajiga dadka kale ay naga heystaan. 


W/Q  Nadiira Tissue 

 

Monday, February 13, 2023




Khulaasada buugga 



Magac :The book You wish Your parents Had read ( and your child will be Glad That you Did)

 Buuga jeclaan laheyd inuu waalidka akhriyo 

◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇◇


Horudhac 

Buuggaan waa mid ka mid ah buugta ugu quruxda badan ee aan ka akhriyay mowduucyada ku saabsan barbaarinta iyo waalidnimada

Waxaa qoray Philippa Perry. Waxa buuggu uu ka koobanyahay 6 qeybood. 


Qeybta 1aad: your Parenting Legacy

( Dhaxalka Barbaarintaada )

Qeybtaan waxa ay ku saabsantahay oo ay inoo sheegaysaa in waxkasta oo nala kusoo barbaariyay ay si uga soo muuqan doonaan dabeecadaheena marka aan kuu guda jirno barbaarinta caruurta. Macanaha dhaxalka aad ka soo qaadatay waalidkaaga mise dadkii ku soo barbaariyay waa ay kula soconeysaa oo xirfadaada barbaarinta qeyb ayeey ka ahaaneysaa


Tusaale haddii dadka ku soo barbaariyay ay ahaayeen dad khalafsan oo si arxan daran ay kuula soo dhaqmeen adina wadadaas in aad qaado waa ay badan tahay haddii aadan badalin.


Waxa buuggaan uu na leeyahay sidii laguu soo barbaariyay waa in aad gadaal u eegtaa oo aad ogaataa. Haddii aadan garwaaqsan waxyaabihi ka khaldamay barbaarintaada waxa ay kugu kalifee in si ogaal la’aan ah aad wadadaas u qaado. Isku day in aad ogaato kadib na hagaaji. Qaabka laguula soo dhaqmay ee aad dhibsan jirtay ogaw kadibna hagaaji.


Midda kale ma jiraan wax waalid wanaagsan iyo waalid xun la dhaho. Shaqsiyadaha ayaa kalaa badalan. Waalidkuna waxa uu raacaa shaqsiyadiisa. Muhiim maahan in marwalba aad isku daydo in aad iska dhigto waalid wanaagsan. Waalid wanaagsan noqoshada maahan wax ay tahay in dusha sare lagu muujiyo laakiin waa wax haddii aad fuliso ay fac ka fac isku dhiibayaan. In waalid wanaagsan aad iska dhigto waxa ay kaa qarinee khaladkaaga. 


Qeybta 2aad: Bey’ada Caruurtaada Ku Hareereysan 

Muhiimada  maahan  qaab dhismeed qoyska laakiin waase sida xubnaha qoyska ay u wada dhaqmaan. Ilmahaaga dadka barbaarinaya waxaa ka mid ah qof kasta oo hareeraha jooga. Adigu iyo lamaanahaaga kaliya maahan waxa barbaairnta ka qeyb qaadanaya. Qof kasta oo bey’adaas wax ka joogo, ha ahaado ayeeyo, awoowe, abti, adeer, dumaashi, adeegaha mise adeegtada iyo nooc walba oo qof ah oo hareerta joogo. 


Waxaa taas ka sii daran oo barbaarinta ka qeyb qaadanaysa ayaa ah sida dadkaas aad ula dhaqanto. Haddaad ilmahaaga u wanaagsantahay oo dadka kale ee hareerta jooga aad si xun ula dhaqmeyso ogaaw taasi ilmmahaaga waa ay saameynee. Sida aad waalidlkaaga ula dhaqanto iyo qofkasta oo kula jooga  haddii ilmahaagu daawanayaan waa bis. Waxa aad baree sida ayagu adiga kuula dhaqmi lahaayeen.


Bey’adaan waxa ay qaabaynee shaqsiyadda iyo dadnimada ilmahaaga. Waxa ay go’aaminee caafimaadka maskaxeed ee ilmahaaga. Waxa ay go’aaminee sida ilmaahaga uu dibadda iyo iskuul ku noqon lahaa. Falal waxaa jiro ilmaha uu guriga ku arkay laakiin guriga aysan ku sameyn oo marka ay banaanka u baxaan ay sameeyaan. 


Waxaa taas dheer, sida guriga looga doodo waa ay saameynee dabeecadda iyo xirirka uu ilmahu banaanka ku yeelanayo. In la doodo waa caadi laakiin in dood walba in ilmaha hortooda lagu sameeyo waxa ay baree ilmahaas luuqadda dooda, luuqad jireed iyo waxyaabo badan oo ilamahu uu adeegsan doono marka uu dood galayo. 


Marka ka taxadar agagaarka waxa ka dhacaya ee ilmahaagu ay baranayaan. Waa laga yaabaa in aad aragto waalid ku dhahahaya ilmahiis “ waxaas yaa ku baray?” muhiimaddu maahan in la helo qof waxaas bara. Ilmaha waxa ay wax ka bartaan ficilada dhabta ah oo  sida maalin laha ah loo sameeynayo. Talo bixinta muhiim maahan iyo wax u sheegidu. Ficilka adiga iyo dadka kugu hareereysan aad sameyneysiin iyo sida aad iskula dhaqmeysaan ayaa muhiim maahan. 


Qaybta 3aad:   Dareemadooda 

Bini aadanku waxbey dareemaanka hor inta aysan fikirin caruurtuna waa sidaas oo kale. Inta badan waxa caruurta loo la dhaqmaa sidii in aysan dareen la hayn. Ayagu waa ay xanaaqaan, waa murugoodaan, waa ay farxaan, waa ay caajisaan, wax way dhibsadaan, waxbey jeclaadaan.


Macanaha wax kasta waa ay dareemaan.In dareemahooda la iska indho tiro waxa ay dhibaato ku tahay mustaqbalkooda, shaqsiyadooda iyo caafimaadka maskaxdooda. Haku caburin dareenka. U ogoloow in uu ooy. Maahan in ay tahay in aad ooyinta ku dhagaysato. Maslax ayaga

 koolkooli, hab sii si tartiib ah u daji. Bar sida oo ka caawi sida ay dareenkooda u gudbisan karaan. Ilmaha qaar marka ay dhahaan waxaas ma  rabo waxaa lagu dhahaa “ yaad amree? Waad ku qasban tahay in sidaas aad yeehso.” meesha amar ma yaalo. Laakiin maanta haddii ilmahaaga aad dareenka ku caburiso waligiis waxba kuuma sheeganayo sida dhabta ah ee uu dareemayana waa uu kaa qarin doonaa.

Aqbal dareemada kala duwan ee iimahaagu uu soo muujinayo. Markaasna bar qaab wanaagsan ee loo muujiyo.eybta 4aad: Sees dhigidda 

Xaamilada marka uu qofku yahay waa marka 1aad ee ay ugu wanaagsan tahay in aad dib u milacsato xariirka aad la laheed waalidkaaga iyo sidoo kale in aad ka fikrito xiriirka mustaqbal ee aad la yeelan doonto caruurtaada. 


Waa in aad barato hab kaaga barbaarinta. Ma regulator ayaad tahay mise facilitator. Waalid ka regulator ka ah waa mid mar walba ahmiyadda siiya waalidnimada. Oo marwalba cunugu muhiim saas ah loom asaaro rabitaankiisa.Laakiin waalidka ayaa go’aaminaya waxyaabaha maalin laha ah ee cunugu uu sameynayo. Tusaale,  waalidkaan xilli cayiman ayeey ilamaha seexinayaan, xili cayimanne waa ay kicinayaan xitaa haddii ilamahu uu san dareemeyn in uu kaco oo wili uu hurdo sii rabo.  


Waalidka facilitator(Isbedbedala) ka waa mid ilmaha xudunka ka dhiga oo ilmaha diirad saara. Walidkaan wax jadwal ah kuma qasbaan ilmaha laakiin waxa ay daawadaan sida ilmahu uu u dhaqmayo. Tusaale, ilmaha kuma qasabaan in ay seexiyaan mana ku qasbaan in ay kiciyaan oo hurdada ay ka jafaan. 


Sidoo kale waa inaad ogaato  attachment style kaaga.  Attachment  style waxaan dhihi karnaa waa habka uu qofku ula dhaqmo dadka kale macnaha uu qofka ugu muujiyo dadka kale cilaaqaadka dareen ahaan muhiimka ah. Waa sida ay dadku u raadiyaan una ilaaliyaan isu soo dhawaanshaha.


Waxaa jira afar qaab oo isku lifaaqaan mise isku sidiga u dhaca.


1. Secure attachment style 

habkaani waa awoodda dadka kale lagula sameeysto xiriir taban, oo caafimaad qaba. Dadka leh isku sidigaan aaminka ah waxa ay istareex ku dareemaan in lagu tiirsanaado sidoo kale waa ay u fududahay ayaga in ay qof kale ku tiirsanaadaan. Waxay awoodaan inay aaminaan oo ay ku kalsoonaadaan kuwa kale, waxayna dareemeen in baahidooda la dabooli doono. Marwaba si togan ayeey uga fikiraan naftooda iyo xiriiradooda.


Dadka hab kaan leh marka ay  yaraayeen waxaa lagu soo barbaarshay nolol waxkasta oo ay u baahdaan loo sameeyay ama loo sharaxay sababta aan loogu sameyn. Yacni waligood lama dareensiin in wax laga hagranayo. Marka ay ooyaan dhaqsi ayaa loo jawaabi jiray. Jacayl badan iyo u dhawaansho badan ayaa la siiyay. Taas ayaa keentay marka ay koreen in ay noqdaan dad aamina dadka kale. 


2. Insecure attachment style

habkaan waa dadka leh dabeecad adag oo ku aadan in ay sameystaan xiriir togon oo caaifmaad qaba. Ayagu naftoodana kuma kalsoona naf kalana kuma kalsoon. Si ay u helaan waxa ay rabaan waa ay qeyliyaan oo ay xanaaqaan si loo maqlo. 


Dadka noocaan ah marka ay yaraayeen looma sameyn jirin wax aay rabaan macanaha marwalba looma sameyn jirin. Haddii ay ooyaan marna waa loo jawaabi jiray marna looma jawaabi jirin. Macnaha baahiyahooda si joogta ah looma dabooli jirin. 


3. Avoident attachment style

habkaan dadka leh wax ay ka fogaadaan in loo soo dhawaado oo asxaan loo sameeyo oo la jeclaado. Ma aragtaa qof iska gooni socod ah oo xitaa aan aminsaneyn in la jeclaan karo mise u maleeyo haddii la jeclaado in wax laga rabo. Dadkaan qofna ma aaminaan xitaa qofna caawimaad ma weydiistaan. Dareenkooda waa ay caburiyaan oo waa ay qariyaan. 


Dadka  noocaan ah waa dadka marka ay yaraayeen ooyinta lagu dhagaystay. Ilmaha sida ay u ooynayaan ayagu iska aamusa waa kuwa inta badan dabeecadaan lasoo baxo.


4 Dismissive attachment style

waa dadka inta badan isku dhawaanshaha iyo is laxawisga u  arka daciifnimo. Dadka noocaan ah ooyinta iyo qiirada waay la tahay wax jileec ah oo daciifnimo ah. Ma ooyaan qof ooyayana uma adkeysan karaan. 


Dadka dabeecdaan leh waa inta badan dadka caruurnimadoodii la iskugu daray dilka, cayda, dayaca iyo xadgudubyo kala duwan. 


Marka aad ogaato habkaaga waxa ay kaa caawinee in aad ogaato qaab barbaairntaadii taasina waxa ay kaa saacidee in ilmahaaga aadan marsiin isla wadadii aad soo  martay. 


Q5aad: sharuudaha caafimaadka wanagsan ee maskaxda


Waxaa jiro waxyaabo yar yar ee aan sameyn karno taasoo ka caawineysa caruurteenna in ay yareeyaan dhibaatooyinka mise caafimaad darrada maskaxeed. Midda ugu horeysa ee ugu wanaagsan ayaa ah in caruurkaaga aad la sameyso dabar adag. Macnaha xirir dabar oo adag. In wada sheekeeysi feecan aad la sameyso caruurtaada iyo in aad la falgasho oo aad dhagaysato. 


Waa laga yaabaa in aad ku mashquusho telkaaga laakiin taas waxa ay dhibaato ku tahay caruurtaada. Waxa ay ku abuuree caruurka marnaasho gudeed. 


Ilmaha qaar waxaa laga yaabaa in ay isku dhajiyaan kaliya waalidkooda oo aysan dadka kale rabin. Taasi wax dhibaaato ah maahan waa wax feecan in ilmahu ay kugu dhagdhagaan. Waxaa tani muujinee in ay kugu faraxsanyihiin iyo in weli suurta gal ka tahay in ay xiriir wanaagsan kula sameystaan. 


Inta badan ilmaha kaligood inta la seexiyo ayaa laga tagaa laakiin taasi uma wanaagsan caafimaad qabkooda. Meeshaan ay kaligood ku jiraan ayeey wax badan u fasiri karaan, waxa ay dareemi karaan cabsi oo waxa ay ku sii fikiri karaan in cabsidaan loo soo fogeeyay ama lagu ciqaabayo. Waad la seexan kartaa marka ay hurdaanne waad ka soo tagi kartaa. 


Ciyaarta waa mid ka mid ah wadooyinka ugu wanaagsan ee ilmaha looga caawin karo in ay yeeshaan maskax caafimaad qabta. Ciyaartu waa shaqada caruurka. La ciyaar si uu u farxo. Qofkasta waxa ay xasuusan tahay qofkii sida feecan ula ciyaair jiray markii uu yaraa.


Qeybta 6aad. Hab-dhaqannada dhan waa farriin gudbin 


Hab-dhaqankeena ayaa ah waxa ugu horeeeya ee saameynta ku yeelan kara caruurteena. Saameyn togan iyo mid taban. Sida ilmahaagu uu u dhaqmo iyo sida aad u dhaqanto marnaba makala madax bannaana. Waxaa wada abuuray dhaqanka ka taagan bey’ada wada joogtaan. U fiirso sida ilmahagu uu ula dhaqmayo dadka kale, kadibna u fiirso sida aad  adigu ula dhaqanto dadka kale. Waxaa dareemee in xiriir uu ka dhaxeeyo labada hab-dhaqan. 


Ilmaha inta ay yaryihiin waxaad u tahay qof ay ku daydaan. Kaligaa maahan dadka dhan ee guriga jooga ayeey ku daydaan. Waa fiican in aad lahaato xirfada qaar tusaale ahaan sidoo loo xakameeyo xanaaqaaga, sida loo noqdo qof meeshii ka hor timaada la qabsan karta, qof dhibaatooyinka in ay xaliyo/xaliso awood u leh, iyo qof leh awoodda lagu arko oo lagu dareemo fikradaha dadka kale. 


Haddaa afartaan xirfad aad leedahay oo marwalba aad hab-dhaqan ka dhigato waxaa jireyso in ilmahaagu ay kaaga daydaan. 


Inta badan ilmahu qaabab kala duwan ayeey u dhaqmaan. Laakiin waxa laga yaabaa in hab-dhaqankoodaan aan fasirno. Fasiraadaha qaar ee aan ku sameyneyn habdhaqanka caruurka maahan wax wanaagsan, mana ahan waxa ilmaha ka caawinaya wax hormar ah. 


Tusaale ahaan, waxaan dhahnaa “ cunugaan waxaas ayuu sameyaa si uu u helo attention, si uu noo isticmaalo anaga, waxa uu isku dayaa in uuna amro, cunugaan waxaa maanta ka khaldan.”


Waxyaabahaan maahan sharaaxdyo ilmaha u faa’iido ah. 


Waalid kasta waa uu rabaa in uu ilmahiisa jiheeyo. Laakiin waxaa loo kala maraa habab kala duwan. Strict, Lax, iyo Collaborative 


Waalidka qaar waa “strict” kaliya amar ayeey bixiyaan waxa ayna ka sugaan cunugooda in uu fuliyo. Kaliya waa adeeg iyo qasab. Hab ka kale ayaa ah “Lax waalid ka qaar si saa’id ah ayeey ugu dabacsanyahiin caruurtooda. Wax xeer ah uma yeelaan xaduudna uma sameeyaan. Tani waa laba afleey. Marna waa faa’iido marna waa khasaaro.



Waa ay u fiican tahay in ilmahaaga aadan wax badan ka filan oo howlo badan aadan ku xirin laakiin hadana ilmaha  marka aan xeer loo sameyn ayaga ayaa xeer sameysta taasina dab kale ayeey shidi kartaa.


Hananaka 3aad ayaa ah collaborative. Waa marka adiga iyo cunugaada aad si wada jir ah go’aan u gaareysaan oo wax u wada xaleysaan. Dhibka jira hadaa ogaato u soo bandhig, ka wada hadla, is la fahma, xal isla keena. Laakiin adigu marnaba ha noqon in xal aad ku qasabto ilmahaaga iyo in aad faraha ka wada qaado ayaga dhan.


Inta badan waalidka qaar been ayeey u sheegaan caruurtooda ayagoo is leh wax ka qariya mise u  diidaya caruurka in uu xaqiiqo jirto ogaado. In been la sheego waa in dareenkaada aad meel kale u leexiso. Taasi waxa ay baree caruurtaada in uu sidaas sameeyo. Asigoo la soo tumay ayaad dhahee maxaa kugu dhacay markaas ayuu dhahaa waxba iguma dhicin waan feecanahay.


Sidoo kale qof kasta xaduud in uu lahaado waa ay fiican tahay. Ilamahaaga jacayl sii sidoo kale xaduud u yeel. Wax ay ka hadli karaan ayaa jiro iyo wax aysan ka hadli karin. 


Gababgabo 

Buuggaan taloolinka ku jira badan kooda waa wada maqashay laakiin haddii aad waalid tahay waa ay fiican tahay in aad tilaabooyinkaa aad ficil u badasho oo aad ugu faa’iideyso ilmahaaga iyo kuwa kugu hareereysan. 


The Book You Wish Your Parents Had Read by Philippa Perry | Goodreads


book summary


W/Q Nadiira tissue





Nuxurka Buugga لم يخبرنا بهدا قبل ان تتزوج❤️

     Hordhac Guurka waa mid ka mid ah go’aannada ugu waaweyn ee qof bini’aadam ah qaato noloshiisa, balse inta badan waxa laga bixiyaa sawir...